Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ   አንቀጽ:
وَلَقَدۡ جِئۡنَٰهُم بِكِتَٰبٖ فَصَّلۡنَٰهُ عَلَىٰ عِلۡمٍ هُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
52. Waxaan u keennay Kitaab (Qur’aan) aanu u caddeynay si ogaal ah, oo u ah hanuun iyo naxariis ciddii rumayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّا تَأۡوِيلَهُۥۚ يَوۡمَ يَأۡتِي تَأۡوِيلُهُۥ يَقُولُ ٱلَّذِينَ نَسُوهُ مِن قَبۡلُ قَدۡ جَآءَتۡ رُسُلُ رَبِّنَا بِٱلۡحَقِّ فَهَل لَّنَا مِن شُفَعَآءَ فَيَشۡفَعُواْ لَنَآ أَوۡ نُرَدُّ فَنَعۡمَلَ غَيۡرَ ٱلَّذِي كُنَّا نَعۡمَلُۚ قَدۡ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
53. Ma waxay sugi waxaan aheyn fulinta (wuxuu ka digay Qur’aanka)? Maalinta (Qiyaamada) marka fulintiisa la gaadho, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan: Waxay Rususha Rabbigayo keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin (adduunka mar kale) si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan waxaan falnay? Waxay khasaareen nafahooda, wayna ka dhumeen (waayeen) waxay (ilaahyo) been abuuran jireen (oo wax uma tarin waayo wax jira ma aheyn).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ رَبَّكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ يُغۡشِي ٱلَّيۡلَ ٱلنَّهَارَ يَطۡلُبُهُۥ حَثِيثٗا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ وَٱلنُّجُومَ مُسَخَّرَٰتِۭ بِأَمۡرِهِۦٓۗ أَلَا لَهُ ٱلۡخَلۡقُ وَٱلۡأَمۡرُۗ تَبَارَكَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
54. Hubaal, Rabbigiin waa oo keliya Allaah, ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, dabadeed dul ahaaday Carshiga. Wuxuu ku daboolaa habeenka maalinta, uu raacdo hayo si xowli leh, (wuxuuna Alle abuuray) qorraxda iyo dayaxa iyo xiddigaha ku laylan Amarkiisa. Ogaada, Isagaa leh Abuurista iyo Amarkaba. Waxaa Khayr iyo Barako badan Alle, Rabbiga uumanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱدۡعُواْ رَبَّكُمۡ تَضَرُّعٗا وَخُفۡيَةًۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُعۡتَدِينَ
55. U barya (Alle) Rabbigiin si khushuuc leh iyo qarsoodiba. hubaal, ma uu jecla kuwa xadgudba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ بَعۡدَ إِصۡلَٰحِهَا وَٱدۡعُوهُ خَوۡفٗا وَطَمَعًاۚ إِنَّ رَحۡمَتَ ٱللَّهِ قَرِيبٞ مِّنَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
56. Hana ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, baryana (Alle) idinkoo baqdin iyo rajoba qaba, hubaal, Naxariista Alle waxay u dhowdahay sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُوَ ٱلَّذِي يُرۡسِلُ ٱلرِّيَٰحَ بُشۡرَۢا بَيۡنَ يَدَيۡ رَحۡمَتِهِۦۖ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَقَلَّتۡ سَحَابٗا ثِقَالٗا سُقۡنَٰهُ لِبَلَدٖ مَّيِّتٖ فَأَنزَلۡنَا بِهِ ٱلۡمَآءَ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦ مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِۚ كَذَٰلِكَ نُخۡرِجُ ٱلۡمَوۡتَىٰ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
57. Waa Isaga Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruuro culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, waxaana ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaasaannu u soo saari maytida, inaad xusuusataan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል-አዕራፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት