Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আঝ-ঝুখৰূফ   আয়াত:
وَإِنَّهُۥ لَعِلۡمٞ لِّلسَّاعَةِ فَلَا تَمۡتَرُنَّ بِهَا وَٱتَّبِعُونِۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
61. isagu (Ciise iyo soo degitaanki) waa calaamad (muujin soo dhowaanshaha) Saacadda (Qiyaame), ee ha ka shakiyina arrinkeeda ee i soo raaca17: Kan baa ah Jid Toosan.
17. Waa raaca hanuunka iyo shareecada Alle (Islaamka).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَلَا يَصُدَّنَّكُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُۖ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ
62. Yuu idinka leexin shaydaanka (Jidka), hubaal wuxuu idiin yahay cadow iska cad.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَلَمَّا جَآءَ عِيسَىٰ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ قَالَ قَدۡ جِئۡتُكُم بِٱلۡحِكۡمَةِ وَلِأُبَيِّنَ لَكُم بَعۡضَ ٱلَّذِي تَخۡتَلِفُونَ فِيهِۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ
63. Markuuse Ciise ula yimid xujooyin cad, wuxuu yidhi: Waxaan idiin la imid Xikmad (Nabinnimo) iyo inaan idiin caddeeyo qaar ka mid ah waxaad isku khilaafsan tihiin, ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ رَبِّي وَرَبُّكُمۡ فَٱعۡبُدُوهُۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
64. Hubaal Alle waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, Ee caabuda Isaga (Keliya). Kan baa ah Jid Toosan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
فَٱخۡتَلَفَ ٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَيۡنِهِمۡۖ فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡ عَذَابِ يَوۡمٍ أَلِيمٍ
65. Wayse is khilaafeen xisbiyadii (ehlu Kitaabkii) dhexdooda (xagga arrinka Ciise). Ee hoog waxaa leh kuwii dulmi falay xagga cadaab Maalin xanuun badan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّا ٱلسَّاعَةَ أَن تَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
66. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) - taasoo ugu iman kedis iyagoo aan dreemeyn.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
ٱلۡأَخِلَّآءُ يَوۡمَئِذِۭ بَعۡضُهُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوٌّ إِلَّا ٱلۡمُتَّقِينَ
67. Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale kuwa iska jira (xumaha) mooyee.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
يَٰعِبَادِ لَا خَوۡفٌ عَلَيۡكُمُ ٱلۡيَوۡمَ وَلَآ أَنتُمۡ تَحۡزَنُونَ
68. Addoomahaygiiyoow! Cabsi ma aha korkiinna maanta, mana murugooneysaan.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَكَانُواْ مُسۡلِمِينَ
69. Kuwa rumeeyey Aayadahayaga ee ahaa Muslimiinta.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
ٱدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ أَنتُمۡ وَأَزۡوَٰجُكُمۡ تُحۡبَرُونَ
70. Gala Jannada, idinka iyo xaasaskiinnaba18; waa laydinka farxine.
18. Macno kale waa kuwaasi eynigiin ah.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
يُطَافُ عَلَيۡهِم بِصِحَافٖ مِّن ذَهَبٖ وَأَكۡوَابٖۖ وَفِيهَا مَا تَشۡتَهِيهِ ٱلۡأَنفُسُ وَتَلَذُّ ٱلۡأَعۡيُنُۖ وَأَنتُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
71. Waxaa lagula kor wareegi xeedhooyin dahab ah iyo koobab, waxayna ka heli (Jannada) waxay doonaan nafahooda, indhuhuna ku raaxaysan, idinkoo dhexdeeda ku waadhi.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَتِلۡكَ ٱلۡجَنَّةُ ٱلَّتِيٓ أُورِثۡتُمُوهَا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
72. Taasi waa Jannadii aad ku dhaxasheen waxaad camalsan fasheen.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
لَكُمۡ فِيهَا فَٰكِهَةٞ كَثِيرَةٞ مِّنۡهَا تَأۡكُلُونَ
73. Waxaad ku leedihiin gudaheeda midho tiro badan, xaggeedaa wax ka cuntaan19.
19. Waxaa loola jeedaa wax kastoo macaan oo dhadhan fiican.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আঝ-ঝুখৰূফ
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ