Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 艾尔拉夫   段:

Al-acraaf

الٓمٓصٓ
1. Alif Laam Miim Saad1.
1. Eeg sharaxa Suuradda 2 Al-Baqara: Aayadda 1.
阿拉伯语经注:
كِتَٰبٌ أُنزِلَ إِلَيۡكَ فَلَا يَكُن فِي صَدۡرِكَ حَرَجٞ مِّنۡهُ لِتُنذِرَ بِهِۦ وَذِكۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ
2. (Kani Qur’aanku) waa Kitaab lagugu soo dejiyey (Nabiyow), ee yeysan ahaan laabtaadu wax dhib (cidhiidhi) ah xaggiisa, inaad ugu digto (dadka), waana u waano mu’miniinta.
阿拉伯语经注:
ٱتَّبِعُواْ مَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُمۡ وَلَا تَتَّبِعُواْ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَۗ قَلِيلٗا مَّا تَذَكَّرُونَ
3. Raaca 'Qur’aanka' la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin, hana raacina sokadii awliyo (aad la barbar caabuddaan oo u yeedhataan).Yaraa intaad waantowdaan.
阿拉伯语经注:
وَكَم مِّن قَرۡيَةٍ أَهۡلَكۡنَٰهَا فَجَآءَهَا بَأۡسُنَا بَيَٰتًا أَوۡ هُمۡ قَآئِلُونَ
4. Badanaa intaan magaalo hallignay (denbiyadoodii darteed) oo Cuquubadaya- da ay u timid habeennimo ama iyagoo hurda goor barqo ah.
阿拉伯语经注:
فَمَا كَانَ دَعۡوَىٰهُمۡ إِذۡ جَآءَهُم بَأۡسُنَآ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
5. Calaacalkoodu markuu u yimid Ciqaabkayaga ma ahayn waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Waxaanu ahayn daalimiin (gar diid).
阿拉伯语经注:
فَلَنَسۡـَٔلَنَّ ٱلَّذِينَ أُرۡسِلَ إِلَيۡهِمۡ وَلَنَسۡـَٔلَنَّ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
6. Waxaanu weydiin kuwa loo soo diray (Rususha waxay ku Jawaabeen) waxaanuna sidoo kale weydiin Rususha (inay gaadhsiiyeen Farriimahii Alle dadka).
阿拉伯语经注:
فَلَنَقُصَّنَّ عَلَيۡهِم بِعِلۡمٖۖ وَمَا كُنَّا غَآئِبِينَ
7. Waxaanu hubaal ugu aqoon warrami (camalladoodii oo dhan), mana aanaan ahayn (marnaba) kuwo maqan.
阿拉伯语经注:
وَٱلۡوَزۡنُ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡحَقُّۚ فَمَن ثَقُلَتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
8. Miisaanku Maalintaasi (Qiyaamada) waa Xaq. kuwa uu ahaado miisankooda (camallada wanaagsan) culeys, waa kuwaasi kuwa liibaani.
阿拉伯语经注:
وَمَنۡ خَفَّتۡ مَوَٰزِينُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُم بِمَا كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَظۡلِمُونَ
9. Kuwa se uu ahaado miisaankooda (camallada wanaagsan) fudeyd, waa kuwaasi kuwa khasaariyey nafahooda dulmigay ku falayeen Aayadahayaga dartiis.
阿拉伯语经注:
وَلَقَدۡ مَكَّنَّٰكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَجَعَلۡنَا لَكُمۡ فِيهَا مَعَٰيِشَۗ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ
10. Waxaan idinku awood siinnay dhulka, waxaana idiinku dhex yeelnay asbaab noolaansho.Yaraa intaad mahdisaan (Alle).
阿拉伯语经注:
وَلَقَدۡ خَلَقۡنَٰكُمۡ ثُمَّ صَوَّرۡنَٰكُمۡ ثُمَّ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ لَمۡ يَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ
11. Waan idin abuurnay, oo idin suuraynay, markaasaan ku nidhi Malaa’igta u sujuuda Aadam (sujuud salaan ah). Markaasay sujuudeen (macnaha rukuuceen) Ibliis mooyee, kama uu mid ahayn kuwa sujuuday (xasad iyo kibir darti).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 艾尔拉夫
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭