Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
أُبَلِّغُكُمۡ رِسَٰلَٰتِ رَبِّي وَأَنَا۠ لَكُمۡ نَاصِحٌ أَمِينٌ
68. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha Rabbigay, waxaana idiin ahay nasteexeeye aamin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَوَعَجِبۡتُمۡ أَن جَآءَكُمۡ ذِكۡرٞ مِّن رَّبِّكُمۡ عَلَىٰ رَجُلٖ مِّنكُمۡ لِيُنذِرَكُمۡۚ وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ جَعَلَكُمۡ خُلَفَآءَ مِنۢ بَعۡدِ قَوۡمِ نُوحٖ وَزَادَكُمۡ فِي ٱلۡخَلۡقِ بَصۜۡطَةٗۖ فَٱذۡكُرُوٓاْ ءَالَآءَ ٱللَّهِ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
69. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin, uu soo faray nin idinka mid ah si uu idiinku digo? Xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxla (dhulka) qolodii Nuux kaddib, oo idiin kordhiyey abuur ahaan lixaad. Ee xusa Nicmooyinka Alle si aad u liibaantaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا لِنَعۡبُدَ ٱللَّهَ وَحۡدَهُۥ وَنَذَرَ مَا كَانَ يَعۡبُدُ ءَابَآؤُنَا فَأۡتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
70. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid inaan caabudno Alle Keliya oo aan ka tagno waxay caabudi jireen aabbayaashayo? (ma jirto) ee noo keen waxaad noogu gooddido haddaad run sheegeyso.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ قَدۡ وَقَعَ عَلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُمۡ رِجۡسٞ وَغَضَبٌۖ أَتُجَٰدِلُونَنِي فِيٓ أَسۡمَآءٖ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّا نَزَّلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٖۚ فَٱنتَظِرُوٓاْ إِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُنتَظِرِينَ
71. Wuxuu yidhi: Waxaa idiinkaga dhacay xagga Rabbigiin Cadaab iyo Cadho. Ma waxaad igala doodaysaan arrinka magacyo (sanamo) aad bixiseen idinka iyo aabbayaashiin? Alle uma soo dejin wax xujo ah; ee suga (waxa idinku dhaca), anigana sidoo kale waan idinla sugiye.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥ بِرَحۡمَةٖ مِّنَّا وَقَطَعۡنَا دَابِرَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَاۖ وَمَا كَانُواْ مُؤۡمِنِينَ
72. Markaasaan waxaan ku badbaadinnay isaga iyo intii la jirtayba naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana cidhib tirnay kuwii beeniyey Aayadahayaga, mana ay aheyn mu’miniin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥۖ قَدۡ جَآءَتۡكُم بَيِّنَةٞ مِّن رَّبِّكُمۡۖ هَٰذِهِۦ نَاقَةُ ٱللَّهِ لَكُمۡ ءَايَةٗۖ فَذَرُوهَا تَأۡكُلۡ فِيٓ أَرۡضِ ٱللَّهِۖ وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٖ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
73. (Waxaan u dirnay) Thamuud walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya, ma lihdin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Xujo cad baa idiinka timid xagga Rabbigiin. tani waa Hal Ilaahay aad leedihiin, oo ah Calaamo; ee iska daaya ha daaqdo’e arlada Alle, hana u geysannina wax waxyeello ah, haddii kale waxaa idin qaban cadaab xanuun badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት