Check out the new design

Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob * - Indise ng mga Salin

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Salin ng mga Kahulugan Surah: Al-A‘rāf   Ayah:
قَالَ مَا مَنَعَكَ أَلَّا تَسۡجُدَ إِذۡ أَمَرۡتُكَۖ قَالَ أَنَا۠ خَيۡرٞ مِّنۡهُ خَلَقۡتَنِي مِن نَّارٖ وَخَلَقۡتَهُۥ مِن طِينٖ
12. (Alle) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday inaad sujuuddo markaan ku amray? (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga (Aadam) ka abuurtay dhoobo.
Ang mga Tafsir na Arabe:
قَالَ فَٱهۡبِطۡ مِنۡهَا فَمَا يَكُونُ لَكَ أَن تَتَكَبَّرَ فِيهَا فَٱخۡرُجۡ إِنَّكَ مِنَ ٱلصَّٰغِرِينَ
13. (Alle) wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (Jannada), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso halkan. Ka bax (Jannada), waxaad ka mid tahay kuwa dulleysan.
Ang mga Tafsir na Arabe:
قَالَ أَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
14. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Ii sug oo i sii fursad ilaa maalinta marka la soo bixinayo.
Ang mga Tafsir na Arabe:
قَالَ إِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ
15. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugi ee la siiyey fursadda (ilaa Qiyaamada).
Ang mga Tafsir na Arabe:
قَالَ فَبِمَآ أَغۡوَيۡتَنِي لَأَقۡعُدَنَّ لَهُمۡ صِرَٰطَكَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ
16. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Sidaad u sababtay inaan lumo darteed, Waxaan aniguna u fadhiisan (aadmiga) Jidkaaga Toosan.
Ang mga Tafsir na Arabe:
ثُمَّ لَأٓتِيَنَّهُم مِّنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ وَعَنۡ أَيۡمَٰنِهِمۡ وَعَن شَمَآئِلِهِمۡۖ وَلَا تَجِدُ أَكۡثَرَهُمۡ شَٰكِرِينَ
17. Waxaana kaga iman hortooda iyo gadaashooda, iyo xagga midigtooda iyo xagga bidixdoodaba, mana heleysid badankood oo mahad naqi.
Ang mga Tafsir na Arabe:
قَالَ ٱخۡرُجۡ مِنۡهَا مَذۡءُومٗا مَّدۡحُورٗاۖ لَّمَن تَبِعَكَ مِنۡهُمۡ لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكُمۡ أَجۡمَعِينَ
18. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax (Jannada) adigoo dulleysan oo dayro ah, qofkii ka mid ah oo ku raaca, waxaan idinka wada buuxin Jahannama dhammaantiin.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَيَٰٓـَٔادَمُ ٱسۡكُنۡ أَنتَ وَزَوۡجُكَ ٱلۡجَنَّةَ فَكُلَا مِنۡ حَيۡثُ شِئۡتُمَا وَلَا تَقۡرَبَا هَٰذِهِ ٱلشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
19. Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada gudaheed, oo wax ka cuna
meeshaad doontaan, hase u dhowaannina geedkan, haddii kale waxaad labadiinnuba ahaaneysaan kuwo gefay.
Ang mga Tafsir na Arabe:
فَوَسۡوَسَ لَهُمَا ٱلشَّيۡطَٰنُ لِيُبۡدِيَ لَهُمَا مَا وُۥرِيَ عَنۡهُمَا مِن سَوۡءَٰتِهِمَا وَقَالَ مَا نَهَىٰكُمَا رَبُّكُمَا عَنۡ هَٰذِهِ ٱلشَّجَرَةِ إِلَّآ أَن تَكُونَا مَلَكَيۡنِ أَوۡ تَكُونَا مِنَ ٱلۡخَٰلِدِينَ
20. Ha yeeshee shaydaanka baa si hoos ah wax ugu sheegay, si uu ugu muujiyo waxa laga qariyey oo cowradooda ah; wuxuuna yidhi: Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaydaan noqon labo malag ama inaydaan ka mid noqon kuwa waadha.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَقَاسَمَهُمَآ إِنِّي لَكُمَا لَمِنَ ٱلنَّٰصِحِينَ
21. (Alle) buuna ugu dhaartay (isagoo leh): Waxaan anigu wallee idiin ahay daacad.
Ang mga Tafsir na Arabe:
فَدَلَّىٰهُمَا بِغُرُورٖۚ فَلَمَّا ذَاقَا ٱلشَّجَرَةَ بَدَتۡ لَهُمَا سَوۡءَٰتُهُمَا وَطَفِقَا يَخۡصِفَانِ عَلَيۡهِمَا مِن وَرَقِ ٱلۡجَنَّةِۖ وَنَادَىٰهُمَا رَبُّهُمَآ أَلَمۡ أَنۡهَكُمَا عَن تِلۡكُمَا ٱلشَّجَرَةِ وَأَقُل لَّكُمَآ إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ لَكُمَا عَدُوّٞ مُّبِينٞ
22. Markaasuu ku dhiirra geliyey (cunista geedka) oo ku hoday: markay dhadhansheen geedka, waxaa u muuqday cowradooda, waxayna isla markiiba billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) nafahooda caleemaha Jannada; Rabbigood baana u yeedhay: Miyaanan idinka reebin geedkaa oo idiin sheegin in Shaydaanku idiin yahay cadow iska cad?
Ang mga Tafsir na Arabe:
 
Salin ng mga Kahulugan Surah: Al-A‘rāf
Indise ng mga Surah Numero ng Pahina
 
Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob - Indise ng mga Salin

Isinalin ito ni Abdullah Hasan Yakub.

Isara