Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
وَلَقَدۡ ذَرَأۡنَا لِجَهَنَّمَ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِۖ لَهُمۡ قُلُوبٞ لَّا يَفۡقَهُونَ بِهَا وَلَهُمۡ أَعۡيُنٞ لَّا يُبۡصِرُونَ بِهَا وَلَهُمۡ ءَاذَانٞ لَّا يَسۡمَعُونَ بِهَآۚ أُوْلَٰٓئِكَ كَٱلۡأَنۡعَٰمِ بَلۡ هُمۡ أَضَلُّۚ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡغَٰفِلُونَ
179. Waxaan u abuurnay Jahannama in badan oo ka mid ah jinka iyo dadka. Waxay leeyihiin quluub aysan wax ku fahmin, indho aysan wax ku arag, iyo dhego aysan wax ku maqal. Waa sida xoolo oo kale, mayee waa bay ka sii habow daran yihiin; kuwaa waa kuwa ka dhoohan (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلِلَّهِ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰ فَٱدۡعُوهُ بِهَاۖ وَذَرُواْ ٱلَّذِينَ يُلۡحِدُونَ فِيٓ أَسۡمَٰٓئِهِۦۚ سَيُجۡزَوۡنَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
180. Alle baa iska leh Magacyada wanaagga iyo quruxda badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa13. Waa laga abaal marin doonaa waxay falayeen.
13. Ha siin wax tixgelin ah iyo mudnaan oo isaga tag kuwa ku caabuda Alle xusid magacyo aan ku haabboneyn sida Kiristhaanka ugu yeera: aabbe ama eebbe ” iyo mushrikiinta Carbeed ee ugu yeera Laat, Cuzzaa, iyo Manaat, iwm magacyadaasoo aan ku habbooneyn Alle ama kuwa beddela magacyada wanaagsan ee Alle macnahooda ama sifadooda oo ku fasira waxaalo kale sida inay Gacanta Alle ku fasiraan awood, indhahana ilaalin, Imaanashaha Allena, ku fasira imaanshaha Amarkiisa, iwm, taasoo aan bannaaeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِمَّنۡ خَلَقۡنَآ أُمَّةٞ يَهۡدُونَ بِٱلۡحَقِّ وَبِهِۦ يَعۡدِلُونَ
181. Waxaa ka mid ah waxaan abuurnay ummad wax ku hanuunisa xaqa (ummadda Nabi Muxammad), kuna ooga caddaaladda
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا سَنَسۡتَدۡرِجُهُم مِّنۡ حَيۡثُ لَا يَعۡلَمُونَ
182. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaanu ugu soo dhoweyn (baabba’a) si heerar ah (oo ka qaban) meel aanay ogeyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأُمۡلِي لَهُمۡۚ إِنَّ كَيۡدِي مَتِينٌ
183. Waxaana siin waqti, hubaal Tabteydu waa sooh adag tahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَمۡ يَتَفَكَّرُواْۗ مَا بِصَاحِبِهِم مِّن جِنَّةٍۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا نَذِيرٞ مُّبِينٌ
184. Miyeyna ka fikirin inaan saaxiibkood (Nabi Muxammad) qabin wax saameyn jin ah. Wax kalena maahee waa dige cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَلَمۡ يَنظُرُواْ فِي مَلَكُوتِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا خَلَقَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٖ وَأَنۡ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ قَدِ ٱقۡتَرَبَ أَجَلُهُمۡۖ فَبِأَيِّ حَدِيثِۭ بَعۡدَهُۥ يُؤۡمِنُونَ
185. Miyaanay fiirin boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo wax kastoo uu Alle abuuray, iyo in laga yaabo in muddadoodu soo dhowaatay, ee hadalkee bay rumaynayaan kani (Qur’aanka) kaddib?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَا هَادِيَ لَهُۥۚ وَيَذَرُهُمۡ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
186.Qofkii Alle lumiyo ma leh hanuuniye; wuxuuna ku daayaa xadgudubkooda ay ku jaha wareersan yihiin indha’ la' aan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرۡسَىٰهَاۖ قُلۡ إِنَّمَا عِلۡمُهَا عِندَ رَبِّيۖ لَا يُجَلِّيهَا لِوَقۡتِهَآ إِلَّا هُوَۚ ثَقُلَتۡ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ لَا تَأۡتِيكُمۡ إِلَّا بَغۡتَةٗۗ يَسۡـَٔلُونَكَ كَأَنَّكَ حَفِيٌّ عَنۡهَاۖ قُلۡ إِنَّمَا عِلۡمُهَا عِندَ ٱللَّهِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
187. Waxay ku weydiin Saacadda (Qiyaame) goormay dhici? Dheh: Cilmigeedu Rabbigay keliya buu la jiraa. Ma jiro waxaan Isaga ahayn oo soo saari waqtigeeda loo qabtay. Waxay ahaan wax ku culus cirarka iyo dhulka (arrinkeedu). Idiinkuma imaan doonto waxaan aheyn kedis. Waxay kuu weydiin sidiiyoo aad adigu cilmi dheer u leedahay. Dheh: Cilmigeedu waxaa uu la jiraa oo keliya Alle, badankooduse dadku ma oga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት