Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኢብራሂም   አንቀጽ:
قَالَتۡ لَهُمۡ رُسُلُهُمۡ إِن نَّحۡنُ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَمُنُّ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۖ وَمَا كَانَ لَنَآ أَن نَّأۡتِيَكُم بِسُلۡطَٰنٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
11. Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, wuxuuse Alle ku manneystaa (Deeqdiisa) cidduu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Ma aha wax aan leennahay inaan idiin keenno xujo cad inuu Alle Idmo maahee. Alle uun waa inay mu’miniintu isku halleeyaan oo tala saartaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا لَنَآ أَلَّا نَتَوَكَّلَ عَلَى ٱللَّهِ وَقَدۡ هَدَىٰنَا سُبُلَنَاۚ وَلَنَصۡبِرَنَّ عَلَىٰ مَآ ءَاذَيۡتُمُونَاۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُتَوَكِّلُونَ
12. Maxaan isugu halleyneyn oo u talo saaraneyn Alle? Isagoo nagu hanuuniyey jidadkayaga (wanaagsan), waana ku samreynaa dhibka aad noo geysataan. Alle uun ha isku halleeyaan kuwaa talo saaran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِرُسُلِهِمۡ لَنُخۡرِجَنَّكُم مِّنۡ أَرۡضِنَآ أَوۡ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَاۖ فَأَوۡحَىٰٓ إِلَيۡهِمۡ رَبُّهُمۡ لَنُهۡلِكَنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ
13. Kuwii gaaloobay waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu idinka saari dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqoneysaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Waanu halaagi daalimiinta (gar diidka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَنُسۡكِنَنَّكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَافَ مَقَامِي وَخَافَ وَعِيدِ
14. Waxaanuna idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱسۡتَفۡتَحُواْ وَخَابَ كُلُّ جَبَّارٍ عَنِيدٖ
15. Wayna gargaar dalbeen, waxaana hoogay macangag kastoo madax adag.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مِّن وَرَآئِهِۦ جَهَنَّمُ وَيُسۡقَىٰ مِن مَّآءٖ صَدِيدٖ
16. Jahannama baa ka horreysa, waxaana laga waraabin biyo carow ah6.
6.Waa dhacaanka ka yimaada nabarrada dadka ehlu Naarka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَتَجَرَّعُهُۥ وَلَا يَكَادُ يُسِيغُهُۥ وَيَأۡتِيهِ ٱلۡمَوۡتُ مِن كُلِّ مَكَانٖ وَمَا هُوَ بِمَيِّتٖۖ وَمِن وَرَآئِهِۦ عَذَابٌ غَلِيظٞ
17. Wuxuu u dhami aayar, mana ka degayo (qurunka, kulka, iyo kharaarkiisa darti), dhimashaduna waxay uga iman meel walba, mase dhimanayo, waxaana horti ah Cadaab adag.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّثَلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡۖ أَعۡمَٰلُهُمۡ كَرَمَادٍ ٱشۡتَدَّتۡ بِهِ ٱلرِّيحُ فِي يَوۡمٍ عَاصِفٖۖ لَّا يَقۡدِرُونَ مِمَّا كَسَبُواْ عَلَىٰ شَيۡءٖۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَٰلُ ٱلۡبَعِيدُ
18. Tusaalaha kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabeyl xumi dhaceyso, ma karaan inay ka helaan waxay kasbadeen sheyna. Kaasi waa lumitaanka fog.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ኢብራሂም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት