Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 高壁章   節:
قُل لَّآ أَمۡلِكُ لِنَفۡسِي نَفۡعٗا وَلَا ضَرًّا إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ وَلَوۡ كُنتُ أَعۡلَمُ ٱلۡغَيۡبَ لَٱسۡتَكۡثَرۡتُ مِنَ ٱلۡخَيۡرِ وَمَا مَسَّنِيَ ٱلسُّوٓءُۚ إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ وَبَشِيرٞ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
188. Dheh: Uma hanto naftayda dheef iyo dhib midna, wuxuu Alle doono ma’ahee. Haddaan ogaan lahaana cilmi Ghaybka, waxaan badsan lahaa khayrka, oo wax xume ah ima taabteen. Anigu waxaan ahay oo keliya u dige iyo u bishaareeye qolo (Xaqa) rumeysan.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ وَجَعَلَ مِنۡهَا زَوۡجَهَا لِيَسۡكُنَ إِلَيۡهَاۖ فَلَمَّا تَغَشَّىٰهَا حَمَلَتۡ حَمۡلًا خَفِيفٗا فَمَرَّتۡ بِهِۦۖ فَلَمَّآ أَثۡقَلَت دَّعَوَا ٱللَّهَ رَبَّهُمَا لَئِنۡ ءَاتَيۡتَنَا صَٰلِحٗا لَّنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّٰكِرِينَ
189. (Alle) waa Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam) oo isla xaggeeda ka abuuray xaaskiisa (Xawwaa), si uu u weheshado. Markuuse (mid ka mid ah aadmiga) u galmoodo (xaaskiisa) bay qaaddaa uur yar, oo halkaas ka sii waddo, markay cuslaato, waxay labaduba baryaan Alle, Rabbigood, (oo ay yidhaahdaan): Haddaad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahdiya.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَلَمَّآ ءَاتَىٰهُمَا صَٰلِحٗا جَعَلَا لَهُۥ شُرَكَآءَ فِيمَآ ءَاتَىٰهُمَاۚ فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
190. Markase uu siiyo (tafiirta Aadam iyo Xawwaa) dhal hagaagsan, waxay u yeelaan shariigyo 'ay la wadaajiyaan cibaadada' wuxuu siiyey14. wuuse ka sarreeyaa Alle waxay u shariig yeelaan (oo la wadaajiyaan cibaadada).
14. Mushrikiinta waxay ka yeeleen ilmahooda uu abuuray Alle addoomo ay leeyihiin asnaamta, sida awgeed bay waxay u bixiyeen magacyo aan bannaaneyn sida Cabdul Cuzzaa iyo Cabdul Manaat iyo Cabdu- Shams, iwm.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَيُشۡرِكُونَ مَا لَا يَخۡلُقُ شَيۡـٔٗا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ
191. Ma waxay la wadaajin Alle 'cibaadada' waxaan waxna abuurin, oo iyaga la abuuro?
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَا يَسۡتَطِيعُونَ لَهُمۡ نَصۡرٗا وَلَآ أَنفُسَهُمۡ يَنصُرُونَ
192. Oo aan u gargaari kareyn, balse aan nafahooda u gargaari karin.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَإِن تَدۡعُوهُمۡ إِلَى ٱلۡهُدَىٰ لَا يَتَّبِعُوكُمۡۚ سَوَآءٌ عَلَيۡكُمۡ أَدَعَوۡتُمُوهُمۡ أَمۡ أَنتُمۡ صَٰمِتُونَ
193. Haddaad ugu yeertona hanuunka idinma raacaan. Waana isku mid haddaad u yeertaan ama haddaad ka amustaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ عِبَادٌ أَمۡثَالُكُمۡۖ فَٱدۡعُوهُمۡ فَلۡيَسۡتَجِيبُواْ لَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
194. Kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi waa addoomo idin la mid ah. Ee barya ha idin ajiibeene haddaad run sheegaysaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَلَهُمۡ أَرۡجُلٞ يَمۡشُونَ بِهَآۖ أَمۡ لَهُمۡ أَيۡدٖ يَبۡطِشُونَ بِهَآۖ أَمۡ لَهُمۡ أَعۡيُنٞ يُبۡصِرُونَ بِهَآۖ أَمۡ لَهُمۡ ءَاذَانٞ يَسۡمَعُونَ بِهَاۗ قُلِ ٱدۡعُواْ شُرَكَآءَكُمۡ ثُمَّ كِيدُونِ فَلَا تُنظِرُونِ
195. Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise indho ay wax ku arkaan? Mise dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhiga, hana i sugina oo i siinnina wax fursad ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 高壁章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる