Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: চ'দ   আয়াত:

Saad

صٓۚ وَٱلۡقُرۡءَانِ ذِي ٱلذِّكۡرِ
1. Saad1,
Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan2.
1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
2. Inta hadalka ka go’an waa inaysan jirin ilaahyo badan uu Ilaaha Xaqa yahay Mid Keliya - Allaah iyo in soo bixinta Qiyaame Xaq tahay.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي عِزَّةٖ وَشِقَاقٖ
2. Kuwase gaalada ahi waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo collaytan (xaq diiddo).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّن قَرۡنٖ فَنَادَواْ وَّلَاتَ حِينَ مَنَاصٖ
3. Badanaa intaan halaagnay hortood facyo (Xaqa beeniyey), markaasay calaacaleen (oo tawbad keeneen) goor calaalal (tawbad keen la aqbalayn), lagana baxsan karin (Cadaabka Alle).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَعَجِبُوٓاْ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٞ مِّنۡهُمۡۖ وَقَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا سَٰحِرٞ كَذَّابٌ
4. Waxay la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir, beenaale.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
أَجَعَلَ ٱلۡأٓلِهَةَ إِلَٰهٗا وَٰحِدًاۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيۡءٌ عُجَابٞ
5. Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii Ilaah Keliya? Waxakani waa wax la yaab leh.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَٱنطَلَقَ ٱلۡمَلَأُ مِنۡهُمۡ أَنِ ٱمۡشُواْ وَٱصۡبِرُواْ عَلَىٰٓ ءَالِهَتِكُمۡۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيۡءٞ يُرَادُ
6. Odayaashii ka mid ahaana way soo baxeen (iyagoo ku leh dadkoodii): Socda, oo ku samra oo sugnaada ilaahyadiinna. (arrin)kani waa wax laynala dooni (uu isku soo dubbariday Muxammad si uu idiin qabsado oo magac iyo sharaf ugu qaato).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
مَا سَمِعۡنَا بِهَٰذَا فِي ٱلۡمِلَّةِ ٱلۡأٓخِرَةِ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا ٱخۡتِلَٰقٌ
7. Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii kale3. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur.
3. Waxay ugala jeedaan diintii kale diinta Nasaarada ama diintii shirkiga oo ay Quraysh heysatay.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
أَءُنزِلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ مِنۢ بَيۡنِنَاۚ بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ مِّن ذِكۡرِيۚ بَل لَّمَّا يَذُوقُواْ عَذَابِ
8. Ma waxaa lagu soo dejiyey Qur’aanka isagoo (Muxammad) na dhex jooga?
Mayee waxay ka shakisan yihiin Waanadeyda. Mayee, wali ma aysan dhadhamin Cadaabkayga.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
أَمۡ عِندَهُمۡ خَزَآئِنُ رَحۡمَةِ رَبِّكَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡوَهَّابِ
9. Mise ma waxay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha Sare, Deeqsiga ah aad wax u bixiya?
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
أَمۡ لَهُم مُّلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَاۖ فَلۡيَرۡتَقُواْ فِي ٱلۡأَسۡبَٰبِ
10. Mise ma waxay leeyihiin Mulkiga (iyo maamulka) cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Ee ha u koreen salaanno xagga (samada hadday karaan)4.
4. Si ay ugu soo dejiyaan waxyiga kay doonaan. Waa dhaleeceyn iyo caajiz gelin.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
جُندٞ مَّا هُنَالِكَ مَهۡزُومٞ مِّنَ ٱلۡأَحۡزَابِ
11. Ciidanka halkaas jooga (gaalada) waa xisbiyo5 la jabin (lagana adkaan).
5. Aayaddanina waxay tilmaameysaa dagaalkii Godka (Al-Axzaab) labadaba waa loo yaqaan. Mufasiriinta qaarna waxay yidhaahdeen waxay tilmaameysaa dagaalkii Badar.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَعَادٞ وَفِرۡعَوۡنُ ذُو ٱلۡأَوۡتَادِ
12. Waxaa beeniyey (Rususha) iyaga hortood qoladii Nuux, Caad iyo Fircoon ee lahaa boqortooyo xoog leh6.
6. Dhismooyin dhaadheer iyo ciidammo tiro badan iyo tiirar uu dadka geeyo ciqaab ahaan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَثَمُودُ وَقَوۡمُ لُوطٖ وَأَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلۡأَحۡزَابُ
13. Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii (loo diray Nabi Shucayb), kuwaa bay ahaayeen xisbiyada.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِن كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ
14. Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaasay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَمَا يَنظُرُ هَٰٓؤُلَآءِ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ مَّا لَهَا مِن فَوَاقٖ
15. Kuwaana (gaaladani) ma sugayaan waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac midna7.
7. Ama fursad. Erey ahaan macnaha xiskin waa waqti u dhexeeya labada lisitaan ee caanaha hasha. Dhawaaqaas waa calaamo Qiyaamaha.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَقَالُواْ رَبَّنَا عَجِّل لَّنَا قِطَّنَا قَبۡلَ يَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ
16. Waxayna yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabka ) ka hor Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: চ'দ
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ