Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
۞ يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ خُذُواْ زِينَتَكُمۡ عِندَ كُلِّ مَسۡجِدٖ وَكُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ وَلَا تُسۡرِفُوٓاْۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
31. Ilma Aadamow! Qaata quruxdiinna (inaad xidhitaan dhar nadiif ah) markaad ku tukaneysaan masjid kasta, cuna oo cabbana, hana xadgudbina, hubaal Alle ma jecla kuwa xad gudba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ مَنۡ حَرَّمَ زِينَةَ ٱللَّهِ ٱلَّتِيٓ أَخۡرَجَ لِعِبَادِهِۦ وَٱلطَّيِّبَٰتِ مِنَ ٱلرِّزۡقِۚ قُلۡ هِيَ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا خَالِصَةٗ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
32. Dheh: yaa xaareemeeyey isku qurxinta dharka uu Alle u soo saaray addoomahii- sa iyo riziqyada wanaagsan? Dheh: Kuwani waxaa iska leh mu’miniinta nolosha adduunkan, gaarna (u leeyihiin) Maalinta Qiyaamaha. Sidaasaan ugu yeelnaa Aayadaha caddaan ciddii garasho leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قُلۡ إِنَّمَا حَرَّمَ رَبِّيَ ٱلۡفَوَٰحِشَ مَا ظَهَرَ مِنۡهَا وَمَا بَطَنَ وَٱلۡإِثۡمَ وَٱلۡبَغۡيَ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَأَن تُشۡرِكُواْ بِٱللَّهِ مَا لَمۡ يُنَزِّلۡ بِهِۦ سُلۡطَٰنٗا وَأَن تَقُولُواْ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
33. Dheh: Wuxuu Rabbigay xaareemeeyey xumaha oo dhan (zinada, iwm) si caddaan ah loo falo iyo qarsoodiba, iyo denbiga (cabbista khamrada) iyo gar darrada (dulmiga iyo aabiga), iyo inaad (cibaadada) la wadaajisaan Alle wax aanu wax xujo ah u soo dejin iyo inaad ka sheegtaan Alle waxaydaan aqoon u laheyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٞۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ لَا يَسۡتَأۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ
34. Ummad walba (oo gaalowda) waxay leedahay ajal 'muddo' go’an (halaaggooda); markay ajashoodu timaaddona kama dib dhacaan saacadna, kamana soo hor maraan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ إِمَّا يَأۡتِيَنَّكُمۡ رُسُلٞ مِّنكُمۡ يَقُصُّونَ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِي فَمَنِ ٱتَّقَىٰ وَأَصۡلَحَ فَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
35. Ilma Aadamow! Hadday idiin yimaadaan Rusul idinka mid ah, idin soo gaadhsiinaya Aayadahayga, ee ciddii ka dhowrsata (xumaha) oo sama fasha, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَٱسۡتَكۡبَرُواْ عَنۡهَآ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
36. Kuwase beeniya Aayadahayaga oo iska kibriya, waa kuwaa ehlu Naarku; way ku dhex waadhi weligood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِهِۦٓۚ أُوْلَٰٓئِكَ يَنَالُهُمۡ نَصِيبُهُم مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُنَا يَتَوَفَّوۡنَهُمۡ قَالُوٓاْ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِۖ قَالُواْ ضَلُّواْ عَنَّا وَشَهِدُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ أَنَّهُمۡ كَانُواْ كَٰفِرِينَ
37. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaasi, qaybtooda loogu qoray Kitaabka (Qaddarka) way gaadhi, ilaa markay Rusushayadu (malakul mowdka iyo kalkaaliyayaashiisa) u yimaadaan si ay u oofsadaan, waxay odhan: Meeye waxaad baryi (caabudi) jirteen Alle sokadi?. Waxay odhan: Way naga dhumeen oo tageen: waxayna ku marag furi nafahooda inay ahaayeen gaalo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት