Check out the new design

Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob * - Indise ng mga Salin

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Salin ng mga Kahulugan Surah: Al-Mā’idah   Ayah:
وَمَا لَنَا لَا نُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَمَا جَآءَنَا مِنَ ٱلۡحَقِّ وَنَطۡمَعُ أَن يُدۡخِلَنَا رَبُّنَا مَعَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلصَّٰلِحِينَ
84. Maxaanaan u rumeyneyn Alle iyo waxa noo yimid ee Xaqa ah, oo aannaan u damceyn inuu Rabbigeen na geliyo (Jannada) la jirka dadka wanaagsan (Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa).
Ang mga Tafsir na Arabe:
فَأَثَٰبَهُمُ ٱللَّهُ بِمَا قَالُواْ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
85. Markaasuu Alle ku abaal mariyey waxay yidhaahdeen awgeed beero (Jannooyin) ay webiyadu hoos qul-qulaan iyagoo ku dhex waaraya. Taasina waa abaal marinta sama falayaasha.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَكَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَحِيمِ
86. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, kuwaa waa ehlu Naarka.
Ang mga Tafsir na Arabe:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُحَرِّمُواْ طَيِّبَٰتِ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكُمۡ وَلَا تَعۡتَدُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُعۡتَدِينَ
87. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha xarrimina Waxyaalaha wanaagsan uu Alle idiin banneeyey, hana xad gudbina. Hubaal, Alle ma jecla kuwa xadgudba.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَكُلُواْ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ حَلَٰلٗا طَيِّبٗاۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ أَنتُم بِهِۦ مُؤۡمِنُونَ
88. Cuna wuxuu Alle idin siiyey oo xalaal wanaagsan ah, kana cabsada Alle, ee ah Kan aad rumeysan tihiin.
Ang mga Tafsir na Arabe:
لَا يُؤَاخِذُكُمُ ٱللَّهُ بِٱللَّغۡوِ فِيٓ أَيۡمَٰنِكُمۡ وَلَٰكِن يُؤَاخِذُكُم بِمَا عَقَّدتُّمُ ٱلۡأَيۡمَٰنَۖ فَكَفَّٰرَتُهُۥٓ إِطۡعَامُ عَشَرَةِ مَسَٰكِينَ مِنۡ أَوۡسَطِ مَا تُطۡعِمُونَ أَهۡلِيكُمۡ أَوۡ كِسۡوَتُهُمۡ أَوۡ تَحۡرِيرُ رَقَبَةٖۖ فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ ثَلَٰثَةِ أَيَّامٖۚ ذَٰلِكَ كَفَّٰرَةُ أَيۡمَٰنِكُمۡ إِذَا حَلَفۡتُمۡۚ وَٱحۡفَظُوٓاْ أَيۡمَٰنَكُمۡۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
89. Alle idiin ma qabto waxa aydaan dan ka lahayn ee aad isaga dhaarataan (ujeeddo la’aan), wuxuuse idiin qaban (jabinta) dhaaraha aad si kas ah u gashaan. Kafaaragudkeedu waa quudin toban qof oo miskiin ah (aad siisaan) kan u fiican waxaad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda, ama xoreyn addoon. Qofkii aan heli karin waa inuu soomo seddex maalmood (oo xidhiidh ah). Kani waa kafaara gudka dhaarihiinna markaad dhaarataan. Ee dhowra dhaarihiinna. Sidaasuu Alle idiinka dhigaa caddaan Aayadihiisa si aad u mahdisaan.
Ang mga Tafsir na Arabe:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّمَا ٱلۡخَمۡرُ وَٱلۡمَيۡسِرُ وَٱلۡأَنصَابُ وَٱلۡأَزۡلَٰمُ رِجۡسٞ مِّنۡ عَمَلِ ٱلشَّيۡطَٰنِ فَٱجۡتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
90. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Sideedaba Khamrada iyo qamaarka iyo (wax u hibeynta) sanammada iyo faalku14 waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane.
14. Azlaam: waa fallaar aan lahayn baal ama dhogor ay qaadan jireen dadkii jaahiliyadda waagii jaahiliyadda ay ku qori tuuran jireen markay arrin damcaan, waxay soo qaadan jireen seddex fallaarood: ay midi ku dhigan tahay: fal, midka labaadna ha falin, kan seddexaad: ku celi mar kale. Waxaa la dhigi jirey meel, kaddib lagu xafidi jirey Kacbada. Hadday arrin damcaan waxay amri jireen furahayeenka Kacbada inuu midkood soo qaado, hadday gacantiisa ku soo dhacdo midka ay ku dhigan tahay fal, wuxuu wadanayey howshiisa, haddayse u soo baxdo midka ay ku dhigan tahay ha falin, wuu iska deynayey arrinkaa, hadduu u soo baxona ku celi, wuu ku celinayay qori tuurashada.
Ang mga Tafsir na Arabe:
 
Salin ng mga Kahulugan Surah: Al-Mā’idah
Indise ng mga Surah Numero ng Pahina
 
Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob - Indise ng mga Salin

Isinalin ito ni Abdullah Hasan Yakub.

Isara