Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
وَإِذۡ قَالَتۡ أُمَّةٞ مِّنۡهُمۡ لِمَ تَعِظُونَ قَوۡمًا ٱللَّهُ مُهۡلِكُهُمۡ أَوۡ مُعَذِّبُهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدٗاۖ قَالُواْ مَعۡذِرَةً إِلَىٰ رَبِّكُمۡ وَلَعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ
164. Markay jameeco ka mid ahi tidhi: Maxaad u waanineysaan qolo uu Alle halligayo, ama ku cadaabi cadaab daran? Waxay yidhaahdeen: Waa si aan eed naloogu raacan Rabbigiin horti, iyo inay Alle ka cabsadaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا نَسُواْ مَا ذُكِّرُواْ بِهِۦٓ أَنجَيۡنَا ٱلَّذِينَ يَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلسُّوٓءِ وَأَخَذۡنَا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ بِعَذَابِۭ بَـِٔيسِۭ بِمَا كَانُواْ يَفۡسُقُونَ
165. Markayse iska halmaameen waxa lagu waaniyey, Waxaan badbaadinnay kuwii reebayey xumaanta, waxaana ku dhignay kuwii dulmiga falay cadaab daran caasintoodii awgeed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا عَتَوۡاْ عَن مَّا نُهُواْ عَنۡهُ قُلۡنَا لَهُمۡ كُونُواْ قِرَدَةً خَٰسِـِٔينَ
166. Markay ku madax adeygeen wixii laga reebayey, waxaan ku nidhi: Noqda daayeerro dulleysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ تَأَذَّنَ رَبُّكَ لَيَبۡعَثَنَّ عَلَيۡهِمۡ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ مَن يَسُومُهُمۡ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِۗ إِنَّ رَبَّكَ لَسَرِيعُ ٱلۡعِقَابِ وَإِنَّهُۥ لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ
167. (Xusuusta) markuu Rabbigaa ogeysiiyey inuu ku soo dirayo (Yuhuudda) ilaa Maalinta Qiyaamaha kuwo dhadhansiinaya cadaab xun. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhakhsi Badan yahay Ciqaabka, waana Denbi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَطَّعۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ أُمَمٗاۖ مِّنۡهُمُ ٱلصَّٰلِحُونَ وَمِنۡهُمۡ دُونَ ذَٰلِكَۖ وَبَلَوۡنَٰهُم بِٱلۡحَسَنَٰتِ وَٱلسَّيِّـَٔاتِ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
168. Waxaana ugu kala googaynay arlada iyagoo qaybo ah, waxaa ka mid ah kuwo wanaagsan iyo kuwo (kale) oo ka mid ah aan sidaas ahayn. Waxaana ku imtixaannay wanaag iyo dhibba inay u soo laabtaan (adeecidda Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَخَلَفَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ خَلۡفٞ وَرِثُواْ ٱلۡكِتَٰبَ يَأۡخُذُونَ عَرَضَ هَٰذَا ٱلۡأَدۡنَىٰ وَيَقُولُونَ سَيُغۡفَرُ لَنَا وَإِن يَأۡتِهِمۡ عَرَضٞ مِّثۡلُهُۥ يَأۡخُذُوهُۚ أَلَمۡ يُؤۡخَذۡ عَلَيۡهِم مِّيثَٰقُ ٱلۡكِتَٰبِ أَن لَّا يَقُولُواْ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡحَقَّ وَدَرَسُواْ مَا فِيهِۗ وَٱلدَّارُ ٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ يَتَّقُونَۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
169. Markaa baa waxaa yimid iyaga kaddib dad (xun) oo dhaxlay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) oo qaadanaya waxyaalaha (aan bannaaneyn ee) nolosha tani soke (ee adduunyada), iyagoo leh: waa naloo denbi dhaafi. Hadduu u yimaado (mar kale) alaabo (raaxo adduunyo aan bannaaneyn) oo la mid ahi, way qaataan (sidoo kale). Miyaan lagaga qaadin ballan Kitaabka in aanay ka sheegin Alle waxaan ahayn xaq, iyagoo akhristay waxa ku yaalla (Kitaabka), Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha). Ee miyeydaan wax fahmeyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ يُمَسِّكُونَ بِٱلۡكِتَٰبِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ إِنَّا لَا نُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُصۡلِحِينَ
170. Kuwase qabsada Kitaabka oo iyaga ka mid ah (kuwooda soo islaamay) oogana salaadda, Annagu Marnaba ma dayacno abaalgudka kuwa camalkooda hagaajiya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት