Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
قَالَ ٱدۡخُلُواْ فِيٓ أُمَمٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِكُم مِّنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ فِي ٱلنَّارِۖ كُلَّمَا دَخَلَتۡ أُمَّةٞ لَّعَنَتۡ أُخۡتَهَاۖ حَتَّىٰٓ إِذَا ٱدَّارَكُواْ فِيهَا جَمِيعٗا قَالَتۡ أُخۡرَىٰهُمۡ لِأُولَىٰهُمۡ رَبَّنَا هَٰٓؤُلَآءِ أَضَلُّونَا فَـَٔاتِهِمۡ عَذَابٗا ضِعۡفٗا مِّنَ ٱلنَّارِۖ قَالَ لِكُلّٖ ضِعۡفٞ وَلَٰكِن لَّا تَعۡلَمُونَ
38. Wuxuu odhan: Gala Naarta, dhexdood ummado tegay hortiin oo leh jin iyo dadba. Mar kastoo ay ummad hor leh gashaba, waxay nacladi ummad tii ka horreysey, jeer markay isugu wada yimaadaan dhammaantood wadajir (Naarta). Middooda dambeysay waxay ka odhan middoodii horreysay: Rabbigayow! Kuwaan baa na lumiyeye, ee ku sii cadaab labo laab ah Naarta. Wuxuu odhan: Mid walbaa waxay leedahay (cadaab) labo laab ah, mase ogidin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَتۡ أُولَىٰهُمۡ لِأُخۡرَىٰهُمۡ فَمَا كَانَ لَكُمۡ عَلَيۡنَا مِن فَضۡلٖ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ
39. Middoodii horreysay waxay ku odhan midda dambeysay: Wax nama dhaantaane, dhadhansha cadaabka waxaad kasbateen darteed (oo denbiyo ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَٱسۡتَكۡبَرُواْ عَنۡهَا لَا تُفَتَّحُ لَهُمۡ أَبۡوَٰبُ ٱلسَّمَآءِ وَلَا يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ حَتَّىٰ يَلِجَ ٱلۡجَمَلُ فِي سَمِّ ٱلۡخِيَاطِۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُجۡرِمِينَ
40. Hubaal, kuwa beeniya Aayadahayaga ee iska weyneeya, looma furayo albaabbada samada, mana galayaan Jannada jeer rati maro daloolka irbadda. Sidaasaanna u abaal marinnaa denbiilayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَهُم مِّن جَهَنَّمَ مِهَادٞ وَمِن فَوۡقِهِمۡ غَوَاشٖۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلظَّٰلِمِينَ
41.Waxay ku leeyihiin Jahannama gogollo dab ah, korkoodana waxaa ah daboollo dab ah. Sidaasaanna u abaal marinnaa daalimiinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَآ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
42. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala ma saarno nafna wax dhaafsiisan karaankeeda, kuwaasu waa ehlu Jannaha, way ku dhex waadhi weligood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَنَزَعۡنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنۡ غِلّٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمُ ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَقَالُواْ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي هَدَىٰنَا لِهَٰذَا وَمَا كُنَّا لِنَهۡتَدِيَ لَوۡلَآ أَنۡ هَدَىٰنَا ٱللَّهُۖ لَقَدۡ جَآءَتۡ رُسُلُ رَبِّنَا بِٱلۡحَقِّۖ وَنُودُوٓاْ أَن تِلۡكُمُ ٱلۡجَنَّةُ أُورِثۡتُمُوهَا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
43. Waxaan ka siibi wixiiba ku jira laabahooda oo xumaan kala tirsi ah; webiyadu waxay qulquli hoostoodu, waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee nagu hanuuniyey (Islaamka), kumana aan hanuuneen haddii uusan Alle nagu hanuunsheen. Waxay la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq. Waxaana loogu dhawaaqi: Tani waa Jannadii la idinku dhaxal siiyey waxaad camalsan fali jirteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት