Check out the new design

আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব * - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আল-আনআম   আয়াত:
فَمَن يُرِدِ ٱللَّهُ أَن يَهۡدِيَهُۥ يَشۡرَحۡ صَدۡرَهُۥ لِلۡإِسۡلَٰمِۖ وَمَن يُرِدۡ أَن يُضِلَّهُۥ يَجۡعَلۡ صَدۡرَهُۥ ضَيِّقًا حَرَجٗا كَأَنَّمَا يَصَّعَّدُ فِي ٱلسَّمَآءِۚ كَذَٰلِكَ يَجۡعَلُ ٱللَّهُ ٱلرِّجۡسَ عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ
125. Qofkii uu Alle rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u waasiciyaa laabtiisa Islaamka, qofkiise uu rabo inuu lumiyo wuxuu ka yeelaa laabtiisa cidhiidhi dhibboon sida isagoo kor ugu baxaya xagga samada. Sidaasuu Alle dusha uga saaraa fadarada kuwa aan (Xaqa) rumayn.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَهَٰذَا صِرَٰطُ رَبِّكَ مُسۡتَقِيمٗاۗ قَدۡ فَصَّلۡنَا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَذَّكَّرُونَ
126. Kanina waa Jidka Rabbigaa ee toosan. Waxaan uga yeelnay Aayadaha caddaan ciddii xusuusan oo ku waantoobi.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
۞ لَهُمۡ دَارُ ٱلسَّلَٰمِ عِندَ رَبِّهِمۡۖ وَهُوَ وَلِيُّهُم بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
127. Waxay leeyihiin Daarta Nabadda (Jannada) Rabbigood agtiis ah, Isagaana ah Gargaarahood waxay camal san falayeen darteed.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ قَدِ ٱسۡتَكۡثَرۡتُم مِّنَ ٱلۡإِنسِۖ وَقَالَ أَوۡلِيَآؤُهُم مِّنَ ٱلۡإِنسِ رَبَّنَا ٱسۡتَمۡتَعَ بَعۡضُنَا بِبَعۡضٖ وَبَلَغۡنَآ أَجَلَنَا ٱلَّذِيٓ أَجَّلۡتَ لَنَاۚ قَالَ ٱلنَّارُ مَثۡوَىٰكُمۡ خَٰلِدِينَ فِيهَآ إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٞ
128. Maalinta uu soo kulmin dhammaan (kuna dhihi): Kulanka jinkow! Waxaad badsateen (luminta) in badan oo dadka ah. Saaxiibbadoodii ka mid ahaa dadka waxay odhan: Rabbiyow! Wuxuu ku dan gaaray qaarkayoba qaarka kale, waxaana gaarnay muddadayada aad noo goysay. Wuxuu odhan: Naartaa hoygiinna ah aad ku dhex waaraysaan, wuxuu Alle doono mooyee. Hubaal Rabbigaa waa Xakiim, wax kasta Ogsoon.
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
وَكَذَٰلِكَ نُوَلِّي بَعۡضَ ٱلظَّٰلِمِينَ بَعۡضَۢا بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
129. Sidaasaan ugu salladnaa daalimiinta qaarkoodba qaarka kale, waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
يَٰمَعۡشَرَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ رُسُلٞ مِّنكُمۡ يَقُصُّونَ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِي وَيُنذِرُونَكُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَاۚ قَالُواْ شَهِدۡنَا عَلَىٰٓ أَنفُسِنَاۖ وَغَرَّتۡهُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَشَهِدُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ أَنَّهُمۡ كَانُواْ كَٰفِرِينَ
130. Kulanka jinka iyo dadkow! Miyaanay idiin imaan Rusul idinka mid ah, idiin soo tebinaya Aayadahayga idiinkana digaya la kulanka maalintiinnaan? Waxay odhan: Waxaan ku marag furaynaa nafahayaga. Waxaana hodday noloshan adduunka. Waxayna ku marag furi nafahooda inay ahaayeen Xaq diid (gaalo).
আৰবী তাফছীৰসমূহ:
 
অৰ্থানুবাদ ছুৰা: আল-আনআম
ছুৰাৰ তালিকা পৃষ্ঠা নং
 
আল-কোৰআনুল কাৰীমৰ অৰ্থানুবাদ - চোমালি অনুবাদ - আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব - অনুবাদসমূহৰ সূচীপত্ৰ

অনুবাদ কৰিছে আব্দুল্লাহ হাছান য়াকূব চাহাবে।

বন্ধ