Check out the new design

Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. * - Tərcumənin mündəricatı

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Mənaların tərcüməsi Surə: əl-Maidə   Ayə:
وَمَا لَنَا لَا نُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَمَا جَآءَنَا مِنَ ٱلۡحَقِّ وَنَطۡمَعُ أَن يُدۡخِلَنَا رَبُّنَا مَعَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلصَّٰلِحِينَ
84. Maxaanaan u rumeyneyn Alle iyo waxa noo yimid ee Xaqa ah, oo aannaan u damceyn inuu Rabbigeen na geliyo (Jannada) la jirka dadka wanaagsan (Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa).
Ərəbcə təfsirlər:
فَأَثَٰبَهُمُ ٱللَّهُ بِمَا قَالُواْ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
85. Markaasuu Alle ku abaal mariyey waxay yidhaahdeen awgeed beero (Jannooyin) ay webiyadu hoos qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Taasina waa abaal marinta sama falayaasha.
Ərəbcə təfsirlər:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَحِيمِ
86. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, kuwaa waa ehlu Naarka.
Ərəbcə təfsirlər:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُحَرِّمُواْ طَيِّبَٰتِ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكُمۡ وَلَا تَعۡتَدُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُعۡتَدِينَ
87. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha xarrimina Waxyaalaha wanaagsan uu Alle idiin banneeyey, hana xad gudbina. Hubaal, Alle ma jecla kuwa xadgudba.
Ərəbcə təfsirlər:
وَكُلُواْ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ حَلَٰلٗا طَيِّبٗاۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ أَنتُم بِهِۦ مُؤۡمِنُونَ
88. Cuna wuxuu Alle idin siiyey oo xalaal wanaagsan ah, kana cabsada Alle, ee ah Kan aad rumeysan tihiin.
Ərəbcə təfsirlər:
لَا يُؤَاخِذُكُمُ ٱللَّهُ بِٱللَّغۡوِ فِيٓ أَيۡمَٰنِكُمۡ وَلَٰكِن يُؤَاخِذُكُم بِمَا عَقَّدتُّمُ ٱلۡأَيۡمَٰنَۖ فَكَفَّٰرَتُهُۥٓ إِطۡعَامُ عَشَرَةِ مَسَٰكِينَ مِنۡ أَوۡسَطِ مَا تُطۡعِمُونَ أَهۡلِيكُمۡ أَوۡ كِسۡوَتُهُمۡ أَوۡ تَحۡرِيرُ رَقَبَةٖۖ فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ ثَلَٰثَةِ أَيَّامٖۚ ذَٰلِكَ كَفَّٰرَةُ أَيۡمَٰنِكُمۡ إِذَا حَلَفۡتُمۡۚ وَٱحۡفَظُوٓاْ أَيۡمَٰنَكُمۡۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
89. Alle idiin ma qabto waxa aydaan dan ka lahayn ee aad isaga dhaarataan (ujeeddo la’aan), wuxuuse idiin qaban (jabinta) dhaaraha aad si kas ah u gashaan. Kafaaragudkeedu waa quudin toban qof oo miskiin ah (aad siisaan) kan u fiican waxaad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda, ama xoreyn addoon. Qofkii aan heli karin waa inuu soomo seddex maalmood (oo xidhiidh ah). Kani waa kafaara gudka dhaarihiinna markaad dhaarataan. Ee dhowra dhaarihiinna. Sidaasuu Alle idiinka dhigaa caddaan Aayadihiisa si aad u mahdisaan.
Ərəbcə təfsirlər:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّمَا ٱلۡخَمۡرُ وَٱلۡمَيۡسِرُ وَٱلۡأَنصَابُ وَٱلۡأَزۡلَٰمُ رِجۡسٞ مِّنۡ عَمَلِ ٱلشَّيۡطَٰنِ فَٱجۡتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
90. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Sideedaba Khamrada iyo qamaarka iyo (wax u hibeynta) sanammada iyo faalku [18] waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane.
18. Azlaam: waa fallaar aan lahayn baal ama dhogor ay qaadan jireen dadkii jaahiliyadda waagii jaahiliyadda ay ku qori tuuran jireen markay arrin damcaan, waxay soo qaadan jireen seddex fallaarood: ay midi ku dhigan tahay: fal, midka labaadna ha falin, kan seddexaad: ku celi mar kale. Waxaa la dhigi jirey meel, kaddib lagu xafidi jirey Kacbada. Hadday arrin damcaan waxay amri jireen furahayeenka Kacbada inuu midkood soo qaado, hadday gacantiisa ku soo dhacdo midka ay ku dhigan tahay fal, wuxuu wadanayey howshiisa, haddayse u soo baxdo midka ay ku dhigan tahay ha falin, wuu iska deynayey arrinkaa, hadduu u soo baxona ku celi, wuu ku celinayay qori tuurashada.
Ərəbcə təfsirlər:
 
Mənaların tərcüməsi Surə: əl-Maidə
Surələrin mündəricatı Səhifənin rəqəmi
 
Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub. - Tərcumənin mündəricatı

Tərcümə edən: Abdullah Həsən Yaqub.

Bağlamaq