Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আল-হিজৰ   আয়াত:
وَلَقَدۡ جَعَلۡنَا فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجٗا وَزَيَّنَّٰهَا لِلنَّٰظِرِينَ
16. Waxaan yeelnay samada xiddigo waaweyn iyo rugo ay maraan, Waxaana u qurxinnay daawadayaasha.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَحَفِظۡنَٰهَا مِن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ رَّجِيمٍ
17. Waxaana ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga ceyrshay (Naxariista Alle).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِلَّا مَنِ ٱسۡتَرَقَ ٱلسَّمۡعَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ مُّبِينٞ
18. Mid maahee xada mar wax uu maqlo, markaas la raaciyo danab muuqda.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَٱلۡأَرۡضَ مَدَدۡنَٰهَا وَأَلۡقَيۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَيۡءٖ مَّوۡزُونٖ
19. Dhulka - waanu fidinnay, waxaanu ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay wax kastoo miisaaman.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَجَعَلۡنَا لَكُمۡ فِيهَا مَعَٰيِشَ وَمَن لَّسۡتُمۡ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ
20. Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin7.
7. Macnaha waxaa weeye Alle wuxuu idiin sakhiray dad iyo duunyo kale uu isagu wax siiyo oo irsaaqo. Macno kale waxaa weeye Alle wuxuu idin siiyaa waxyaalo aad ku noolataan oo sidoo kale siiyaa dhammaan uumanka kale.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرٖ مَّعۡلُومٖ
21. Ma jiro wax aannu Annagu (Alle ah) hayn khasnadahiisa. Kumana aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَأَرۡسَلۡنَا ٱلرِّيَٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَسۡقَيۡنَٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمۡ لَهُۥ بِخَٰزِنِينَ
22. Waxaana soo dirnaa dabeylaha tallaala (daruuraha) markaasaan ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob), aan idinka waraa- binno, mana ahidin idinku kuwa kaydiya.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَإِنَّا لَنَحۡنُ نُحۡيِۦ وَنُمِيتُ وَنَحۡنُ ٱلۡوَٰرِثُونَ
23. Xaqiiq, waa Annaga (Allaah) Kuwa wax nooleeya, waxna dhinsiiya8, Annagaana ah dhaxlayaasha9.
8. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Hadduu qofka aadmiga ahi dhinto waxaa go’a camalkiisa marka laga reebo seddex arrimood: Sadaqa joogto ah (waqaf), cilmi lagu intifaaco, ama ilmo wanaagsan oo u soo duceeya. (W.w. Muslim).
9. Allaah subxaanahu wa tacaalaa baa hara markay uunka oo dhan dhintaan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَقۡدِمِينَ مِنكُمۡ وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَـٔۡخِرِينَ
24. Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, Waxaana ognahay kuwa dib ka iman.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحۡشُرُهُمۡۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٞ
25. Hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin iyagoo dhan. Waa Xakiim, wax kasta Og.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ
26. Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, madow doorsoon ah.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَٱلۡجَآنَّ خَلَقۡنَٰهُ مِن قَبۡلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ
27. Jinkana, Waxaan ka abuurnay awal hore dab ololaya10.
10. Malaa’igtana nuur ifaya.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَإِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّي خَٰلِقُۢ بَشَرٗا مِّن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ
28. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَإِذَا سَوَّيۡتُهُۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُواْ لَهُۥ سَٰجِدِينَ
29. Ee markaan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxda aan ugu tala galay11, ula dhaca sujuud (rukuuc salaan ahaan).
11.Walaxda nolosha iyo nafta uu Alle u abuuray jirkaa, ma aha ruux ilaahnimo ah ama qayb ka mid ah (sida uu yahayba fahanka gurracan ee gaalada).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَسَجَدَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ كُلُّهُمۡ أَجۡمَعُونَ
30. Markaasay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ
31. Ibliis12 maahee (ma yeelin): waa uu diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuda13
12.Wuxuu ka mid ahaa jinka sida ku soo arooray Suuradda 18: Aayadda 50.
13. Sujuudda halkan loolama jeedo cibaado ee waxaa loola jeedaa salaan ka heybeysi iyo qaddarin iyo weyneyn ah adigoo madaxa hoos u soo rogaya. Waana tii Mucaad markuu soo arkay dad sidaa salaan madaxa ula soo roganaya hoos, uu damcay inuu sidaas oo kale u salaamo oo ugu sujuudo Nabi Muxammad s.c.w. waana uu ku diiday, waayo shareecada Nabi Muxammad s.c.w kuma bannaana in qofna loo rukuuco oo madax hoos loogu dhigo, Rukuuca sidaas ah sujuudna waa la yidhaahdaa. Rukuuca iyo sujuudda waa cibaado cidna xaq uma leh aan ahayn Alle subxaanahu watacaalaa.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আল-হিজৰ
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ