Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: İbrahim   Ayə:
قَالَتۡ لَهُمۡ رُسُلُهُمۡ إِن نَّحۡنُ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَمُنُّ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۖ وَمَا كَانَ لَنَآ أَن نَّأۡتِيَكُم بِسُلۡطَٰنٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
11. Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, wuxuuse Alle ku manneystaa (Deeqdiisa) cidduu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Mana aha wax noo yaal inaan idiin keenno xujo cad inuu Alle Idmo maahee. Alle uunna waa inay mu’miniintu isku halleeyaan oo tala saartaan.
Ərəbcə təfsirlər:
وَمَا لَنَآ أَلَّا نَتَوَكَّلَ عَلَى ٱللَّهِ وَقَدۡ هَدَىٰنَا سُبُلَنَاۚ وَلَنَصۡبِرَنَّ عَلَىٰ مَآ ءَاذَيۡتُمُونَاۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُتَوَكِّلُونَ
12. Maxaan isugu halleyneyn oo u talo saaraneyn Alle? Isagoo nagu hanuuniyey jidadkayaga (san), waana ku samreynaa dhibka aad noo geysataan, Alle uunna ha isku halleeyaan kuwa isku halleeya oo talo saarta.
Ərəbcə təfsirlər:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِرُسُلِهِمۡ لَنُخۡرِجَنَّكُم مِّنۡ أَرۡضِنَآ أَوۡ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَاۖ فَأَوۡحَىٰٓ إِلَيۡهِمۡ رَبُّهُمۡ لَنُهۡلِكَنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ
13. Kuwii gaaloobay waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu idinka saari dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqoneysaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Waanu halaagi daalimiinta (gar diidka).
Ərəbcə təfsirlər:
وَلَنُسۡكِنَنَّكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَافَ مَقَامِي وَخَافَ وَعِيدِ
14. Waxaanuna idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga.
Ərəbcə təfsirlər:
وَٱسۡتَفۡتَحُواْ وَخَابَ كُلُّ جَبَّارٍ عَنِيدٖ
15. Wayna gargaar dalbeen, waxaana hoogay macangag kastoo madax adag.
Ərəbcə təfsirlər:
مِّن وَرَآئِهِۦ جَهَنَّمُ وَيُسۡقَىٰ مِن مَّآءٖ صَدِيدٖ
16. Jahannama baa ka horreysa, waxaana laga waraabin biyo carow ah6.
6.Waa dhacaanka ka yimaada nabarrada dadka ehlu Naarka ah.
Ərəbcə təfsirlər:
يَتَجَرَّعُهُۥ وَلَا يَكَادُ يُسِيغُهُۥ وَيَأۡتِيهِ ٱلۡمَوۡتُ مِن كُلِّ مَكَانٖ وَمَا هُوَ بِمَيِّتٖۖ وَمِن وَرَآئِهِۦ عَذَابٌ غَلِيظٞ
17. Wuuna ku margan mana ka degayo, dhimashaduna waxay uga iman meel walba, mase dhimanayo, waxaana horti ah Cadaab adag.
Ərəbcə təfsirlər:
مَّثَلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡۖ أَعۡمَٰلُهُمۡ كَرَمَادٍ ٱشۡتَدَّتۡ بِهِ ٱلرِّيحُ فِي يَوۡمٍ عَاصِفٖۖ لَّا يَقۡدِرُونَ مِمَّا كَسَبُواْ عَلَىٰ شَيۡءٖۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَٰلُ ٱلۡبَعِيدُ
18. Tusaalaha kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabeyl xumi dhaceyso, ma karaan inay ka helaan waxay kasbadeen sheyna. Kaasi waa lumitaanka fog.
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: İbrahim
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq