Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
وَلَوۡ أَنَّ أَهۡلَ ٱلۡقُرَىٰٓ ءَامَنُواْ وَٱتَّقَوۡاْ لَفَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَرَكَٰتٖ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَٰكِن كَذَّبُواْ فَأَخَذۡنَٰهُم بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
96. Hadday dadka magaalooyinka (Xaqa) rumeeyaan oo iska jiraan (shirkiga iyo xumaha kale), waxaan uga soo furi laheyn barakooyin samada iyo arlada, wayse beeniyeen, markaasaan qabannay waxay kasban jireen darteed (oo denbiyo ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَأَمِنَ أَهۡلُ ٱلۡقُرَىٰٓ أَن يَأۡتِيَهُم بَأۡسُنَا بَيَٰتٗا وَهُمۡ نَآئِمُونَ
97. Ee ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado habeennimo iyagoo hurda?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَأَمِنَ أَهۡلُ ٱلۡقُرَىٰٓ أَن يَأۡتِيَهُم بَأۡسُنَا ضُحٗى وَهُمۡ يَلۡعَبُونَ
98. Ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado goor barqo ah iyagoo iska cayaaraya?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَأَمِنُواْ مَكۡرَ ٱللَّهِۚ فَلَا يَأۡمَنُ مَكۡرَ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡقَوۡمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
99. Ma waxay aamin ka yihiin Tabta Alle, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Alle aan aheyn kuwa khasaaray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَمۡ يَهۡدِ لِلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِ أَهۡلِهَآ أَن لَّوۡ نَشَآءُ أَصَبۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡۚ وَنَطۡبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ
100. Ma waysan u caddaanin kuwa dhaxla dhulka dadkeedii (hore) ee lahaa kaddib, in haddaan doonno, aan u qaban denbiyadooda? Waxaanuna yeeli shaabbad daboosha quluubtooda sidaa darteed ayna wax maqlayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تِلۡكَ ٱلۡقُرَىٰ نَقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآئِهَاۚ وَلَقَدۡ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْ بِمَا كَذَّبُواْ مِن قَبۡلُۚ كَذَٰلِكَ يَطۡبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلۡكَٰفِرِينَ
101. Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wararkoodii, waxayna Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, mase aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaasuu Alle u yeelaa shaabbad daboosha quluubta gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا وَجَدۡنَا لِأَكۡثَرِهِم مِّنۡ عَهۡدٖۖ وَإِن وَجَدۡنَآ أَكۡثَرَهُمۡ لَفَٰسِقِينَ
102. Mana aanu ka helin badankooda (daacadnimo iyo dhowris ) ballan, waxaan hellay badankood iyagoo ah caasiyaal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِم مُّوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَظَلَمُواْ بِهَاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
103. Markaasaan iyaga kaddib la soo dirnay Muuse Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, wayse rumeyn diideen oo dulmiyeen. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwa wax fasahaadsha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ مُوسَىٰ يَٰفِرۡعَوۡنُ إِنِّي رَسُولٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
104. Muuse wuxuu yidhi: Fircoonow! Anigu waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga Caalamka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት