Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 高壁章   節:
۞ قَالَ ٱلۡمَلَأُ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ لَنُخۡرِجَنَّكَ يَٰشُعَيۡبُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَكَ مِن قَرۡيَتِنَآ أَوۡ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَاۚ قَالَ أَوَلَوۡ كُنَّا كَٰرِهِينَ
88. Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu kaaga saari debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diinteenna 'hab dhaqankayaga'. Wuxuu yidhi: Ma xataa haddaanu dooneyn.
アラビア語 クルアーン注釈:
قَدِ ٱفۡتَرَيۡنَا عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا إِنۡ عُدۡنَا فِي مِلَّتِكُم بَعۡدَ إِذۡ نَجَّىٰنَا ٱللَّهُ مِنۡهَاۚ وَمَا يَكُونُ لَنَآ أَن نَّعُودَ فِيهَآ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّنَاۚ وَسِعَ رَبُّنَا كُلَّ شَيۡءٍ عِلۡمًاۚ عَلَى ٱللَّهِ تَوَكَّلۡنَاۚ رَبَّنَا ٱفۡتَحۡ بَيۡنَنَا وَبَيۡنَ قَوۡمِنَا بِٱلۡحَقِّ وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡفَٰتِحِينَ
89. Waxaan ka been sheegnay Alle haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Alle naga badbaadiyey.Nagumana habboona inaan u noqonno, inuu Alle, Rabbigayo doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi. Alle baanu isku halleynaa oo tala saarannay; Rabbigayow! Noogu kala garsoor innaga iyo tolkayaga xaq, Adigaa u wanaagsan inta wax kala saarta.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَقَالَ ٱلۡمَلَأُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦ لَئِنِ ٱتَّبَعۡتُمۡ شُعَيۡبًا إِنَّكُمۡ إِذٗا لَّخَٰسِرُونَ
90. Xildhibaannadii gaalowday oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Haddaad raacdaan Shucayb, waxaad idinku markaasi tihiin kuwo khasaaray.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلرَّجۡفَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دَارِهِمۡ جَٰثِمِينَ
91. Markaasuu dhul gariir qabtay, waxayna noqdeen (baqti) daadsan degaankoodii.
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ شُعَيۡبٗا كَأَن لَّمۡ يَغۡنَوۡاْ فِيهَاۚ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ شُعَيۡبٗا كَانُواْ هُمُ ٱلۡخَٰسِرِينَ
92. Kuwii beeniyey Shucayb, waxay noqdeen sidii inayan marnaba ku negaanin halkaas. Kuwii beeniyey Shucayb, waxay ahaayeen kuwa khasaaray.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَتَوَلَّىٰ عَنۡهُمۡ وَقَالَ يَٰقَوۡمِ لَقَدۡ أَبۡلَغۡتُكُمۡ رِسَٰلَٰتِ رَبِّي وَنَصَحۡتُ لَكُمۡۖ فَكَيۡفَ ءَاسَىٰ عَلَىٰ قَوۡمٖ كَٰفِرِينَ
93. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Farriimahii Rabbigay oo idin siiyey waano wanaagsan. Ee sidee baan ugu diir naxaa qolo xaq diid ah (gaalo).
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا فِي قَرۡيَةٖ مِّن نَّبِيٍّ إِلَّآ أَخَذۡنَآ أَهۡلَهَا بِٱلۡبَأۡسَآءِ وَٱلضَّرَّآءِ لَعَلَّهُمۡ يَضَّرَّعُونَ
94. Ma jirto magaalo aan u soo dirnay Nabi oo aanaan ku qaban dadkeeda (markay caasiyoobeen) qaxar iyo jirrooyin, bal inay soo dabcaan oo na baryaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
ثُمَّ بَدَّلۡنَا مَكَانَ ٱلسَّيِّئَةِ ٱلۡحَسَنَةَ حَتَّىٰ عَفَواْ وَّقَالُواْ قَدۡ مَسَّ ءَابَآءَنَا ٱلضَّرَّآءُ وَٱلسَّرَّآءُ فَأَخَذۡنَٰهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ
95. Haddana waxaanu ugu beddelnay halkii dhibka, wanaag, ilaa ay bateen oo yidhaahdeen: Lurnaan iyo ladnaanba way soo mareen aabbayaashayo (sidoo kale). Markaasaan qabannay si kedis ah iyagoo aan dareemeyn.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 高壁章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる