Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አር ሩም   አንቀጽ:
وَإِذَا مَسَّ ٱلنَّاسَ ضُرّٞ دَعَوۡاْ رَبَّهُم مُّنِيبِينَ إِلَيۡهِ ثُمَّ إِذَآ أَذَاقَهُم مِّنۡهُ رَحۡمَةً إِذَا فَرِيقٞ مِّنۡهُم بِرَبِّهِمۡ يُشۡرِكُونَ
33. Markuu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (cid kale) Rabbigood u shariig yeelaan oo la wadaajiyaan cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡۚ فَتَمَتَّعُواْ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
34. Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) waad ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٗا فَهُوَ يَتَكَلَّمُ بِمَا كَانُواْ بِهِۦ يُشۡرِكُونَ
35. Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, oo sheegi waxay Alle u shariig yeelaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَآ أَذَقۡنَا ٱلنَّاسَ رَحۡمَةٗ فَرِحُواْ بِهَاۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ إِذَا هُمۡ يَقۡنَطُونَ
36. Markaan dhadhsansiinno dadka Naxariis, way ku farxaan, haddayse soo gaarto xumaato ay sababtay waxay gacmahoodu horey u geysteen (oo denbiyo ah), mise wayba quustaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
37. Miyeyna arkayn inuu Alle u ballaariyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono).Waxaa arrinkani xaqiiq ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَـَٔاتِ ذَا ٱلۡقُرۡبَىٰ حَقَّهُۥ وَٱلۡمِسۡكِينَ وَٱبۡنَ ٱلسَّبِيلِۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ يُرِيدُونَ وَجۡهَ ٱللَّهِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
38. Ee sii kan qaraabada kula ah xaqiisa iyo miskiinka iyo tub ku joogga (musaafirka go'doonsan). Sidaasaa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Alle, waana kuwaa liibaanayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن رِّبٗا لِّيَرۡبُوَاْ فِيٓ أَمۡوَٰلِ ٱلنَّاسِ فَلَا يَرۡبُواْ عِندَ ٱللَّهِۖ وَمَآ ءَاتَيۡتُم مِّن زَكَوٰةٖ تُرِيدُونَ وَجۡهَ ٱللَّهِ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُضۡعِفُونَ
39. Waxaad bixisaan oo ribo ah, si aad uga badsataan maalka dadka7, ma badnaado Alle agtiis; wixiise aad bixisaan oo sako8ah idinkoo doonaya Wejiga Alle, waa kuwaa kuwa heli ajar labo laab ah9.
7. Weedhan waxay leedahay dhowr macne, waxaa ka mid ah macnooyinkaa: a) waxa loo bixiyo ribo ahaan ama kor saar b) waxa la bixiyo iyadoo lagu xiro shardi ah in la gudo iyadoo faa’ido la saartay ha yaraaato ama ha badnaatee faa’idadaa. Iyo c) inaad cid siiso hadiyad adigoo uga jeeda inaad ka hesho ciddaas aad hadiyadda siisay wax ka badan oo ka weyn hadiyadda aad siisay.
8. Sakada halkan waxaa sidoo kale soo galaya sadaqada tabaruca ah aad Dar Alle ula baxdo.
9. Waa loo laba jibbaaraa khayrka iyo barakooyinka lagu siiyo arlada iyo ajarka Aakhirada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ ثُمَّ رَزَقَكُمۡ ثُمَّ يُمِيتُكُمۡ ثُمَّ يُحۡيِيكُمۡۖ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَفۡعَلُ مِن ذَٰلِكُم مِّن شَيۡءٖۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
40. Alle waa Kan idin abuuray, haddana idin irsaaqa, haddana idin dhinsiin, haddana idin soo nooleyn. Miyey jiraan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan (xumaan), wuuna ka Sarreeyaa waxay u shariig yeelaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ظَهَرَ ٱلۡفَسَادُ فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ بِمَا كَسَبَتۡ أَيۡدِي ٱلنَّاسِ لِيُذِيقَهُم بَعۡضَ ٱلَّذِي عَمِلُواْ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
41. Waxaa ka muuqday fasahaad barriga iyo badda waxay gacmahu dadku kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), si uu Alle u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in u soo noqdaan (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አር ሩም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት