Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: ər-Rum   Ayə:
وَإِذَا مَسَّ ٱلنَّاسَ ضُرّٞ دَعَوۡاْ رَبَّهُم مُّنِيبِينَ إِلَيۡهِ ثُمَّ إِذَآ أَذَاقَهُم مِّنۡهُ رَحۡمَةً إِذَا فَرِيقٞ مِّنۡهُم بِرَبِّهِمۡ يُشۡرِكُونَ
33. Markuu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (cid kale) Rabbigood u shariig yeelaan oo la wadaajiyaan cibaadada.
Ərəbcə təfsirlər:
لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡۚ فَتَمَتَّعُواْ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
34. Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) waad ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).
Ərəbcə təfsirlər:
أَمۡ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٗا فَهُوَ يَتَكَلَّمُ بِمَا كَانُواْ بِهِۦ يُشۡرِكُونَ
35. Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, oo sheegi waxay Alle u shariig yeelaan?
Ərəbcə təfsirlər:
وَإِذَآ أَذَقۡنَا ٱلنَّاسَ رَحۡمَةٗ فَرِحُواْ بِهَاۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ إِذَا هُمۡ يَقۡنَطُونَ
36. Markaan dhadhsansiinno dadka Naxariis, way ku farxaan, haddayse soo gaarto xumaato ay sababtay waxay gacmahoodu horey u geysteen (oo denbiyo ah), mise wayba quustaan.
Ərəbcə təfsirlər:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
37. Miyeyna arkayn inuu Alle u ballaariyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono).Waxaa arrinkani xaqiiq ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn (Xaqa).
Ərəbcə təfsirlər:
فَـَٔاتِ ذَا ٱلۡقُرۡبَىٰ حَقَّهُۥ وَٱلۡمِسۡكِينَ وَٱبۡنَ ٱلسَّبِيلِۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ يُرِيدُونَ وَجۡهَ ٱللَّهِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
38. Ee sii kan qaraabada kula ah xaqiisa iyo miskiinka iyo tub socotada (go'doonsan). Sidaasaa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Alle, waana kuwaa liibaanayaasha.
Ərəbcə təfsirlər:
وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن رِّبٗا لِّيَرۡبُوَاْ فِيٓ أَمۡوَٰلِ ٱلنَّاسِ فَلَا يَرۡبُواْ عِندَ ٱللَّهِۖ وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن زَكَوٰةٖ تُرِيدُونَ وَجۡهَ ٱللَّهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُضۡعِفُونَ
39. Waxaad bixisaan oo ribo ah, si aad uga badsataan maalka dadka [9], ma badnaado Alle agtiis; wixiise aad bixisaan oo sako [10] ah idinkoo doonaya Wejiga Alle, waa kuwaa kuwa heli ajar labo laab ah [11].
9. Weedhan waxay leedahay dhowr macne, waxaa ka mid ah macnooyinkaa: a) waxa loo bixiyo ribo ahaan ama kor saar b) waxa la bixiyo iyadoo lagu xiro shardi ah in la gudo iyadoo faa’ido la saartay ha yaraaato ama ha badnaatee faa’idadaa. Iyo c) inaad cid siiso hadiyad adigoo uga jeeda inaad ka hesho ciddaas aad hadiyadda siisay wax ka badan oo ka weyn hadiyadda aad siisay.
10. Sakada halkan waxaa sidoo kale soo galaya sadaqada tabaruca ah aad Dar Alle ula baxdo.
11. Waa loo labo jibbaaraa khayrka iyo barakooyinka lagu siiyo arlada iyo ajarka Aakhirada.
Ərəbcə təfsirlər:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ ثُمَّ رَزَقَكُمۡ ثُمَّ يُمِيتُكُمۡ ثُمَّ يُحۡيِيكُمۡۖ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَفۡعَلُ مِن ذَٰلِكُم مِّن شَيۡءٖۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
40. Alle waa Kan idin abuuray, haddana idin irsaaqa, haddana idin dhinsiin, haddana idin soo nooleyn. Miyey jiraan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan (xumaan), wuuna ka Sarreeyaa waxay u shariig yeelaan.
Ərəbcə təfsirlər:
ظَهَرَ ٱلۡفَسَادُ فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ بِمَا كَسَبَتۡ أَيۡدِي ٱلنَّاسِ لِيُذِيقَهُم بَعۡضَ ٱلَّذِي عَمِلُواْ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
41. Waxaa ka muuqday fasahaad barriga iyo badda waxay gacmahu dadku kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), si uu Alle u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in u soo noqdaan (Xaqa).
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: ər-Rum
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq