Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አር ሩም   አንቀጽ:
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلُۚ كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّشۡرِكِينَ
42. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya siday aheyd cidhibta kuwii hore (ee beeniyey Xaqa). Waxay ahaayeen badankoodu gaalo mushrikiin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ ٱلۡقَيِّمِ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ يَوۡمٞ لَّا مَرَدَّ لَهُۥ مِنَ ٱللَّهِۖ يَوۡمَئِذٖ يَصَّدَّعُونَ
43. Ee u jeedi wejigaaga xagga diinta toosan (Islaamka) ka hor inta aysan ka imaan Alle Maalin aanu jirin qof celin kara. Maalintaasi dadku way kala bixi10.
10. Waa la kala sooci kuwaa gali Jannada iyo kuwaa gali Naarta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَن كَفَرَ فَعَلَيۡهِ كُفۡرُهُۥۖ وَمَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا فَلِأَنفُسِهِمۡ يَمۡهَدُونَ
44. Qofkii gaalooba (isaga bay dhibeysaa) gaalnimadiisu, qofkiise wanaag fala, Kuwaasu waxay u gogol dhigaan nafahooda meel san.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلۡكَٰفِرِينَ
45. Si uu Alle ugu abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala deeqdiisa; hubaal Alle ma uu jecla gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَن يُرۡسِلَ ٱلرِّيَاحَ مُبَشِّرَٰتٖ وَلِيُذِيقَكُم مِّن رَّحۡمَتِهِۦ وَلِتَجۡرِيَ ٱلۡفُلۡكُ بِأَمۡرِهِۦ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
46. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Alle ee muujinaya Weynidiisa) inuu soo diro dabeylaha iyagoo ku bishaareyn (roob) iyo inuu idin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa iyo in doomuhu ku socdaan Amarkiisa oo aad dalabtaan Deeqdiisa, markaas aad Alle ku mahdisaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ رُسُلًا إِلَىٰ قَوۡمِهِمۡ فَجَآءُوهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَٱنتَقَمۡنَا مِنَ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْۖ وَكَانَ حَقًّا عَلَيۡنَا نَصۡرُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
47. Waxaan dhab ahaan u soo dirnay hortaa Rusul xagga dadkoodii, markaasay ula yimaadeen Xujooyin cad cad, waana ka aarsannay kuwii denbi falay. Waa xaq na saaran u gargaarka mu’miniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي يُرۡسِلُ ٱلرِّيَٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابٗا فَيَبۡسُطُهُۥ فِي ٱلسَّمَآءِ كَيۡفَ يَشَآءُ وَيَجۡعَلُهُۥ كِسَفٗا فَتَرَى ٱلۡوَدۡقَ يَخۡرُجُ مِنۡ خِلَٰلِهِۦۖ فَإِذَآ أَصَابَ بِهِۦ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦٓ إِذَا هُمۡ يَسۡتَبۡشِرُونَ
48. Alle waa Kan soo dira dabeylaha, markaas kicisa daruur, uu ugu fidiyo cirka siduu doono, kana dhiga goosimo, oo aad aragto roobka oo ka soo dhex baxaya, markuu u shubo cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, mise way ku farxaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن كَانُواْ مِن قَبۡلِ أَن يُنَزَّلَ عَلَيۡهِم مِّن قَبۡلِهِۦ لَمُبۡلِسِينَ
49. Inkastoo ay ahaayeen ka hor intaan lagu soo di’in roobka wax yar horti, kuwo quus ka joogay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱنظُرۡ إِلَىٰٓ ءَاثَٰرِ رَحۡمَتِ ٱللَّهِ كَيۡفَ يُحۡيِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَآۚ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
50. Ee fiiri raadadka Raxmadda Alle; siduu u nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal, Kaasi wuu soo nooleyn meytida. Alle wax walba wuu Karaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አር ሩም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት