የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ሒጅር   አንቀጽ:

Suurada Al-xajar

الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ وَقُرۡءَانٖ مُّبِينٖ
1. Alif Laam Raa1.
Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ay cad yihiin (Aayadahiisu).
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 : Aayadda 1.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ كَانُواْ مُسۡلِمِينَ
2. Wax badan bay kuwa gaalooba jecleysan doonaan (Aakhirada) inay ahaayeen Muslimiin2.
2. Waxay sidaas jecleysan Maalinta Qiyaamaha ama waqtiga dhimashadooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَرۡهُمۡ يَأۡكُلُواْ وَيَتَمَتَّعُواْ وَيُلۡهِهِمُ ٱلۡأَمَلُۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
3. Iska daa wax ha iska cunaane hana iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso. wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٞ مَّعۡلُومٞ
4. Ma jirto magaalo aan halaagnay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَّا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ
5. Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, mana dib dhigi karaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِي نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ إِنَّكَ لَمَجۡنُونٞ
6. Waxayna (ku) yidhaahdeen (Nabiga): Kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyeyow3! Adigu waxaad tahay jinnoole.
3. Waxay sidaas gaaladu ugu yidhaahdeen Nabi Muxammad s,c,w, ku digasho iyo jeesjees ahaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَّوۡمَا تَأۡتِينَا بِٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
7. Maxaad noogu keeni weyday malaa’ig haddaad run sheegeyso?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا نُنَزِّلُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَمَا كَانُوٓاْ إِذٗا مُّنظَرِينَ
8. Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq4 aheyn, lamana sugo oo siiyo (gaalada) fursad markaas (ay ku toobad keenaan) .
4. Macnaha waxaan la soo dirnaa fartiin ama sida laga qaadanayo hal dhaca Aayadda cadaabka loogu goodiyey gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا ٱلذِّكۡرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ
9. Annaga (Allaah ah) baa soo dejinnay Waanada (Qur’aanka) Annagaana ilaalin5.
5. Aayaddan waxay muujineysa meeqaanka Qur’aanka iyo xifdintiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي شِيَعِ ٱلۡأَوَّلِينَ
10. Waxaana soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
11. Ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَذَٰلِكَ نَسۡلُكُهُۥ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
12. Sidaasaan u gelinnaa (diiddada Xaqa) quluubta denbiilayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَقَدۡ خَلَتۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ
13. Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray (Qur’aanka), dhab ahaanna waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay6.
6. Hannaaka iyo hab raaca Alle waxaa halkan loola jeedaa halaagidda dadka beeniya Rususha Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّواْ فِيهِ يَعۡرُجُونَ
14. Haddaanna uga furno albaab samada oo ay kor ugu cir tagaan;
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَقَالُوٓاْ إِنَّمَا سُكِّرَتۡ أَبۡصَٰرُنَا بَلۡ نَحۡنُ قَوۡمٞ مَّسۡحُورُونَ
15. Waxay odhan lahaayeen: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ جَعَلۡنَا فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجٗا وَزَيَّنَّٰهَا لِلنَّٰظِرِينَ
16. Waxaan yeelnay samada xiddigo waaweyn iyo rugo ay maraan, Waxaana u qurxinnay daawadayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَحَفِظۡنَٰهَا مِن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ رَّجِيمٍ
17. Waxaana ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga ceyrshay (Naxariista Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا مَنِ ٱسۡتَرَقَ ٱلسَّمۡعَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ مُّبِينٞ
18. Mid maahee xada mar wax uu maqlo, markaas la raaciyo danab muuqda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡأَرۡضَ مَدَدۡنَٰهَا وَأَلۡقَيۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَيۡءٖ مَّوۡزُونٖ
19. Dhulkana - waanu fidinnay, waxaanu ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay wax kastoo miisaaman.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَعَلۡنَا لَكُمۡ فِيهَا مَعَٰيِشَ وَمَن لَّسۡتُمۡ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ
20. Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin7.
7. Macnaha waxaa weeye Alle wuxuu idiin sakhiray dad iyo duunyo kale uu isagu wax siiyo oo irsaaqo. Macno kale waxaa weeye Alle wuxuu idin siiyaa waxyaalo aad ku noolataan oo sidoo kale siiyaa dhammaan uumanka kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرٖ مَّعۡلُومٖ
21. Ma jiro wax aannu Annagu (Alle ah) hayn khasnadahiisa. Kumana aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَرۡسَلۡنَا ٱلرِّيَٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَسۡقَيۡنَٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمۡ لَهُۥ بِخَٰزِنِينَ
22. Waxaana soo dirnaa dabeylaha tallaala (daruuraha) markaasaan ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob), aan idinka waraa- binno, mana ahidin idinku kuwa kaydiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّا لَنَحۡنُ نُحۡيِۦ وَنُمِيتُ وَنَحۡنُ ٱلۡوَٰرِثُونَ
23. Waa Annaga (Allaah) Kuwa wax nooleeya, waxna dhinsiiya8, Annagaana ah dhaxlayaasha9.
8. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Hadduu qofka aadmiga ahi dhinto waxaa go’a camalkiisa marka laga reebo seddex arrimood: Sadaqa joogto ah (waqaf), cilmi lagu intifaaco, ama ilmo wanaagsan oo u soo duceeya. (W.w. Muslim).
9. Allaah subxaanahu wa tacaalaa baa hara markay uunka oo dhan dhintaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَقۡدِمِينَ مِنكُمۡ وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَـٔۡخِرِينَ
24. Waxaana ognahay kuwiinnii hore ee tegay, Waxaana ognahay kuwa dib ka iman.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحۡشُرُهُمۡۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٞ
25. Hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin iyagoo dhan. Waa Xakiim, wax kasta Og.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ
26. Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, madow doorsoon ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡجَآنَّ خَلَقۡنَٰهُ مِن قَبۡلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ
27. Jinkana, Waxaan ka abuurnay awal hore dab ololaya (malaa’igtana nuur ifaya).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّي خَٰلِقُۢ بَشَرٗا مِّن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ
28. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِذَا سَوَّيۡتُهُۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُواْ لَهُۥ سَٰجِدِينَ
29. Ee markaan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxda aan ugu tala galay10, ula dhaca sujuud (rukuuc salaan ahaan).
10.Walaxda nolosha iyo nafta uu Alle u abuuray jirkaa, ma aha ruux ilaahnimo ah ama qayb ka mid ah (sida uu yahayba fahanka gurracan ee gaalada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَسَجَدَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ كُلُّهُمۡ أَجۡمَعُونَ
30. Markaasay malaa’igtii sujuudeen (u foorarsadeen salaan qaadasho) kulligoodba iyagoo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ
31. Ibliis11 maahee (ma yeelin): waa uu diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuda12
11.Wuxuu ka mid ahaa jinka sida ku soo arooray Suuradda 18: Aayadda 50.
12. Sujuudda halkan loolama jeedo cibaado ee waxaa loola jeedaa salaan ka heybeysi iyo qaddarin iyo weyneyn ah adigoo madaxa hoos u soo rogaya. Waana tii Mucaad markuu soo arkay dad sidaa salaan madaxa ula soo roganaya hoos, uu damcay inuu sidaas oo kale u salaamo oo ugu sujuudo Nabi Muxammad s.c.w. waana uu ku diiday, waayo shareecada Nabi Muxammad s.c.w kuma bannaana in qofna loo rukuuco oo madax hoos loogu dhigo, Rukuuca sidaas ah sujuudna waa la yidhaahdaa. Rukuuca iyo sujuudda waa cibaado cidna xaq uma leh aan ahayn Alle subxaanahu watacaalaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَٰٓإِبۡلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ
32.Wuxuu yidhi:Ibliisoow!Maxaa kuugu wa- can inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ لَمۡ أَكُن لِّأَسۡجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقۡتَهُۥ مِن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ
33. Wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَٱخۡرُجۡ مِنۡهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٞ
34. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax xaggeeda, adigu waa lagaa fogeeyeye (Naxariista Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ عَلَيۡكَ ٱللَّعۡنَةَ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلدِّينِ
35. Waxaana dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta is Abaal marinta (Qiyaamada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ فَأَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
36. Wuxuu yidhi: Rabbiyow! I sii waqti ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ
37.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda (ee la sugi).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡوَقۡتِ ٱلۡمَعۡلُومِ
38. Ilaa Maalinta (Qiyaamada) ee waqtiga la yaqaan leh (Alle keliya uu Og yahay).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ رَبِّ بِمَآ أَغۡوَيۡتَنِي لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَأُغۡوِيَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ
39. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidaad ii lumisayba, Waxaan u qurxin denbiyada dhulka korkiisa, waana dhumin iyagoo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عِبَادَكَ مِنۡهُمُ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
40. Addoomahaaga ku jira ee daacadda ah kuu keli yeela cibaadada mooyee.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ هَٰذَا صِرَٰطٌ عَلَيَّ مُسۡتَقِيمٌ
41. (Alle) wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ عِبَادِي لَيۡسَ لَكَ عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٌ إِلَّا مَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡغَاوِينَ
42. Addoomahayga kuma lihid awood dushooda, kuwa ku raaca ee iyagu lunsan mooyee.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوۡعِدُهُمۡ أَجۡمَعِينَ
43. Jahannamaana madashooda ah iyagoo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَهَا سَبۡعَةُ أَبۡوَٰبٖ لِّكُلِّ بَابٖ مِّنۡهُمۡ جُزۡءٞ مَّقۡسُومٌ
44. Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa waxaa ahaan qayb gaar ah oo ka mid ah (ehlu Naarka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ
45. Kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Cadaabkiisa) waxay dhex ahaan Beero iyo ilo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱدۡخُلُوهَا بِسَلَٰمٍ ءَامِنِينَ
46. (Waxaa lagu odhan): Ku gala (Jannada) nabad idinkoo aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَزَعۡنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنۡ غِلٍّ إِخۡوَٰنًا عَلَىٰ سُرُرٖ مُّتَقَٰبِلِينَ
47. Waxaana ka soo siibi wixii xumaan kala tirsi ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا يَمَسُّهُمۡ فِيهَا نَصَبٞ وَمَا هُم مِّنۡهَا بِمُخۡرَجِينَ
48. Kuma taabanayo gudaheeda daal, xaggeedana lagama soo saarayo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ نَبِّئۡ عِبَادِيٓ أَنِّيٓ أَنَا ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
49. Ogeysii addoomahayga inaan Anigu (waa Alle'e) ahay Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنَّ عَذَابِي هُوَ ٱلۡعَذَابُ ٱلۡأَلِيمُ
50. Iyo in Cadaabkaygu uu yahay cadaabka xanuunka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَبِّئۡهُمۡ عَن ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ
51. Ugana warran martidii Ibraahiim.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمٗا قَالَ إِنَّا مِنكُمۡ وَجِلُونَ
52. Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: Innagu waanu idinka naxnay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَا تَوۡجَلۡ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٖ
53. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha nixin. Waxaan kuugu bishaareyn wiil aqoon leh (Isxaaq).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَبَشَّرۡتُمُونِي عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِيَ ٱلۡكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ
54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Ee maxaad iigu bishaarayneysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ بَشَّرۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡقَٰنِطِينَ
55. Waxay (malaa'igtii) yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ وَمَن يَقۡنَطُ مِن رَّحۡمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ
56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ
57. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan, kuwaan (malaa’igta ah ee) la soo dirayow?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ
58. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa naloo soo diray qolo denbiilayaal ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمۡ أَجۡمَعِينَ
59. Reer Luud ma’ahee. Waanu badbaadin iyagoo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَآ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
60. Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal (ee la cadaabi) 13.
13. Kaalmeynteeda xuma falayaasha darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلُونَ
61. Markay u yimaadeen reer Luud Rusushii (malaa'igta ahayd ee) la soo diray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنَّكُمۡ قَوۡمٞ مُّنكَرُونَ
62. (Luud) wuxuu yidhi: Waxaad idinku tihiin qolo aan la garanaynin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ بَلۡ جِئۡنَٰكَ بِمَا كَانُواْ فِيهِ يَمۡتَرُونَ
63.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Mayee waxaanu kuula nimid waxay ka doodayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَتَيۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
64. Waxaan kuula nimidna Xaq, oo run baynu sheegi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَسۡرِ بِأَهۡلِكَ بِقِطۡعٖ مِّنَ ٱلَّيۡلِ وَٱتَّبِعۡ أَدۡبَٰرَهُمۡ وَلَا يَلۡتَفِتۡ مِنكُمۡ أَحَدٞ وَٱمۡضُواْ حَيۡثُ تُؤۡمَرُونَ
65. Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, socona gadaashooda, yaanuna midkiinna dib soo jalleecin, aadana halka la idin ku amray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَضَيۡنَآ إِلَيۡهِ ذَٰلِكَ ٱلۡأَمۡرَ أَنَّ دَابِرَ هَٰٓؤُلَآءِ مَقۡطُوعٞ مُّصۡبِحِينَ
66. Waxaana u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas (gaalada ah) la goyn subaxa horeba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَآءَ أَهۡلُ ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡتَبۡشِرُونَ
67. Waxaana yimid dadkii magaalada iyagoo ku bishaareysan (martida timid)14,
14. Ku faraxsan warka martida Luud ee yimid magaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ ضَيۡفِي فَلَا تَفۡضَحُونِ
68. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ
69. Allena ka cabsada oo ha i ceebeynina.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ نَنۡهَكَ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
70. Waxay yidhaahdeen: Miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka15?
15. Waxay ku fali jireen xumaha fuulidda ragga ah martidooda, waxayna u handadeen Luud si uusan uga reebin ficilkaa xun ee khaniisnimada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ هَٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِيٓ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ
71. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii16, haddaad yeeleysaan (inaad guursataan).
16. Gabdhaha qoonkiisa ee u bannaan inay guursadaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَعَمۡرُكَ إِنَّهُمۡ لَفِي سَكۡرَتِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
72. Waa igu Cimrigaaga'e (Nabi Muxammadow), waxay indho la’aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii17
17. Waxaa caadada Carabta ka mid aheyd inay ku dhaartaan qofka cumrigiisa. Wuxuu halkan Alle ku dhaartay cumriga Nabi Muxammad s.c.w. taasoo muujineysa meeqaankiisa iyo meesha weyn uu Nabigu s.c.w. ka joogo Alle kor ahaaye. Alle wuxuu doono buu ku dhaartaa, dadkuse waa ka xaaraan inay ku dhaartaan waxaan Alle ahayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُشۡرِقِينَ
73. Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba;
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَجَعَلۡنَا عَٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةٗ مِّن سِجِّيلٍ
74. Waxaana u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡمُتَوَسِّمِينَ
75. Arrinkaas waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلٖ مُّقِيمٍ
76. Waxayna ku taal (magaaladaasi)18 waddo weli la deggan yahay.
18. Magaalada Sodom ee u dhow badda meytan ee hadda loo yaqaan Al-Baxrul Mutawasid ama Mideterean.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ
77. Arrinkaas waxaa ugu sugan calaamo mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن كَانَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأَيۡكَةِ لَظَٰلِمِينَ
78. Dadkii degganaa hawdkana19 waxay iyaguna ahaayeen daalimiin (gar diid).
19. Dadka Aykah ama reer hawdka ama keynta waa qoonkii Shuacyb. Aykah waxay ahayd meel u dhow Madyan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٖ مُّبِينٖ
79. Markaasaan ka aargudannay. Waxayna labaduba20 ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro.
20. Waxaa loola jeedaa magaalooyinka qoonkii Luud iyo Shucayb (Jetro).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡحِجۡرِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
80. Dadkii degganaana dhadhaabka (reer Thamuud)waxay beeniyeen Rususha (Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَءَاتَيۡنَٰهُمۡ ءَايَٰتِنَا فَكَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ
81. Waxaanuna siinnay Aayadahayagii, waxayse ahaayeen kuwa ka jeesada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَانُواْ يَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ
82. Waxay ahaayeen kuwo ka qota buuraha guryo iyago aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُصۡبِحِينَ
83. Markaasaa waxaa qabtay qeylo (qarax) weyn waaberkiiba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
84. Waxbana uma tarin waxay kasbadeen (oo maal ah iyo dhismooyin dhaadheer).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۗ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٞۖ فَٱصۡفَحِ ٱلصَّفۡحَ ٱلۡجَمِيلَ
85. Umana aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan Xaq ahayn. Hubaalna Saacadda (Qiyaame) way imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ
86. Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba Ogsoonaha ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ سَبۡعٗا مِّنَ ٱلۡمَثَانِي وَٱلۡقُرۡءَانَ ٱلۡعَظِيمَ
87. Waxaan dhab ahaan ku siinnay toddobo soo noqnoqota (Suuradda Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّنۡهُمۡ وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِلۡمُؤۡمِنِينَ
88. Ha u taagin indhahaaga waxaanu ugu raaxeynay qaybo ka mid ah (gaalada), hana u murugoon una raarici (nuglee) garabkaaga (u muuji naxariis) mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقُلۡ إِنِّيٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلۡمُبِينُ
89. Dheh: Anigu waxaan ahay dige cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
كَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَى ٱلۡمُقۡتَسِمِينَ
90. Sidaan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii (Yuhuudda iyo Nasaarada)*.
*Fiiro gaar ah: tafsiir kale waa sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday dhibka xaqa iyo diiddadi oo loola jeedo mushrikiintii Carbeed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ جَعَلُواْ ٱلۡقُرۡءَانَ عِضِينَ
91. Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo21.
21. Iyagoo qaadanaya Kitaabka qaarki, beeninayana qaar kale iyagoo raacaya hawadooda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَوَرَبِّكَ لَنَسۡـَٔلَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ
92. Waa igu Rabbigaaye waanu weydiin dhammaantood,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
93. Waxay falayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱصۡدَعۡ بِمَا تُؤۡمَرُ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
94. Ee daaha ka qaad wax lagugu amray22, oo iskaga jeeso Mushrikiinta23.
22. Waa ugu yeedhidda dadka Towxiidka iyo ka digitaanka shirkiga si loo kala saaro mu’miniinta iyo gaalada.
23. Mid kastoo ku adkeysta shirkiga oo ah in lala wadaajiyo cibaadada Alle cid kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كَفَيۡنَٰكَ ٱلۡمُسۡتَهۡزِءِينَ
95. Annagaa kaa kaafiyeyna jees-jeesayaasha (ku jeesjeesa Diinta).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يَجۡعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
96. Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Alle, wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدۡرُكَ بِمَا يَقُولُونَ
97. Waxaana ognahay inay ka cidhiidhyoonto laabtaadu waxay sheegi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ
98. Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda24.
24. Ibnu Cabbaas a.k.r. waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan ku garan jirey bogidda salaadda faralka kor ugu qaadista codka Xusidda Alle sida takbiirta.
(W.w. Al-Bukhaari)
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱعۡبُدۡ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأۡتِيَكَ ٱلۡيَقِينُ
99. Caabud Rabbigaa (Alle) ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowdka- Geerida).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ሱረቱ አል ሒጅር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - ሱማልኛ ትርጉም - በያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

የተከበረው ቁርአን ሱማልኛ ቋንቋ መልዕክተ ትርጉም - በዓብደሏህ ሓሰን ያዕቆብ

መዝጋት