Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 艾尔拉夫   段:
وَلَوۡ أَنَّ أَهۡلَ ٱلۡقُرَىٰٓ ءَامَنُواْ وَٱتَّقَوۡاْ لَفَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَرَكَٰتٖ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَٰكِن كَذَّبُواْ فَأَخَذۡنَٰهُم بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
96. Hadday dadka magaalooyinka (Xaqa) rumeeyaan oo iska jiraan (shirkiga iyo xumaha kale), waxaan uga soo furi laheyn barakooyin samada iyo arlada, wayse beeniyeen, markaasaan qabannay waxay kasban jireen darteed (oo denbiyo ah).
阿拉伯语经注:
أَفَأَمِنَ أَهۡلُ ٱلۡقُرَىٰٓ أَن يَأۡتِيَهُم بَأۡسُنَا بَيَٰتٗا وَهُمۡ نَآئِمُونَ
97. Ee ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado habeennimo iyagoo hurda?
阿拉伯语经注:
أَوَأَمِنَ أَهۡلُ ٱلۡقُرَىٰٓ أَن يَأۡتِيَهُم بَأۡسُنَا ضُحٗى وَهُمۡ يَلۡعَبُونَ
98. Ma waxay reer magaaluhu aamin ka yihiin Ciqaabkayaga inuu u yimaado goor barqo ah iyagoo iska cayaaraya?
阿拉伯语经注:
أَفَأَمِنُواْ مَكۡرَ ٱللَّهِۚ فَلَا يَأۡمَنُ مَكۡرَ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡقَوۡمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
99. Ma waxay aamin ka yihiin Tabta Alle, cidise ma dareento inay ka yihiin aamin Tabta Alle aan aheyn kuwa khasaaray.
阿拉伯语经注:
أَوَلَمۡ يَهۡدِ لِلَّذِينَ يَرِثُونَ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِ أَهۡلِهَآ أَن لَّوۡ نَشَآءُ أَصَبۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡۚ وَنَطۡبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ
100. Ma waysan u caddaanin kuwa dhaxla dhulka dadkeedii (hore) ee lahaa kaddib, in haddaan doonno, aan u qaban denbiyadooda? Waxaanuna yeeli shaabbad daboosha quluubtooda sidaa darteed ayna wax maqlayn.
阿拉伯语经注:
تِلۡكَ ٱلۡقُرَىٰ نَقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآئِهَاۚ وَلَقَدۡ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْ بِمَا كَذَّبُواْ مِن قَبۡلُۚ كَذَٰلِكَ يَطۡبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلۡكَٰفِرِينَ
101. Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wararkoodii, waxayna Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, mase aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaasuu Alle u yeelaa shaabbad daboosha quluubta gaalada.
阿拉伯语经注:
وَمَا وَجَدۡنَا لِأَكۡثَرِهِم مِّنۡ عَهۡدٖۖ وَإِن وَجَدۡنَآ أَكۡثَرَهُمۡ لَفَٰسِقِينَ
102. Mana aanu ka helin badankooda (daacadnimo iyo dhowris ) ballan, waxaan hellay badankood iyagoo ah caasiyaal.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِم مُّوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَظَلَمُواْ بِهَاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
103. Markaasaan iyaga kaddib la soo dirnay Muuse Aayadahayaga xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, wayse rumeyn diideen oo dulmiyeen. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwa wax fasahaadsha.
阿拉伯语经注:
وَقَالَ مُوسَىٰ يَٰفِرۡعَوۡنُ إِنِّي رَسُولٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
104. Muuse wuxuu yidhi: Fircoonow! Anigu waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga Caalamka.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 艾尔拉夫
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭