Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
قُل لَّآ أَمۡلِكُ لِنَفۡسِي نَفۡعٗا وَلَا ضَرًّا إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ وَلَوۡ كُنتُ أَعۡلَمُ ٱلۡغَيۡبَ لَٱسۡتَكۡثَرۡتُ مِنَ ٱلۡخَيۡرِ وَمَا مَسَّنِيَ ٱلسُّوٓءُۚ إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ وَبَشِيرٞ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
188. Dheh: Uma hanto naftayda dheef iyo dhib midna, wuxuu Alle doono ma’ahee. Haddaan ogaan lahaana cilmi Ghaybka, waxaan badsan lahaa khayrka, oo wax xume ah ima taabteen. Anigu waxaan ahay oo keliya u dige iyo u bishaareeye qolo (Xaqa) rumeysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ وَجَعَلَ مِنۡهَا زَوۡجَهَا لِيَسۡكُنَ إِلَيۡهَاۖ فَلَمَّا تَغَشَّىٰهَا حَمَلَتۡ حَمۡلًا خَفِيفٗا فَمَرَّتۡ بِهِۦۖ فَلَمَّآ أَثۡقَلَت دَّعَوَا ٱللَّهَ رَبَّهُمَا لَئِنۡ ءَاتَيۡتَنَا صَٰلِحٗا لَّنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّٰكِرِينَ
189. (Alle) waa Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam) oo isla xaggeeda ka abuuray xaaskiisa (Xawwaa), si uu u weheshado. Markuuse (mid ka mid ah aadmiga) u galmoodo (xaaskiisa) bay qaaddaa uur yar, oo halkaas ka sii waddo, markay cuslaato, waxay labaduba baryaan Alle, Rabbigood, (oo ay yidhaahdaan): Haddaad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahdiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّآ ءَاتَىٰهُمَا صَٰلِحٗا جَعَلَا لَهُۥ شُرَكَآءَ فِيمَآ ءَاتَىٰهُمَاۚ فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
190. Markase uu siiyo (tafiirta Aadam iyo Xawwaa) dhal hagaagsan, waxay u yeelaan shariigyo 'ay la wadaajiyaan cibaadada' wuxuu siiyey14. wuuse ka sarreeyaa Alle waxay u shariig yeelaan (oo la wadaajiyaan cibaadada).
14. Mushrikiinta waxay ka yeeleen ilmahooda uu abuuray Alle addoomo ay leeyihiin asnaamta, sida awgeed bay waxay u bixiyeen magacyo aan bannaaneyn sida Cabdul Cuzzaa iyo Cabdul Manaat iyo Cabdu- Shams, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَيُشۡرِكُونَ مَا لَا يَخۡلُقُ شَيۡـٔٗا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ
191. Ma waxay la wadaajin Alle 'cibaadada' waxaan waxna abuurin, oo iyaga la abuuro?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا يَسۡتَطِيعُونَ لَهُمۡ نَصۡرٗا وَلَآ أَنفُسَهُمۡ يَنصُرُونَ
192. Oo aan u gargaari kareyn, balse aan nafahooda u gargaari karin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن تَدۡعُوهُمۡ إِلَى ٱلۡهُدَىٰ لَا يَتَّبِعُوكُمۡۚ سَوَآءٌ عَلَيۡكُمۡ أَدَعَوۡتُمُوهُمۡ أَمۡ أَنتُمۡ صَٰمِتُونَ
193. Haddaad ugu yeertona hanuunka idinma raacaan. Waana isku mid haddaad u yeertaan ama haddaad ka amustaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ عِبَادٌ أَمۡثَالُكُمۡۖ فَٱدۡعُوهُمۡ فَلۡيَسۡتَجِيبُواْ لَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
194. Kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi waa addoomo idin la mid ah. Ee barya ha idin ajiibeene haddaad run sheegaysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَهُمۡ أَرۡجُلٞ يَمۡشُونَ بِهَآۖ أَمۡ لَهُمۡ أَيۡدٖ يَبۡطِشُونَ بِهَآۖ أَمۡ لَهُمۡ أَعۡيُنٞ يُبۡصِرُونَ بِهَآۖ أَمۡ لَهُمۡ ءَاذَانٞ يَسۡمَعُونَ بِهَاۗ قُلِ ٱدۡعُواْ شُرَكَآءَكُمۡ ثُمَّ كِيدُونِ فَلَا تُنظِرُونِ
195. Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise indho ay wax ku arkaan? Mise dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhiga, hana i sugina oo i siinnina wax fursad ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት