Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሒጅር   አንቀጽ:
إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمٗا قَالَ إِنَّا مِنكُمۡ وَجِلُونَ
52. Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: Innagu waanu idinka cabsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ لَا تَوۡجَلۡ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٖ
53. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha nixin. Waxaan kuugu bishaareyn wiil aqoon leh (Isxaaq).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَبَشَّرۡتُمُونِي عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِيَ ٱلۡكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ
54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Ee maxaad iigu bishaarayneysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ بَشَّرۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡقَٰنِطِينَ
55. Waxay (malaa'igtii) yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ وَمَن يَقۡنَطُ مِن رَّحۡمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ
56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ
57. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan, kuwiinaan (malaa’igta ah ee) la soo dirayow?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ
58. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa innaga naloo soo diray qolo denbiilayaal ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمۡ أَجۡمَعِينَ
59. Reer Luud ma’ahee. Waanu badbaadin iyagoo dhan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَآ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
60. Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal (ee la cadaabi) 14.
14. Kaalmeynteeda xuma falayaasha darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلُونَ
61. Markay u yimaadeen reer Luud Rusushii (malaa'igta ahayd ee) la soo diray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنَّكُمۡ قَوۡمٞ مُّنكَرُونَ
62. (Luud) wuxuu yidhi: Waxaad idinku tihiin qolo aan la garanaynin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ بَلۡ جِئۡنَٰكَ بِمَا كَانُواْ فِيهِ يَمۡتَرُونَ
63.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Mayee waxaanu kuula nimid waxay ka doodayeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَتَيۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
64. Waxaan kuula nimidna Xaq, oo run baynu sheegi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَسۡرِ بِأَهۡلِكَ بِقِطۡعٖ مِّنَ ٱلَّيۡلِ وَٱتَّبِعۡ أَدۡبَٰرَهُمۡ وَلَا يَلۡتَفِتۡ مِنكُمۡ أَحَدٞ وَٱمۡضُواْ حَيۡثُ تُؤۡمَرُونَ
65. Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, soco gadaashooda, yaanu midkiinna dib soo jalleecin, aadana halka la idin ku amray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَضَيۡنَآ إِلَيۡهِ ذَٰلِكَ ٱلۡأَمۡرَ أَنَّ دَابِرَ هَٰٓؤُلَآءِ مَقۡطُوعٞ مُّصۡبِحِينَ
66. Waxaana u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas (gaalada ah) la goyn subaxa horeba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَآءَ أَهۡلُ ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡتَبۡشِرُونَ
67. Waxaana yimid dadkii magaalada iyagoo ku bishaareysan (martida timid)15,
15. Ku faraxsan warka martida Luud ee yimid magaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ ضَيۡفِي فَلَا تَفۡضَحُونِ
68. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ
69. Allena ka cabsada oo ha i ceebeynina.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ نَنۡهَكَ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
70. Waxay yidhaahdeen: Miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka shisheeyaha ah16?
16. Waxay ku fali jireen xumaha fuulidda ragga ah martidooda, waxayna u handadeen Luud si uusan uga reebin ficilkaa xun ee khaniisnimada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ሒጅር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት