Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
وَٱلۡبَلَدُ ٱلطَّيِّبُ يَخۡرُجُ نَبَاتُهُۥ بِإِذۡنِ رَبِّهِۦۖ وَٱلَّذِي خَبُثَ لَا يَخۡرُجُ إِلَّا نَكِدٗاۚ كَذَٰلِكَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَشۡكُرُونَ
58. Dhulka wanaagsani naqiisa wuxuu ku soo baxaa (si fudud oo badan) Idanka Rabbigiis, midkase xun (daaqiisu) kuma soo baxo waxaan dhib ahayn. Sidaasaan ugu caddeynaa Aayadaha ciddii shukrin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ
59. Waxaan u soo dirnay Nuux tolkiisii markaasuu wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah (xaq ah) aan Isaga ahayn. Waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin daran.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِهِۦٓ إِنَّا لَنَرَىٰكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ
60. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: waxaan kugu aragnaa inaad ku sugan tahay habow cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَٰقَوۡمِ لَيۡسَ بِي ضَلَٰلَةٞ وَلَٰكِنِّي رَسُولٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
61. (Nuux) wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Kuma sugni habow, waxaanse ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أُبَلِّغُكُمۡ رِسَٰلَٰتِ رَبِّي وَأَنصَحُ لَكُمۡ وَأَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
62. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha Rabbigay, waana idiin naseexeyn, waxaana ka ogahay xagga Alle waxaydaan ogayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَعَجِبۡتُمۡ أَن جَآءَكُمۡ ذِكۡرٞ مِّن رَّبِّكُمۡ عَلَىٰ رَجُلٖ مِّنكُمۡ لِيُنذِرَكُمۡ وَلِتَتَّقُواْ وَلَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
63. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo, iyo inaad ka dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale), si la idiinku naxariisto.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَكَذَّبُوهُ فَأَنجَيۡنَٰهُ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَأَغۡرَقۡنَا ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمًا عَمِينَ
64. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo kuwii kula jiray Doonnida, oo harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Hubaal waxay ahaayeen qolo indha la’ (aan Xaqa arag).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ وَإِلَىٰ عَادٍ أَخَاهُمۡ هُودٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ
65. (Waxaan u dirnay) Caadna walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan Alle ka cabsaneyn (oo iska jireyn xumaha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ٱلۡمَلَأُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦٓ إِنَّا لَنَرَىٰكَ فِي سَفَاهَةٖ وَإِنَّا لَنَظُنُّكَ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ
66. Xildhibaannadii gaaloobay oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu kugu aragnaa caqli xumo, waxaana kuu maleynaynaa inaad ka mid tahay beenalayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ يَٰقَوۡمِ لَيۡسَ بِي سَفَاهَةٞ وَلَٰكِنِّي رَسُولٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
67. Wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Ima heyso caqli xumo, waxaanse ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት