[10]. Waxaa loola jeedaa Yaa ka joojin kara Arrinka Alle inuu fulo.
                                [11]. Kuwa ka cesha dadka kale inay taageero siiyaan jihaadka oo garab istaagaan mujaahidiinta dagaalka.
[12]. Halkii ay ku biiri lahaayeen.
[13]. Markaasna waxay u baxaan ujeeddooyin kale sida aad maal heshaan, iwm.                            
[14]. Masuug badan waxaa loola jeedaa aan dooneyn inay siiyaan wax kaalmo ah hirgelinta diinta iyo jihaadka Jidka Alle.
                                [15]. Cabsidooda zaa’idka ah munaafiqiinta, kuwaasoo fulayo ah, marka ma rumeystaan in ciidammada cadowga la jebiyey. 
[16]. Dagaalkii Godka muslimiinta ma gelin dagaal, waayo Alle wuxuu soo diray dabeyl iyo malaa’ig kala firdhisay gaaladii.                            
[17]. Nabiga s.c.w. waa tusaale lagu daydo oo la raaco xag kasta nolosha iyo xagga jihaadkaba.
[18]. Alle wuxuu u ballan qaaday Rasuulkiisa iyo mu’miniinta guul kaddib dhibka iyo shiddada. Waxaana la amray inay sugaan waxa uu Alle u yaboohay.