Check out the new design

Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub * - Übersetzungen

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Übersetzung der Bedeutungen Surah / Kapitel: At-Taubah   Vers:
كَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ كَانُوٓاْ أَشَدَّ مِنكُمۡ قُوَّةٗ وَأَكۡثَرَ أَمۡوَٰلٗا وَأَوۡلَٰدٗا فَٱسۡتَمۡتَعُواْ بِخَلَٰقِهِمۡ فَٱسۡتَمۡتَعۡتُم بِخَلَٰقِكُمۡ كَمَا ٱسۡتَمۡتَعَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُم بِخَلَٰقِهِمۡ وَخُضۡتُمۡ كَٱلَّذِي خَاضُوٓاْۚ أُوْلَٰٓئِكَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
69. Sidii kuwii (gaaladii) idinka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo idinka xoog badan awood ahaan, oo idinka badan maal iyo awlaadba. Marka waxay ku raaxaysteen calafkoodii, sidaas baad idinkuna ugu raaxaysateen calafkiinnii siday kuwii idinka horreeyey ugu raaxaysteen calafkoodii; waxaadna ku tiinbateen (xumaanta) siday ugu tiinbadeen. Kuwani waa kuwa camal- laadooda ay buraan adduun iyo Aakhiraba Waa kuwaa kuwa khasaaray.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
أَلَمۡ يَأۡتِهِمۡ نَبَأُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ قَوۡمِ نُوحٖ وَعَادٖ وَثَمُودَ وَقَوۡمِ إِبۡرَٰهِيمَ وَأَصۡحَٰبِ مَدۡيَنَ وَٱلۡمُؤۡتَفِكَٰتِۚ أَتَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
70. Miyaanu soo gaadhin warka kuwii ka horreeyay, ee lahaa qolooyinkii Nuux, Caad, Thamuud, qolodii Ibraahiim, reer Madyan, iyo kuwii korkooda hoos loo rogay [24], Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad. Ma aha Alle mid dulmiya, iyaga baase nafahooda dulmiya.
24. Waa kuwaas loo diray Luud oo u soo jiiday nafahooda cadaabka Alle. Eeg Q 11: 82-83.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۚ يَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَيُطِيعُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓۚ أُوْلَٰٓئِكَ سَيَرۡحَمُهُمُ ٱللَّهُۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
71. Mu’miniintu iyo mu’minooyinka, waa xigaalo iyo sokeeye midba kan kale [25], waxay amraan samaanta, oo reebaan xumaanta; oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, oo adeecaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwani, Alle wuu u naxariisan doonaa; hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
25. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Mu’minku wuxuu u yahay mu’minka sida dhista qaarkeed qaarka kale uu xoojiyo. Xadiis kalena wuxuu sheegay inay jir keliya yihiin isu damqada oo is jecel yihiin.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَمَسَٰكِنَ طَيِّبَةٗ فِي جَنَّٰتِ عَدۡنٖۚ وَرِضۡوَٰنٞ مِّنَ ٱللَّهِ أَكۡبَرُۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
72. Alle wuxuu u ballan qaaday mu’miniinta iyo mu’minooyinka beero ay hoostoodu webiyo qul-qulayaan ay ku dhex waarayaan weligood, iyo guryo san oo ku yaal Beeraha negaadiga (Jannada) iyo wax inaataba ka sii wanaagsan waa Raalli ahaanshaha Alle. Arrinkani baa ah Liibaanta Weyn.
Arabische Interpretationen von dem heiligen Quran:
 
Übersetzung der Bedeutungen Surah / Kapitel: At-Taubah
Suren/ Kapiteln Liste Nummer der Seite
 
Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub - Übersetzungen

Übersetzt von Abdullah Hasan Yaqub.

Schließen