Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ جَعَلَكُمۡ خُلَفَآءَ مِنۢ بَعۡدِ عَادٖ وَبَوَّأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ تَتَّخِذُونَ مِن سُهُولِهَا قُصُورٗا وَتَنۡحِتُونَ ٱلۡجِبَالَ بُيُوتٗاۖ فَٱذۡكُرُوٓاْ ءَالَآءَ ٱللَّهِ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
74. Xusuustana markuu idinka dhigay kuwa dhaxlay (dhulka) (reer) Caad kaddib, oo uu idin dejiyey dhulka idinkoo ka sameeya dooxooyinkeeda daaro waaweyn, kana qodataan buuraha guryo. Ee xusa Nicmooyinka Alle, hana ku bi'innina oo halleynina dhulka fasahaadka aad ku falaysaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ٱلۡمَلَأُ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ لِلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِمَنۡ ءَامَنَ مِنۡهُمۡ أَتَعۡلَمُونَ أَنَّ صَٰلِحٗا مُّرۡسَلٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قَالُوٓاْ إِنَّا بِمَآ أُرۡسِلَ بِهِۦ مُؤۡمِنُونَ
75. Waxay xildhibaannadii kuwaa isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii ku yidhaahdeen kuwii loo arkay daciif ee ahaa kuwoodii rumeeyey dhexooda: Ma waxaad ogtihiin in Saalix laga soo diray xagga Rabbigi? Waxay yidhaahdeen: Innagu waxa lala soo diray waanu rumeynay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا بِٱلَّذِيٓ ءَامَنتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
76. Kuwii isla weynaa waxay yidhaahdeen: Innagu waxaad rumeyseen waanu diidnay oo ku gaalownay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَعَقَرُواْ ٱلنَّاقَةَ وَعَتَوۡاْ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِمۡ وَقَالُواْ يَٰصَٰلِحُ ٱئۡتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
77. Markaasay boqna gooyeen hashii (gowraceen); oo ay ka hor yimaadeen Amarkii Rabbigood, waxayna yidhaahdeen: Saalixow! Noo keen cadaabka aad noogu gooddisay haddaad ka mid tahay Rususha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلرَّجۡفَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دَارِهِمۡ جَٰثِمِينَ
78. Markaasuu qabtay dhul gariir, waxayna noqdeen (baqti) ugu dhex daadsan degaankooda dhaqdhaqaaq la’aan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَتَوَلَّىٰ عَنۡهُمۡ وَقَالَ يَٰقَوۡمِ لَقَدۡ أَبۡلَغۡتُكُمۡ رِسَالَةَ رَبِّي وَنَصَحۡتُ لَكُمۡ وَلَٰكِن لَّا تُحِبُّونَ ٱلنَّٰصِحِينَ
79. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii Rabbigay, idin siiyeyna naseexo wanaagsan, ma se jeclidin kuwa idiin naseexeeya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
80. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku yidhi tolkiisii: Ma waxaad la timaaddaan xumaato (khaniisnimo) aanu idiinka horreyn cidna ka mid ah caalamka?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهۡوَةٗ مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ مُّسۡرِفُونَ
81. Idinku waxaad ugu tagtaan ragga shahwad (macaansi), halkii haweenka. Waxaad tihiin qolo xad gudub badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት