Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አር ሩም   አንቀጽ:
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَلِقَآيِٕ ٱلۡأٓخِرَةِ فَأُوْلَٰٓئِكَ فِي ٱلۡعَذَابِ مُحۡضَرُونَ
16. Kuwase gaaloobay oo beeniyey Aayadahayaga iyo kulanka Aakhirada - kuwaa cadaabka ayaa lagu kulmin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ حِينَ تُمۡسُونَ وَحِينَ تُصۡبِحُونَ
17. Ee Xurmad weyneeya Alle oo ka hufa (ceeb iyo nuqsaan) markaad galabsataan (salaadaha Maghribka iyo Cishaha) iyo markaad waabariisataan (salaadda Subax).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَعَشِيّٗا وَحِينَ تُظۡهِرُونَ
18. (Alle) baana leh ammaan idilkeed iyo mahad samooyinka iyo arlada gudahood, oo mudan ammaan iyo mahdin Casarka iyo duhurnimadaba (Salaadaha Duhurka iyo Casarka)5.
5. Cashiyyan waxaa sidoo kale lagu fasiray habeenka waqtiga caweysinka - Cishaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُخۡرِجُ ٱلۡحَيَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَيُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَيِّ وَيُحۡيِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ وَكَذَٰلِكَ تُخۡرَجُونَ
19. Wuxuu (Alle) ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa wax dhintay wax nool. Wuxuu nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Sidaasaa la idiin soo bixin (dhimasho kaddib).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنۡ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ إِذَآ أَنتُم بَشَرٞ تَنتَشِرُونَ
20. Waxaa ka mid ah Calaamooyinka (Alle ee muujinaya Awooddiisa iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) inuu idinka abuuray carro, mise waxaad tihiin dad ku faafa arlada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنۡ خَلَقَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٰجٗا لِّتَسۡكُنُوٓاْ إِلَيۡهَا وَجَعَلَ بَيۡنَكُم مَّوَدَّةٗ وَرَحۡمَةًۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
21. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray nafahiinna lammaan idinla nooc ah si aad ugu xasishaan, Wuxuu dhexdiinna yeelay jaceyl iyo naxariis, hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii fikiri.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ خَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱخۡتِلَٰفُ أَلۡسِنَتِكُمۡ وَأَلۡوَٰنِكُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡعَٰلِمِينَ
22. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista samooyinka iyo arlada iyo kala duwanaanta carrabyadiinna iyo midabya- diinna. Hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa aqoonta leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ مَنَامُكُم بِٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَٱبۡتِغَآؤُكُم مِّن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ
23. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa hurdadiinna habeenka iyo doonashadiinna Deeqdiisa maalinta. Xaqiiq Waxaa arrinkani ugu sugan Calaamooyin kuwa wax maqli.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦ يُرِيكُمُ ٱلۡبَرۡقَ خَوۡفٗا وَطَمَعٗا وَيُنَزِّلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَيُحۡيِۦ بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَآۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
24. Waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idin tusiyo hillaaca oo baqdin iyo rajoba leh, Wuxuu ka soo dejiyaa biyo (roob) daruuraha oo ku nooleeyaa arlada dhimashadeeda kaddib. Hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii wax fahmi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አር ሩም
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት