আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব

পৃষ্ঠা নং:close

external-link copy
154 : 37

مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ

154. Maxaa si idin ka ah, sidee baad wax u xukumeysaan? info
التفاسير: |

external-link copy
155 : 37

أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

155. Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)? info
التفاسير: |

external-link copy
156 : 37

أَمۡ لَكُمۡ سُلۡطَٰنٞ مُّبِينٞ

156.Mise ma waxaad heysataan Xujo Cad? info
التفاسير: |

external-link copy
157 : 37

فَأۡتُواْ بِكِتَٰبِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

157. Ee keena Kitaabkiinna (caddayn) haddaad run sheegaysaan? info
التفاسير: |

external-link copy
158 : 37

وَجَعَلُواْ بَيۡنَهُۥ وَبَيۡنَ ٱلۡجِنَّةِ نَسَبٗاۚ وَلَقَدۡ عَلِمَتِ ٱلۡجِنَّةُ إِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ

158. Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni 'cadaabka Naarta' [18]. info

[18]. Jin waa khalqi aan Aadmigu arag oo ka qarsoon waana jinka iyo malaa’igta.

التفاسير: |

external-link copy
159 : 37

سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ

159. Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan. info
التفاسير: |

external-link copy
160 : 37

إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

160. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada. info
التفاسير: |

external-link copy
161 : 37

فَإِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ

161. Xaqiiq, idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy). info
التفاسير: |

external-link copy
162 : 37

مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ بِفَٰتِنِينَ

162. Cidna kuma fidnayn kartaan [19]. info

[19].Si uu u qaato gaalnimo iyo camallo xun.

التفاسير: |

external-link copy
163 : 37

إِلَّا مَنۡ هُوَ صَالِ ٱلۡجَحِيمِ

163. Mid maahee Naarta geli oo ku guban. info
التفاسير: |

external-link copy
164 : 37

وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٞ مَّعۡلُومٞ

164. Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay [20]. info

[20]. Cibaado ahaan, ama ma jiro mid aan lahayn howl la yaqaan uu qabto.

التفاسير: |

external-link copy
165 : 37

وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلصَّآفُّونَ

165. Waana innaga (malaa’igta ah) xaqiiq kuwa u safta safafka siman. info
التفاسير: |

external-link copy
166 : 37

وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡمُسَبِّحُونَ

166. Waana innaga (malaa'igta ah) xaqiiq kuwa xurmo weyneeya oo hufa 'Alle' [21]. info

[21]. Iyagoo beeninaya waxay gaalada ka sheegaan Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo.

التفاسير: |

external-link copy
167 : 37

وَإِن كَانُواْ لَيَقُولُونَ

167. Waxayna (gaaladu) odhan jireen: info
التفاسير: |

external-link copy
168 : 37

لَوۡ أَنَّ عِندَنَا ذِكۡرٗا مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ

168. Hadduu yahay agtannada xuskii (warkii) kuwii hore 'Kitaab' [22] . info

[22]. Ka hor soo waxyoodka Qur’aanka.

التفاسير: |

external-link copy
169 : 37

لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ

169. Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada. info
التفاسير: |

external-link copy
170 : 37

فَكَفَرُواْ بِهِۦۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ

170. Wayse ku gaaloobaan 'haatan' [23], marka way ogaan doonaan. info

[23]. Dhambaalka iyaga loo soo diray, Qur’aanka.

التفاسير: |

external-link copy
171 : 37

وَلَقَدۡ سَبَقَتۡ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلۡمُرۡسَلِينَ

171. Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah. info
التفاسير: |

external-link copy
172 : 37

إِنَّهُمۡ لَهُمُ ٱلۡمَنصُورُونَ

172. Inay yihiin kuwa xaqiiq loo gargaari. info
التفاسير: |

external-link copy
173 : 37

وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ

173. Iyo in ciidammadayadu ay yihiin xaqiiq kuwa adkaan. info
التفاسير: |

external-link copy
174 : 37

فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ

174. Ee isaga jeeso ilaa muddo, info
التفاسير: |

external-link copy
175 : 37

وَأَبۡصِرۡهُمۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ

175. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki. info
التفاسير: |

external-link copy
176 : 37

أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ

176. Ma Cadaabkanaga bay (gaaladu) degdegsanayaan? info
التفاسير: |

external-link copy
177 : 37

فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمۡ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلۡمُنذَرِينَ

177. Markase uu ku soo dego ardaagooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay. info
التفاسير: |

external-link copy
178 : 37

وَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ

178. Ee isaga jeeso iyaga ilaa muddo. info
التفاسير: |

external-link copy
179 : 37

وَأَبۡصِرۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ

179. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki. info
التفاسير: |

external-link copy
180 : 37

سُبۡحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلۡعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ

180. Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm). info
التفاسير: |

external-link copy
181 : 37

وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلۡمُرۡسَلِينَ

181. Nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Alle). info
التفاسير: |

external-link copy
182 : 37

وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

182. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka. info
التفاسير: |