[1]. Waa kitaab toosan Qur’aanka oo qofkii raacaa uusan lahaaneyn qallooc iyo leexleexasho. Wuxuuna Alle ku soo dejiyey addoonkiisa Nabi Muxammad s.c.w.
[2]. Ar-Raqiim: waa looxii ama indhalkii ay ku qornaayeen xikmadaha iyo wararkii asxaabul kahaf. Waana mid ka mid ah waxyaalaha cajabta badan ee Allaah abuuray.
[3]. Bal waa mid keliya ee ka mid ah waxyaalaha cajaa’ibta badan ee Alle.
[4]. Waxay dhexdooda iskula ballameen inaysan caabudin axad aan ahayn Allaah, Macbuudka Xaqa ah.
[5]. Inta abbaareen boqorkii Dikyanus ee daalim ahaa kibir badan.
[6]. Alle wuxuu u soo diray hurdo asxaabul Kahaf ay la jiifeen 309 sannadood oo sannad bileedka ah. Eeg Aayadda 25 ee Suuradda Al-Kahaf. Xagga sannad qorraxeedka waa 300 oo sano, waxaa ku ziyaada sagaal sano xagga sannad bileedka.
[7]. Doonista Alle.
[8]. Waxay isku khilaafeen Maalinta Qiyaamaha inay dhaceyso iyo in kale? Ma waxaa la soo saari jirka iyo ruuxda oo isku dhan? Mise ruuxda keliya? Markaasuu Alle ka yeelay inay la kulmaan dhallinyaradan lagu xusay qisadan oo u caddeeyey in Qiyaamuhu iman oo la soo bixin doono jirka iyo ruuxda oo isku dhan.
[9].Waxaan ka dhigi goobtan meel cibaado.
[10]. Xagga Qur’aanka, ee ah xujada keliya ee la hubo inuu xaq yahay, wuxuuna Qur’aanka tilmaamay inay ahaayeen toddoba.
[11].Waxaa soo arooray inay qaar ka mid ah Yuhuudda ay su’aaleen Nabiga s.c.w. ruuxda iyo qisadii asxbaaul Kahaf iyo Dul Qarnayn. Markaasuu Nabigu s.c.w. ku yidhi: Ii kaalaya berrito anigaa idin sheegiye, mana odhan inshaa Allaah. Laakiinse waxyi kuma soo degin maalintii xigtay oo Nabigu s.c.w. uma uusan jawaabin? Kaddib waxaa soo degay Aayadaha 23- 24 ee la xidhiidha arrinkaas waxaana halkaa darsin lagu siiyey Nabiga s.c.w. wuxuu Alle kaga digay inuu ilaabo inuu yidhaahdo Inshaa Allaah markaas oo kale, waana u dersin sidoo kale ummaddiisa.
[12].Isagoo isla weyn ka abaal dhacsan Alle. Wuxuu khayrka iyo barwaaqada uu heysto u nisbeeyey naftiisa halkii Alle, wuxuuna dafiray inay jirto Aakhiro.
[14]. Ee beeniyey Xaqii ay u keeneen Anbiyada Alle.
[15]. Mufasiriinta qaarkood waxay sheegeen iyagoo daliilsanaya xadiis laga soo weriyey Nabiga s.c.w. in addoonka halkan loola jeedo Al-Khadir, naxariistana loola jeedo Waxyiga iyo Nabinnimada la siiyey, cilmigana loo jeedo cilmi Ghaybka sida ku iman doonto Aayadaha xiga. Caamada qaar ayaa rumeysan inuu Khadir dhiman oo nool yahay, taasina ma aha sax, waayo waxaa soo arooray axaadiis muujinaya inuusan nooleyn. Hadduu nool yahay wuxuu u iman lahaa Nabiga s.c.w. oo rumeyn lahaa oo u gargaari laha. Nabigu s.c.w. wuxuu mar xadiis ku sheegay in wixii ka billowda maalintaas hadday ka soo wareegto boqol sano axadna dhulka ku nool markaa uusan noolaan doonin boqol sano kaddib. Qisadanina waxay dhex martay Al-Khadir iyo Nabi, wiilka la socday Nabi Muuse oo u adeegayeyna wuxuu ahaa Yuushac bin Nuun oo isna Nabi noqday ka mid ah anbiyadii ilmihii Israa’iil waa’ dambe kaddib Muuse c.s.
[16]. Abuu Hurayra a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Alle wuu u dhaafay ummadeyda (wixii ku soo dhaca) naftooda (oo camallo xun ah) marba haddaysan ku dhaqmin ama ku dhawaaqin iyo wixii halmaan uga dhaca iyo wixii lagu qasbo.».
[17]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu wanaajiyo martidiisa, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ka ilaaliyo dhib oo dhan jaarkiis, oo qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuu ku hadlo hadal wanaagsan oo khayr ah ama iska aamuso. (W.w. Abuu Daawuud)
[18]. Macno kale waa il biyo kulul.
[19]. Ku adkeysta shirki, gaalnimo, denbi, iwm oo aan dooneyn inuu hanuuno oo qaato Islaamka.
[20]. Dad masaakiin ah aan waxba heysan.
[21]. Waxay ahaayeen dad aan garaneyn af aan ahayn afkooda, waayo afkooda wuu ka duwanaa afafka qeyrkood, mana caddeyn karin muraadkooda aqoon yari darteed.
[22]. Ya’juuj iyo Ma’juuj waa labo qolo oo waxshi ah oo deggan qaybo ballaaran oo ka mid ah Aasiyada dhexe, kuwaasoo fala nooc kasta oo fasahaad ah.
[23]. Maalinta dhismahaa weyn ee lagu xiray Ya’juuj iyo Ma’juuj la burburiyo.
[25]. Waxay diidaan inay dhageystaan Qur’aanka ama fahmaan oo waxay beeniyaan Maalinta Dambe ‘Aakhirada’.
[27]. Kelmedahaa waa amarrada Alle ee aan la soo koobi karin ama Kelmedaha sheegaya Tilmaamahiisa ama Ammaanahiisa.