Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
قَالَ مَا مَنَعَكَ أَلَّا تَسۡجُدَ إِذۡ أَمَرۡتُكَۖ قَالَ أَنَا۠ خَيۡرٞ مِّنۡهُ خَلَقۡتَنِي مِن نَّارٖ وَخَلَقۡتَهُۥ مِن طِينٖ
12. (Alle) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday inaad sujuuddo markaan ku amray? (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga (Aadam) ka abuurtay dhoobo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَٱهۡبِطۡ مِنۡهَا فَمَا يَكُونُ لَكَ أَن تَتَكَبَّرَ فِيهَا فَٱخۡرُجۡ إِنَّكَ مِنَ ٱلصَّٰغِرِينَ
13. (Alle) wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (Jannada), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso halkan. Ka bax (Jannada), waxaad ka mid tahay kuwa dulleysan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ أَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
14. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Ii sug oo i sii fursad ilaa maalinta marka la soo bixinayo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ
15. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugi ee la siiyey fursadda (ilaa Qiyaamada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ فَبِمَآ أَغۡوَيۡتَنِي لَأَقۡعُدَنَّ لَهُمۡ صِرَٰطَكَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ
16. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Sidaad u sababtay inaan lumo darteed, Waxaan aniguna u fadhiisan (aadmiga) Jidkaaga Toosan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ لَأٓتِيَنَّهُم مِّنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ وَعَنۡ أَيۡمَٰنِهِمۡ وَعَن شَمَآئِلِهِمۡۖ وَلَا تَجِدُ أَكۡثَرَهُمۡ شَٰكِرِينَ
17. Waxaana kaga iman hortooda iyo gadaashooda, iyo xagga midigtooda iyo xagga bidixdoodaba, mana heleysid badankood oo mahad naqi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ٱخۡرُجۡ مِنۡهَا مَذۡءُومٗا مَّدۡحُورٗاۖ لَّمَن تَبِعَكَ مِنۡهُمۡ لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكُمۡ أَجۡمَعِينَ
18. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax (Jannada) adigoo dulleysan oo dayro ah, qofkii ka mid ah oo ku raaca, waxaan idinka wada buuxin Jahannama dhammaantiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَٰٓـَٔادَمُ ٱسۡكُنۡ أَنتَ وَزَوۡجُكَ ٱلۡجَنَّةَ فَكُلَا مِنۡ حَيۡثُ شِئۡتُمَا وَلَا تَقۡرَبَا هَٰذِهِ ٱلشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
19. Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada gudaheed, oo wax ka cuna
meeshaad doontaan, hase u dhowaannina geedkan, haddii kale waxaad labadiinnuba ahaaneysaan kuwo gefay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَوَسۡوَسَ لَهُمَا ٱلشَّيۡطَٰنُ لِيُبۡدِيَ لَهُمَا مَا وُۥرِيَ عَنۡهُمَا مِن سَوۡءَٰتِهِمَا وَقَالَ مَا نَهَىٰكُمَا رَبُّكُمَا عَنۡ هَٰذِهِ ٱلشَّجَرَةِ إِلَّآ أَن تَكُونَا مَلَكَيۡنِ أَوۡ تَكُونَا مِنَ ٱلۡخَٰلِدِينَ
20. Ha yeeshee shaydaanka baa si hoos ah wax ugu sheegay, si uu ugu muujiyo waxa laga qariyey oo cowradooda ah; wuxuuna yidhi: Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaydaan noqon labo malag ama inaydaan ka mid noqon kuwa waadha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَاسَمَهُمَآ إِنِّي لَكُمَا لَمِنَ ٱلنَّٰصِحِينَ
21. (Alle) buuna ugu dhaartay (isagoo leh): Waxaan anigu wallee idiin ahay daacad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَدَلَّىٰهُمَا بِغُرُورٖۚ فَلَمَّا ذَاقَا ٱلشَّجَرَةَ بَدَتۡ لَهُمَا سَوۡءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخۡصِفَانِ عَلَيۡهِمَا مِن وَرَقِ ٱلۡجَنَّةِۖ وَنَادَىٰهُمَا رَبُّهُمَآ أَلَمۡ أَنۡهَكُمَا عَن تِلۡكُمَا ٱلشَّجَرَةِ وَأَقُل لَّكُمَآ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ لَكُمَا عَدُوّٞ مُّبِينٞ
22. Markaasuu ku dhiirra geliyey (cunista geedka) oo ku hoday: markay dhadhansheen geedka, waxaa u muuqday cowradooda, waxayna isla markiiba billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) nafahooda caleemaha Jannada; Rabbigood baana u yeedhay: Miyaanan idinka reebin geedkaa oo idiin sheegin in Shaydaanku idiin yahay cadow iska cad?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት