[13]. Waxaa sidoo kale lagu fasiray: Haweenka xun waxay u sugnaadeen nimanka xun, nimanka xunna waxaa u sugnaaday haween xun, haweenka wanaagsan waxay u sugnaadeen nimanka wanaagsan, nimanka wanaagsanna waxaa u sugnaaday haween wanaagsan. Arrinkanina waa sida qaalibka ah laakiin way dhacdaa inkastoo ayan badneyn in naag xumi uu ku soo aado nin wanaagsan, nin xunna ay ku soo aaddo naag wanaagsan, naag wanaagsanina uu ku soo aado nin xun, nin wanaagsanina ay ku soo aaddo naag xun. Laakiin waa in yar.
Alle wuxuu Aayadahan ku barii yeelay hooyadii mu'miniinta Caa'isha a.k.r.