Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
قَالَا رَبَّنَا ظَلَمۡنَآ أَنفُسَنَا وَإِن لَّمۡ تَغۡفِرۡ لَنَا وَتَرۡحَمۡنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ
23. Waxay (Aadam iyo Xawwaa) yidhaahdeen: Rabbigayow! Waxaan dulminnay nafahayaga, haddaadan noo denbi dhaafin, oo aad noo Naxariisan, waxaan ahaaneynaa kuwo khasaaray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ٱهۡبِطُواْ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوّٞۖ وَلَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُسۡتَقَرّٞ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٖ
24. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannada), idinkoo cadow isu ah. Waxaana idiinku sugan dhulka degaan iyo sahay ilaa muddo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فِيهَا تَحۡيَوۡنَ وَفِيهَا تَمُوتُونَ وَمِنۡهَا تُخۡرَجُونَ
25. Wuxuu (sidoo kale Alle) yidhi: Halkaas (arlada) ayaad ku noolaan, oo gudaheed ayaad ku dhiman, xaggeedaana la idinka soo bixin (Qiyaamada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ قَدۡ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكُمۡ لِبَاسٗا يُوَٰرِي سَوۡءَٰتِكُمۡ وَرِيشٗاۖ وَلِبَاسُ ٱلتَّقۡوَىٰ ذَٰلِكَ خَيۡرٞۚ ذَٰلِكَ مِنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ لَعَلَّهُمۡ يَذَّكَّرُونَ
26. Ilma Aadamow! Waxaan idiin soo dejinnay dhar astura cowradiinna iyo dhar xarrago, dharkase dhowrsashada, kaas baa khayr roon. Kuwani waxay ka mid yihiin Aayadaha Alle, bal inay xusuustaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ لَا يَفۡتِنَنَّكُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ كَمَآ أَخۡرَجَ أَبَوَيۡكُم مِّنَ ٱلۡجَنَّةِ يَنزِعُ عَنۡهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوۡءَٰتِهِمَآۚ إِنَّهُۥ يَرَىٰكُمۡ هُوَ وَقَبِيلُهُۥ مِنۡ حَيۡثُ لَا تَرَوۡنَهُمۡۗ إِنَّا جَعَلۡنَا ٱلشَّيَٰطِينَ أَوۡلِيَآءَ لِلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ
27. Ilma Aadamow! Yuusan idin fidnayn shaydaanku, siduuba uga soo saaray labadiinnii waalid Jannada, isagoo ka siibaya dharkooda, si uu u qaawiyo oo u tuso cowradooda. Wuu idin arkaa isaga iyo qabiiladiisuba, idinkuse ma aragtaan. Waxaan Annagu uga dhignay shaydaadiin- ta sokeeye kuwa aan (Xaqa) rumeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذَا فَعَلُواْ فَٰحِشَةٗ قَالُواْ وَجَدۡنَا عَلَيۡهَآ ءَابَآءَنَا وَٱللَّهُ أَمَرَنَا بِهَاۗ قُلۡ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَأۡمُرُ بِٱلۡفَحۡشَآءِۖ أَتَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
28. Markay falaan xumaanna waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, Alle baana nagu amray. Dheh: Alle ma amro xumaan. Ma waxaad ka sheegeysaan Alle waxaydaan cilmi u lahayn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ أَمَرَ رَبِّي بِٱلۡقِسۡطِۖ وَأَقِيمُواْ وُجُوهَكُمۡ عِندَ كُلِّ مَسۡجِدٖ وَٱدۡعُوهُ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَۚ كَمَا بَدَأَكُمۡ تَعُودُونَ
29. Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad, una jeediya wejiyadiinna (qibladda, Kacbada Makkah ku taal waqti kasta oo salaad) masjid kasta, baryana (Alle) idinkoo u keli iyo gaar yeelaya cibaadada. Siduu ifka idinku keenay billowgii hore yaad u soo noqoneysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَرِيقًا هَدَىٰ وَفَرِيقًا حَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلضَّلَٰلَةُۚ إِنَّهُمُ ٱتَّخَذُواْ ٱلشَّيَٰطِينَ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَيَحۡسَبُونَ أَنَّهُم مُّهۡتَدُونَ
30. Koox wuu hanuunshay, koox (kalena) habow baa xaq ugu dhaboobay; waayo waxay ka yeesheen sheydaammada sokeeyeeyaal halkii Alle, waxayna isu heystaan inay hanuunsan yihiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት