Check out the new design

Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob * - Indise ng mga Salin

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Salin ng mga Kahulugan Surah: Al-A‘rāf   Ayah:
وَجَٰوَزۡنَا بِبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡبَحۡرَ فَأَتَوۡاْ عَلَىٰ قَوۡمٖ يَعۡكُفُونَ عَلَىٰٓ أَصۡنَامٖ لَّهُمۡۚ قَالُواْ يَٰمُوسَى ٱجۡعَل لَّنَآ إِلَٰهٗا كَمَا لَهُمۡ ءَالِهَةٞۚ قَالَ إِنَّكُمۡ قَوۡمٞ تَجۡهَلُونَ
138. Waxaana ka yeelnay Ilmahii Israa’iil inay ka tillaabbaan (si nabad ah) badda, markaasay waxay ku yimaadeen dad dul yuurarsan sanammadooda (oo caabudaya). Waxay yidhahadeen: Muusow! Noo yeel ilaah innagana siday iyaguba u leeyihiin ilaahyo. Wuxuu (Muuse) yidhi: Waxaad tihiin qolo jaahiliin ah4.
4. Oo aan garanaeyn Weynida Alle iyo Haybaddiisa iyo waajibka idin saaran oo ah inaad caabuddaan Alle oo keliya oo waxbana u shariig yeelin.
Ang mga Tafsir na Arabe:
إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ مُتَبَّرٞ مَّا هُمۡ فِيهِ وَبَٰطِلٞ مَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
139. Hubaal, kuwani (gaalada ahi) waxay ku sugan yihiin waa baabbi’i, waana baadil waxay falayaan.
Ang mga Tafsir na Arabe:
قَالَ أَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَبۡغِيكُمۡ إِلَٰهٗا وَهُوَ فَضَّلَكُمۡ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
140. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaan idiin doonaa ilaah kale aan aheyn Alle, isagoo idinka faddilay caalamka.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَإِذۡ أَنجَيۡنَٰكُم مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَسُومُونَكُمۡ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ يُقَتِّلُونَ أَبۡنَآءَكُمۡ وَيَسۡتَحۡيُونَ نِسَآءَكُمۡۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَآءٞ مِّن رَّبِّكُمۡ عَظِيمٞ
141. Xusuusta markaan idinka samata bixinnay reer Fircoon ee idin dhadhansii- yey cadaab daran, iyagoo dilayey wiilashiin- na, oo u deynayey haweenkiinna nolol (si ay ugu adeegtaan). Arrinkaana waxaa ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.
Ang mga Tafsir na Arabe:
۞ وَوَٰعَدۡنَا مُوسَىٰ ثَلَٰثِينَ لَيۡلَةٗ وَأَتۡمَمۡنَٰهَا بِعَشۡرٖ فَتَمَّ مِيقَٰتُ رَبِّهِۦٓ أَرۡبَعِينَ لَيۡلَةٗۚ وَقَالَ مُوسَىٰ لِأَخِيهِ هَٰرُونَ ٱخۡلُفۡنِي فِي قَوۡمِي وَأَصۡلِحۡ وَلَا تَتَّبِعۡ سَبِيلَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ
142. Waxaan la ballannay Muuse muddo soddon habeen ah, kuna taam yeelnay inaan ku darno toban dheeri ah, marka muddada ballanka Rabbigi waxay ahayd afartan habeen oo buuxda. Muuse wuxuu ku yidhi walaalki Haaruun: "Qabo xilkeyga qolodeyda dhexdood intaan maqnahay , una dhaqan si wanaagsan, hana raacin jidka kuwa wax fasahaadsha".
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَلَمَّا جَآءَ مُوسَىٰ لِمِيقَٰتِنَا وَكَلَّمَهُۥ رَبُّهُۥ قَالَ رَبِّ أَرِنِيٓ أَنظُرۡ إِلَيۡكَۚ قَالَ لَن تَرَىٰنِي وَلَٰكِنِ ٱنظُرۡ إِلَى ٱلۡجَبَلِ فَإِنِ ٱسۡتَقَرَّ مَكَانَهُۥ فَسَوۡفَ تَرَىٰنِيۚ فَلَمَّا تَجَلَّىٰ رَبُّهُۥ لِلۡجَبَلِ جَعَلَهُۥ دَكّٗا وَخَرَّ مُوسَىٰ صَعِقٗاۚ فَلَمَّآ أَفَاقَ قَالَ سُبۡحَٰنَكَ تُبۡتُ إِلَيۡكَ وَأَنَا۠ أَوَّلُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
143. Markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. (Alle) Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid (adduunka oo ma awooddid), laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii5, wuxuu ka yeelay burbur, Muusena dhulkuu ugu dhacay suuxdin. Markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), waan kuu toobad keenay (Allow), waxaana ahay kan ugu horreeya mu'miniinta.
5. Wuxuu Alle isu muujiyey buurta qaddar dhan ciddida far yarada, markaasay buurtii burburtay oo budo noqotay. Muuqashada Alle la mid ma aha muuqashada Aadmiga, ee waa si ku habboon oo u qalma Weynida Alle, dadku ma ay suureysan karaan arrinkaasi.
Ang mga Tafsir na Arabe:
 
Salin ng mga Kahulugan Surah: Al-A‘rāf
Indise ng mga Surah Numero ng Pahina
 
Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob - Indise ng mga Salin

Isinalin ito ni Abdullah Hasan Yakub.

Isara