Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
121. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Rabbiga caalamka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَبِّ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ
122. Rabbiga Muuse iyo Haaruun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فِرۡعَوۡنُ ءَامَنتُم بِهِۦ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّ هَٰذَا لَمَكۡرٞ مَّكَرۡتُمُوهُ فِي ٱلۡمَدِينَةِ لِتُخۡرِجُواْ مِنۡهَآ أَهۡلَهَاۖ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ
123. Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen ka hor intaan idiin idmin? Arrinkani waa tab aad ku soo degteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ ثُمَّ لَأُصَلِّبَنَّكُمۡ أَجۡمَعِينَ
124. Waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna is dhaaf, waana idin wada dal-dali dhammaantiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ
125. Waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu u noqon xagga (Alle) Rabbigayo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا تَنقِمُ مِنَّآ إِلَّآ أَنۡ ءَامَنَّا بِـَٔايَٰتِ رَبِّنَا لَمَّا جَآءَتۡنَاۚ رَبَّنَآ أَفۡرِغۡ عَلَيۡنَا صَبۡرٗا وَتَوَفَّنَا مُسۡلِمِينَ
126. Ma jirona waxaad nagu naceyso aan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbigayow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِ فِرۡعَوۡنَ أَتَذَرُ مُوسَىٰ وَقَوۡمَهُۥ لِيُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَيَذَرَكَ وَءَالِهَتَكَۚ قَالَ سَنُقَتِّلُ أَبۡنَآءَهُمۡ وَنَسۡتَحۡيِۦ نِسَآءَهُمۡ وَإِنَّا فَوۡقَهُمۡ قَٰهِرُونَ
127. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon waxay yidhaahdeen: Ma waxaad u deynaysaa Muuse iyo qolodiisa inay fasahaadiyaan arlada, oo ka tagaan adiga iyo ilaahyadaadaba? (Fircoon) wuxuu yidhi: Waxaan dili wiilashooda, oo deysan haweenkooda (si ay noogu adeegaan oo u addoonsanno), waxaanu nahay kuwa ka sarreeya oo maquuniya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِ ٱسۡتَعِينُواْ بِٱللَّهِ وَٱصۡبِرُوٓاْۖ إِنَّ ٱلۡأَرۡضَ لِلَّهِ يُورِثُهَا مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۖ وَٱلۡعَٰقِبَةُ لِلۡمُتَّقِينَ
128. Muuse wuxuu ku yidhi qolodiisii: Ka barya kaalmo Alle oo samra, arlada waxaa iska leh Alle, Wuxuu dhaxalsiiyaa cidduu doono oo ka mid ah addoomahiisa, cidhibta (sanna) waxaa iska leh kuwa iska jira (xumaha oo ku dhaqma diinta Alle).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ أُوذِينَا مِن قَبۡلِ أَن تَأۡتِيَنَا وَمِنۢ بَعۡدِ مَا جِئۡتَنَاۚ قَالَ عَسَىٰ رَبُّكُمۡ أَن يُهۡلِكَ عَدُوَّكُمۡ وَيَسۡتَخۡلِفَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرَ كَيۡفَ تَعۡمَلُونَ
129. Waxay yidhaahdeen: Waxaa na soo gaaray dhibaatooyin ka hor intaad noo imaan iyo kaddib intaad noo timidba. Wuxuu yidhi: Waa intaasoo uu Rabbigiin halligo cadowgiinna oo idiinka yeelo madax arlada, markaas wuxuu eegi sida aad u dhaqantaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَخَذۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ بِٱلسِّنِينَ وَنَقۡصٖ مِّنَ ٱلثَّمَرَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَذَّكَّرُونَ
130. Waxaana ku qabannay reer Fircoon abaaro iyo mirahoo ka yaraada bal inay waansamaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት