Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 哈吉拉   段:
إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمٗا قَالَ إِنَّا مِنكُمۡ وَجِلُونَ
52. Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: Innagu waanu idinka cabsan.
阿拉伯语经注:
قَالُواْ لَا تَوۡجَلۡ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٖ
53. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha nixin. Waxaan kuugu bishaareyn wiil aqoon leh (Isxaaq).
阿拉伯语经注:
قَالَ أَبَشَّرۡتُمُونِي عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِيَ ٱلۡكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ
54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Ee maxaad iigu bishaarayneysaan?
阿拉伯语经注:
قَالُواْ بَشَّرۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡقَٰنِطِينَ
55. Waxay (malaa'igtii) yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta.
阿拉伯语经注:
قَالَ وَمَن يَقۡنَطُ مِن رَّحۡمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ
56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan.
阿拉伯语经注:
قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ
57. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan, kuwiinaan (malaa’igta ah ee) la soo dirayow?
阿拉伯语经注:
قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ
58. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa innaga naloo soo diray qolo denbiilayaal ah.
阿拉伯语经注:
إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمۡ أَجۡمَعِينَ
59. Reer Luud ma’ahee. Waanu badbaadin iyagoo dhan.
阿拉伯语经注:
إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَآ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ
60. Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal (ee la cadaabi) 14.
14. Kaalmeynteeda xuma falayaasha darteed.
阿拉伯语经注:
فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلُونَ
61. Markay u yimaadeen reer Luud Rusushii (malaa'igta ahayd ee) la soo diray.
阿拉伯语经注:
قَالَ إِنَّكُمۡ قَوۡمٞ مُّنكَرُونَ
62. (Luud) wuxuu yidhi: Waxaad idinku tihiin qolo aan la garanaynin.
阿拉伯语经注:
قَالُواْ بَلۡ جِئۡنَٰكَ بِمَا كَانُواْ فِيهِ يَمۡتَرُونَ
63.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Mayee waxaanu kuula nimid waxay ka doodayeen.
阿拉伯语经注:
وَأَتَيۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
64. Waxaan kuula nimidna Xaq, oo run baynu sheegi.
阿拉伯语经注:
فَأَسۡرِ بِأَهۡلِكَ بِقِطۡعٖ مِّنَ ٱلَّيۡلِ وَٱتَّبِعۡ أَدۡبَٰرَهُمۡ وَلَا يَلۡتَفِتۡ مِنكُمۡ أَحَدٞ وَٱمۡضُواْ حَيۡثُ تُؤۡمَرُونَ
65. Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, soco gadaashooda, yaanu midkiinna dib soo jalleecin, aadana halka la idin ku amray.
阿拉伯语经注:
وَقَضَيۡنَآ إِلَيۡهِ ذَٰلِكَ ٱلۡأَمۡرَ أَنَّ دَابِرَ هَٰٓؤُلَآءِ مَقۡطُوعٞ مُّصۡبِحِينَ
66. Waxaana u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas (gaalada ah) la goyn subaxa horeba.
阿拉伯语经注:
وَجَآءَ أَهۡلُ ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡتَبۡشِرُونَ
67. Waxaana yimid dadkii magaalada iyagoo ku bishaareysan (martida timid)15,
15. Ku faraxsan warka martida Luud ee yimid magaalada.
阿拉伯语经注:
قَالَ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ ضَيۡفِي فَلَا تَفۡضَحُونِ
68. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina.
阿拉伯语经注:
وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ
69. Allena ka cabsada oo ha i ceebeynina.
阿拉伯语经注:
قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ نَنۡهَكَ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ
70. Waxay yidhaahdeen: Miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka shisheeyaha ah16?
16. Waxay ku fali jireen xumaha fuulidda ragga ah martidooda, waxayna u handadeen Luud si uusan uga reebin ficilkaa xun ee khaniisnimada.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 哈吉拉
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭