Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
وَقَطَّعۡنَٰهُمُ ٱثۡنَتَيۡ عَشۡرَةَ أَسۡبَاطًا أُمَمٗاۚ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ إِذِ ٱسۡتَسۡقَىٰهُ قَوۡمُهُۥٓ أَنِ ٱضۡرِب بِّعَصَاكَ ٱلۡحَجَرَۖ فَٱنۢبَجَسَتۡ مِنۡهُ ٱثۡنَتَا عَشۡرَةَ عَيۡنٗاۖ قَدۡ عَلِمَ كُلُّ أُنَاسٖ مَّشۡرَبَهُمۡۚ وَظَلَّلۡنَا عَلَيۡهِمُ ٱلۡغَمَٰمَ وَأَنزَلۡنَا عَلَيۡهِمُ ٱلۡمَنَّ وَٱلسَّلۡوَىٰۖ كُلُواْ مِن طَيِّبَٰتِ مَا رَزَقۡنَٰكُمۡۚ وَمَا ظَلَمُونَا وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
160. Waxaana u qaybinnay labo iyo toban qabiilood oo ummado ah. Waxaana u Waxyoonnay Muuse markay qolodiisii weydiisteen biyo: Ku dhufo dhagaxa ushaada, markaasaa waxaa kolkiiba ka soo burqaday labo iyo toban ilood: qolo walba waxay ogaatay meeshay biyaha ka cabbi laheyd. Waxaana ka yeelnay daruuraha inay harsiiyaan dushooda, oo ku soo dejinnay Manna (kimis macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimbir wanaagsan - Samaan): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan ee aan idin siinnay. Namana ayan dulmin innagee, waxayse dulmeen nafahooda (oo u soo jiideen shar).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ قِيلَ لَهُمُ ٱسۡكُنُواْ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةَ وَكُلُواْ مِنۡهَا حَيۡثُ شِئۡتُمۡ وَقُولُواْ حِطَّةٞ وَٱدۡخُلُواْ ٱلۡبَابَ سُجَّدٗا نَّغۡفِرۡ لَكُمۡ خَطِيٓـَٰٔتِكُمۡۚ سَنَزِيدُ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
161. Markii lagu yidhi: Dega magaaladan (Qudus)8 oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; kana gala albaabka idinkoo sujuudsan (hoggaansan), aan idiin dhaafnee gefefkiina: Waana u ziyaadin (ajarka) sama falayaasha.
8. Magaalada Eliyah (Qudus) ee ku taal gacanka badda cas ee u dhexeysa magaalada Madyan iyo buurta Siinaay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَبَدَّلَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡهُمۡ قَوۡلًا غَيۡرَ ٱلَّذِي قِيلَ لَهُمۡ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِجۡزٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ بِمَا كَانُواْ يَظۡلِمُونَ
162. Waxayse kuwoodii ka midka ahaa ee dulmiga falay ku beddeleen hadal ka duwan midkii lagu yidhi9. Markaasaan kaga soo dejinnay cirka cadaab dulmigoodii dartiis.
9. Waxaa la amaray inay yidhaahdaan xiddah Allow noo denbi dhaaf, waxayse u beddeleen jeesjees ahaan inay yidhaahdeen xindah gallay tin ku jirta,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَسۡـَٔلۡهُمۡ عَنِ ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلَّتِي كَانَتۡ حَاضِرَةَ ٱلۡبَحۡرِ إِذۡ يَعۡدُونَ فِي ٱلسَّبۡتِ إِذۡ تَأۡتِيهِمۡ حِيتَانُهُمۡ يَوۡمَ سَبۡتِهِمۡ شُرَّعٗا وَيَوۡمَ لَا يَسۡبِتُونَ لَا تَأۡتِيهِمۡۚ كَذَٰلِكَ نَبۡلُوهُم بِمَا كَانُواْ يَفۡسُقُونَ
163. Weydii (Yuhuudda) magaaladii (Eila) ee ku ag tiil badda (cas, dadkeedii), markay ku xadgudbeen arrinkii (Maalinta) Sabtida, oo kalluunkoodu u imanayey maalinta Sabtida ah isagoo muuqda, maalintaan Sabti aheynna uma timaaddo. Sidaasaan u imtixaannay caasintoodii awgii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት