Check out the new design

ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب * - لیست ترجمه ها

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ترجمهٔ معانی سوره: اعراف   آیه:
وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ جَعَلَكُمۡ خُلَفَآءَ مِنۢ بَعۡدِ عَادٖ وَبَوَّأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ تَتَّخِذُونَ مِن سُهُولِهَا قُصُورٗا وَتَنۡحِتُونَ ٱلۡجِبَالَ بُيُوتٗاۖ فَٱذۡكُرُوٓاْ ءَالَآءَ ٱللَّهِ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ
74. Xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxlay (dhulka) (reer) Caad kaddib, oo uu idin dejiyey dhulka idinkoo ka sameeya dooxooyinkeeda daaro waaweyn, kana qodataan buuraha guryo. Ee xusa Nicmooyinka Alle, hana ku bi'innina dhulka fasahaadka aad ku falaysaan.
تفسیرهای عربی:
قَالَ ٱلۡمَلَأُ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ لِلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِمَنۡ ءَامَنَ مِنۡهُمۡ أَتَعۡلَمُونَ أَنَّ صَٰلِحٗا مُّرۡسَلٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قَالُوٓاْ إِنَّا بِمَآ أُرۡسِلَ بِهِۦ مُؤۡمِنُونَ
75. Waxay xildhibaannadii kuwaa isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii ku yidhaahdeen kuwii loo arkay daciif ee ahaa kuwoodii rumeeyey dhexooda: Ma waxaad ogtihiin in Saalix laga soo diray xagga Rabbigi? Waxay yidhaahdeen: Innagu waxa lala soo diray waanu rumeynay.
تفسیرهای عربی:
قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا بِٱلَّذِيٓ ءَامَنتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ
76. Kuwii isla weynaa waxay yidhaahdeen: Innagu waxaad rumeyseen waanu diidnay oo ku gaalownay.
تفسیرهای عربی:
فَعَقَرُواْ ٱلنَّاقَةَ وَعَتَوۡاْ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِمۡ وَقَالُواْ يَٰصَٰلِحُ ٱئۡتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
77. Markaasay boqna gooyeen hashii (gowraceen); oo ay ka hor yimaadeen Amarkii Rabbigood, waxayna yidhaahdeen: Saalixow! Noo keen cadaabka aad noogu gooddisay haddaad ka mid tahay Rususha.
تفسیرهای عربی:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلرَّجۡفَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دَارِهِمۡ جَٰثِمِينَ
78. Markaasuu qabtay dhul gariir, waxayna noqdeen (baqti) ugu dhex daadsan degaankooda dhaqdhaqaaq la’aan.
تفسیرهای عربی:
فَتَوَلَّىٰ عَنۡهُمۡ وَقَالَ يَٰقَوۡمِ لَقَدۡ أَبۡلَغۡتُكُمۡ رِسَالَةَ رَبِّي وَنَصَحۡتُ لَكُمۡ وَلَٰكِن لَّا تُحِبُّونَ ٱلنَّٰصِحِينَ
79. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii Rabbigay, idin siiyeyna naseexo wanaagsan, ma se jeclidin kuwa idiin naseexeeya.
تفسیرهای عربی:
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ
80. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku yidhi tolkiisii: Ma waxaad la timaaddaan xumaato (khaniisnimo) aanu idiinka horreyn cidna ka mid ah caalamka?
تفسیرهای عربی:
إِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهۡوَةٗ مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ مُّسۡرِفُونَ
81. Idinku waxaad ugu tagtaan ragga shahwad (macaansi), halkii haweenka. Waxaad tihiin qolo xad gudub badan.
تفسیرهای عربی:
 
ترجمهٔ معانی سوره: اعراف
فهرست سوره ها شماره صفحه
 
ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب - لیست ترجمه ها

ترجمه‌ى عبدالله حسن یعقوب.

بستن