Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: ছাবা   আয়াত:
لَقَدۡ كَانَ لِسَبَإٖ فِي مَسۡكَنِهِمۡ ءَايَةٞۖ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٖ وَشِمَالٖۖ كُلُواْ مِن رِّزۡقِ رَبِّكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۥۚ بَلۡدَةٞ طَيِّبَةٞ وَرَبٌّ غَفُورٞ
15. Waxaa ugu sugnaa (reer) Saba’ calaamad degaankoodii: labo Beerood ka xiga xagga midig iyo xagga bidix. (Waxaana lagu yidhi), "Cuna risiqa Rabbigiin oo ku mahdiya. Beled wanaagsan iyo Rabbi Denbi Dhaaf Badan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَأَعۡرَضُواْ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ سَيۡلَ ٱلۡعَرِمِ وَبَدَّلۡنَٰهُم بِجَنَّتَيۡهِمۡ جَنَّتَيۡنِ ذَوَاتَيۡ أُكُلٍ خَمۡطٖ وَأَثۡلٖ وَشَيۡءٖ مِّن سِدۡرٖ قَلِيلٖ
16. Wayse ka jeesadeen 'xaqa' markaasaan ku soo dirnay Daad Weyn8, oo ugu beddelnay halkii labadoodii beerood labo beerood oo soo saara midho xun oo qadhaadh iyo qoryo, iyo wax yaroo geedo gob ah.
8. Daadka weyn ee ku soo fatahay waxaa u sabab ahaa dumid ku yimid biyo xireenkii Ma’rab. Tafsiir kale waa daad aad u weyn oo qaaday.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
ذَٰلِكَ جَزَيۡنَٰهُم بِمَا كَفَرُواْۖ وَهَلۡ نُجَٰزِيٓ إِلَّا ٱلۡكَفُورَ
17. Sidaasaan ku abaal marinnay gaal- nimadoodii darteed; miyaan (sidaasoo kale) u abaal marinnaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan?
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَجَعَلۡنَا بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ ٱلۡقُرَى ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَا قُرٗى ظَٰهِرَةٗ وَقَدَّرۡنَا فِيهَا ٱلسَّيۡرَۖ سِيرُواْ فِيهَا لَيَالِيَ وَأَيَّامًا ءَامِنِينَ
18. Waxaana yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda9, waxaana qaddarnay socodkooda halkaa10: (Annagoo ku nidhi): Ku socdaala habeenno iyo maalmaba idinkoo nabad ah".
9. Dhulka Shaam ee barakada badan, iyo dhulalka ku hareersan waxaa loola jeedaa Yaman iyo Shaam (Suuriya, Lubnaan, Urdun, Falastiin), waxay dadku ku socdaalayeen si nabad ah maalin iyo habeenba dhib iyo shiddo la’aan iyagoon cidna joojineyn.
10. Waxaan u yeelnay degaannada xiga masaafooyin la yaqaan si loogu sahlo musaafiriinta.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَقَالُواْ رَبَّنَا بَٰعِدۡ بَيۡنَ أَسۡفَارِنَا وَظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَ وَمَزَّقۡنَٰهُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٖ
19. Waxayse yidhaahdeen, "Rabbigayow! Kala fogee safarka dhexdayada ah," oo dulmiyeen nafahooda, markaasaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn dhan. Hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan12.
11. Waxaa dhacday in magaalooyinkaa dhowaa baabba’een, waxayna u dhoofeen meelo fog fog, taasoo keentay inay kor u dhigaan sicirka badeecada si ay u helaan faa’ido munaasib ah.
12. Qisooyinka dadka waxaan ugu soo tebinnaa casharro iyo cibrad qaadasho ahaan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَلَقَدۡ صَدَّقَ عَلَيۡهِمۡ إِبۡلِيسُ ظَنَّهُۥ فَٱتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقٗا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
20. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay Ibliis malihiisii13, wayna raaceen14, koox ka mid ah mu'miniinta mooyee.
13. Waa dadkii Saba ama dadka oo idil.
14. Inay dadku u nugul yihiin dhumintiisa oo diyaar u yihiin.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَمَا كَانَ لَهُۥ عَلَيۡهِم مِّن سُلۡطَٰنٍ إِلَّا لِنَعۡلَمَ مَن يُؤۡمِنُ بِٱلۡأٓخِرَةِ مِمَّنۡ هُوَ مِنۡهَا فِي شَكّٖۗ وَرَبُّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَفِيظٞ
21. Kuma laha (Ibliis) wax awood ah dushooda15, wax kalena uma aan yeelin sidaa (oo uguma salladin dadka) aan aheyn inay kala caddaato kan rumeyn Aakhirada iyo kan ka shakin. Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta (abaal marinna qof walba).
15. Dadka uu ku qasbo inay raacaan, waase Xikmo Xaggayaga ah inaan ku imtixaano dadka waswaasinta sheydaan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
قُلِ ٱدۡعُواْ ٱلَّذِينَ زَعَمۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمۡلِكُونَ مِثۡقَالَ ذَرَّةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا لَهُمۡ فِيهِمَا مِن شِرۡكٖ وَمَا لَهُۥ مِنۡهُم مِّن ظَهِيرٖ
22. Dheh: U yeedha kuwaad sheegtaan (inay ilaahyo yihiin) Alle sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama qudhaanjo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko (la wadaagid ah) dhexdooda midna, kumana laha (Alle) uunka wax garab siiya (ugamana baahna).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: ছাবা
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ