Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
فَإِذَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡحَسَنَةُ قَالُواْ لَنَا هَٰذِهِۦۖ وَإِن تُصِبۡهُمۡ سَيِّئَةٞ يَطَّيَّرُواْ بِمُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓۗ أَلَآ إِنَّمَا طَٰٓئِرُهُمۡ عِندَ ٱللَّهِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
131. Markay samaan u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Innagaa leh tani. Haddii (xaalad) xun ku dhacdona, waxay baaseystaan Muuse iyo kuwa la jira. Ogaada, baaskoodu, wuxuu uun jiraa Alle agti, badankooduse ma ogsoona.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ مَهۡمَا تَأۡتِنَا بِهِۦ مِنۡ ءَايَةٖ لِّتَسۡحَرَنَا بِهَا فَمَا نَحۡنُ لَكَ بِمُؤۡمِنِينَ
132. Waxayna yidhaahdeen: Wax kastoo calaamo ah aad noola timaaddo si aad noogu sixirto, innagu kuma rumeyneyno.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمُ ٱلطُّوفَانَ وَٱلۡجَرَادَ وَٱلۡقُمَّلَ وَٱلضَّفَادِعَ وَٱلدَّمَ ءَايَٰتٖ مُّفَصَّلَٰتٖ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ
133. Markaasaan ku soo dirnay dushooda: daad (qaada oo keena dhimasho baahsan), iyo ayax iyo injiro iyo rah iyo dhiig, calaamooyin cad, wayse isweyneeyeen, waxayna ahaayeen qolo denbiilayaal ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَمَّا وَقَعَ عَلَيۡهِمُ ٱلرِّجۡزُ قَالُواْ يَٰمُوسَى ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ بِمَا عَهِدَ عِندَكَۖ لَئِن كَشَفۡتَ عَنَّا ٱلرِّجۡزَ لَنُؤۡمِنَنَّ لَكَ وَلَنُرۡسِلَنَّ مَعَكَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
134. Markuu daacuunku ku dhacay waxay yidhaahdeen: Muusow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kugula ballamay darteed. Haddaad daacuunka naga kor qaaddo, waanu ku rumayn, waxaana kugu dari Ilmaha Israa’iil.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا كَشَفۡنَا عَنۡهُمُ ٱلرِّجۡزَ إِلَىٰٓ أَجَلٍ هُم بَٰلِغُوهُ إِذَا هُمۡ يَنكُثُونَ
135. Markiise aan ka kor qaadnay daacuunka ilaa muddo go’an oo ay aheyd inay gaadhaan, bay markaas ka baxeen ballankii ay qaadeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ فَأَغۡرَقۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡيَمِّ بِأَنَّهُمۡ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَكَانُواْ عَنۡهَا غَٰفِلِينَ
136. Markaasaan ka aargudannay oo aan ku harqinnay badda, waayo waxay beeniyeen Aayadahayaga, waxayna ahaayeen kuwo ka dhoohan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَوۡرَثۡنَا ٱلۡقَوۡمَ ٱلَّذِينَ كَانُواْ يُسۡتَضۡعَفُونَ مَشَٰرِقَ ٱلۡأَرۡضِ وَمَغَٰرِبَهَا ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَاۖ وَتَمَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ ٱلۡحُسۡنَىٰ عَلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ بِمَا صَبَرُواْۖ وَدَمَّرۡنَا مَا كَانَ يَصۡنَعُ فِرۡعَوۡنُ وَقَوۡمُهُۥ وَمَا كَانُواْ يَعۡرِشُونَ
137. Waxaana dhaxalsiinnay qolodii loo arkay kuwo tabar daran gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay2. Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaana waa loo oofiyey Ilmahii Israa’iil, samirkoodii awgi iyo u dul qaadashadoodii (dhibaatooyinka). Waxaana baabbi'nnay waxay Fircoon iyo qolodiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba3.
2. Suuriya, Masar iyo magaalooyinka hareerahooda ah.
3. Ee lagu dhisay xoogga ilmihii Israa'ill sida magaalada Ramsiis, iyo taalladdii uu ku dhisay Haamaan amarka Fircoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት