Check out the new design

Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub * - Übersetzungen

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Übersetzung der Bedeutungen Surah / Kapitel: Al-Aʿrāf   Vers:
قَالَ ٱدۡخُلُواْ فِيٓ أُمَمٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِكُم مِّنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ فِي ٱلنَّارِۖ كُلَّمَا دَخَلَتۡ أُمَّةٞ لَّعَنَتۡ أُخۡتَهَاۖ حَتَّىٰٓ إِذَا ٱدَّارَكُواْ فِيهَا جَمِيعٗا قَالَتۡ أُخۡرَىٰهُمۡ لِأُولَىٰهُمۡ رَبَّنَا هَٰٓؤُلَآءِ أَضَلُّونَا فَـَٔاتِهِمۡ عَذَابٗا ضِعۡفٗا مِّنَ ٱلنَّارِۖ قَالَ لِكُلّٖ ضِعۡفٞ وَلَٰكِن لَّا تَعۡلَمُونَ
38. Wuxuu odhan: Gala Naarta, dhexdood ummado tegay hortiin oo leh jin iyo dadba. Mar kastoo ay ummad hor leh gashaba, waxay nacladi ummad tii ka horreysey, jeer markay isugu wada yimaadaan dhammaantood wadajir (Naarta). Middooda dambeysay waxay ka odhan middoodii horreysay: Rabbigayow! Kuwaan baa na lumiyeye, ee ku sii cadaab labo laab ah Naarta. Wuxuu odhan: Mid walbaa waxay leedahay (cadaab) labo laab ah, mase ogidin.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَقَالَتۡ أُولَىٰهُمۡ لِأُخۡرَىٰهُمۡ فَمَا كَانَ لَكُمۡ عَلَيۡنَا مِن فَضۡلٖ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ
39. Middoodii horreysay waxay ku odhan midda dambeysay: Wax nama dhaantaane, dhadhansha cadaabka waxaad kasbateen darteed (oo denbiyo ah).
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَٱسۡتَكۡبَرُواْ عَنۡهَا لَا تُفَتَّحُ لَهُمۡ أَبۡوَٰبُ ٱلسَّمَآءِ وَلَا يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ حَتَّىٰ يَلِجَ ٱلۡجَمَلُ فِي سَمِّ ٱلۡخِيَاطِۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُجۡرِمِينَ
40. Hubaal, kuwa beeniya Aayadahayaga ee iska weyneeya, looma furayo albaabbada samada, mana galayaan Jannada jeer rati maro daloolka irbadda. Sidaasaanna u abaal marinnaa denbiilayaasha.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
لَهُم مِّن جَهَنَّمَ مِهَادٞ وَمِن فَوۡقِهِمۡ غَوَاشٖۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلظَّٰلِمِينَ
41.Waxay ku leeyihiin Jahannama gogollo dab ah, korkoodana waxaa ah daboollo dab ah. Sidaasaanna u abaal marinnaa daalimiinta.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَآ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
42. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma saarno nafna wax dhaafsiisan karaankeeda, kuwaasu waa ehlu Jannaha, way ku dhex waadhi weligood.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَنَزَعۡنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنۡ غِلّٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمُ ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَقَالُواْ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي هَدَىٰنَا لِهَٰذَا وَمَا كُنَّا لِنَهۡتَدِيَ لَوۡلَآ أَنۡ هَدَىٰنَا ٱللَّهُۖ لَقَدۡ جَآءَتۡ رُسُلُ رَبِّنَا بِٱلۡحَقِّۖ وَنُودُوٓاْ أَن تِلۡكُمُ ٱلۡجَنَّةُ أُورِثۡتُمُوهَا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
43. Waxaan ka siibi wixiiba ku jira laabahooda oo xumaan kala tirsi ah; webiyadu waxay qulquli hoostoodu, waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee nagu hanuuniyey (Islaamka), kumana aan hanuuneen haddii uusan Alle nagu hanuunsheen. Waxay la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq. Waxaana loogu dhawaaqi: Tani waa Jannadii la idinku dhaxal siiyey waxaad camalsan fali jirteen.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
 
Übersetzung der Bedeutungen Surah / Kapitel: Al-Aʿrāf
Suren/ Kapiteln Liste Nummer der Seite
 
Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub - Übersetzungen

Übersetzt von Abdullah Hasan Yaqub.

Schließen