Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 艾尔拉夫   段:
حَقِيقٌ عَلَىٰٓ أَن لَّآ أَقُولَ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡحَقَّۚ قَدۡ جِئۡتُكُم بِبَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ فَأَرۡسِلۡ مَعِيَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
105. Waxaan mudanahay inaan ka sheegin Alle waxaan Xaq ahayn. Waxaan idiinka la imid Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil.
阿拉伯语经注:
قَالَ إِن كُنتَ جِئۡتَ بِـَٔايَةٖ فَأۡتِ بِهَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
106. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad la timid Calaamo (mucjiso), keen haddaad run sheegayso.
阿拉伯语经注:
فَأَلۡقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعۡبَانٞ مُّبِينٞ
107. Markaasuu (Muuse) wuxuu tuuray ushiisii mise! Waa mas cad (muuqda).
阿拉伯语经注:
وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِيَ بَيۡضَآءُ لِلنَّٰظِرِينَ
108. Wuxuuna u soo saaray debedda gacantiisa, mise! Waa caddahay (oo u ifeysey) eegayaasha.
阿拉伯语经注:
قَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِ فِرۡعَوۡنَ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٌ عَلِيمٞ
109. Waxay xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon yidhaahdeen: Kani waa sixiroole xeel dheer.
阿拉伯语经注:
يُرِيدُ أَن يُخۡرِجَكُم مِّنۡ أَرۡضِكُمۡۖ فَمَاذَا تَأۡمُرُونَ
110. Wuxuu rabaa inuu idinka saaro dhulkiinna, ee maxaad ku talineysaan?
阿拉伯语经注:
قَالُوٓاْ أَرۡجِهۡ وَأَخَاهُ وَأَرۡسِلۡ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ
111. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig (xaalkiisa) isaga iyo walaalkiba (in muddo ah) oo u dir ergooyin xagga magaalooyinka.
阿拉伯语经注:
يَأۡتُوكَ بِكُلِّ سَٰحِرٍ عَلِيمٖ
112. Kuu keena saaxir kasta oo xeel dheer.
阿拉伯语经注:
وَجَآءَ ٱلسَّحَرَةُ فِرۡعَوۡنَ قَالُوٓاْ إِنَّ لَنَا لَأَجۡرًا إِن كُنَّا نَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
113. Sixiroolayaashii waxay u yimaadeen Fircoon (oo) yidhaahdeen: Ma leennahay ujro haddaan innagu adkaanno?.
阿拉伯语经注:
قَالَ نَعَمۡ وَإِنَّكُمۡ لَمِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ
114. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haa yoo, waxaadna ahaaneysaan kuwa la ii soo dhoweeyo.
阿拉伯语经注:
قَالُواْ يَٰمُوسَىٰٓ إِمَّآ أَن تُلۡقِيَ وَإِمَّآ أَن نَّكُونَ نَحۡنُ ٱلۡمُلۡقِينَ
115. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Ma adigaa (hor) tuuran mise innagaa ahaanna kuwa (hor) tuurta?
阿拉伯语经注:
قَالَ أَلۡقُواْۖ فَلَمَّآ أَلۡقَوۡاْ سَحَرُوٓاْ أَعۡيُنَ ٱلنَّاسِ وَٱسۡتَرۡهَبُوهُمۡ وَجَآءُو بِسِحۡرٍ عَظِيمٖ
116. (Muuse) wuxuu yidhi: Tuurta. Markay tuureen, waxay sixreen indhihii dadka oo argagax geliyeen, waxayna la yimaadeen sixir daran.
阿拉伯语经注:
۞ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَلۡقِ عَصَاكَۖ فَإِذَا هِيَ تَلۡقَفُ مَا يَأۡفِكُونَ
117. Waxaana u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Tuur ushaada. Mise! waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen oo ay soo bandhigeen.
阿拉伯语经注:
فَوَقَعَ ٱلۡحَقُّ وَبَطَلَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
118. Marka xaqii baa sugnaaday, oo baabba' waxaa noqday waxay falayeen.
阿拉伯语经注:
فَغُلِبُواْ هُنَالِكَ وَٱنقَلَبُواْ صَٰغِرِينَ
119. Sidaasaa (Fircoon iyo dadkiisii) looga adkaaday halkaa, oo ay noqdeen kuwo la jabiyey.
阿拉伯语经注:
وَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سَٰجِدِينَ
120. Sixiroolayaashiina ula dhaceen (dhulka) sujuud (xagga Alle).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 艾尔拉夫
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭