Check out the new design

Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob * - Indise ng mga Salin

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Salin ng mga Kahulugan Surah: At-Tawbah   Ayah:
كَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ كَانُوٓاْ أَشَدَّ مِنكُمۡ قُوَّةٗ وَأَكۡثَرَ أَمۡوَٰلٗا وَأَوۡلَٰدٗا فَٱسۡتَمۡتَعُواْ بِخَلَٰقِهِمۡ فَٱسۡتَمۡتَعۡتُم بِخَلَٰقِكُمۡ كَمَا ٱسۡتَمۡتَعَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُم بِخَلَٰقِهِمۡ وَخُضۡتُمۡ كَٱلَّذِي خَاضُوٓاْۚ أُوْلَٰٓئِكَ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
69. Sidii kuwii (gaaladii) idinka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo idinka xoog badan awood ahaan, oo idinka badan maal iyo awlaadba. Marka waxay ku raaxaysteen calafkoodii, sidaas baad idinkuna ugu raaxaysateen calafkiinnii siday kuwii idinka horreeyey ugu raaxaysteen calafkoodii; waxaadna ku tiinbateen (xumaanta) siday ugu tiinbadeen. Kuwani waa kuwa camal- laadooda ay buraan adduun iyo Aakhiraba Waa kuwaa kuwa khasaaray.
Ang mga Tafsir na Arabe:
أَلَمۡ يَأۡتِهِمۡ نَبَأُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ قَوۡمِ نُوحٖ وَعَادٖ وَثَمُودَ وَقَوۡمِ إِبۡرَٰهِيمَ وَأَصۡحَٰبِ مَدۡيَنَ وَٱلۡمُؤۡتَفِكَٰتِۚ أَتَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ فَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
70. Miyaanu soo gaadhin warka kuwii ka horreeyay, ee lahaa qolooyinkii Nuux, Caad, Thamuud, qolodii Ibraahiim, reer Madyan, iyo kuwii korkooda hoos loo rogay22, Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad. Ma aha Alle mid dulmiya, iyaga baase nafahooda dulmiya.
22. Waa kuwaas loo diray Luud oo u soo jiiday nafahooda cadaabka Alle. Eeg Q 11: 82-83.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتُ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۚ يَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَيُطِيعُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓۚ أُوْلَٰٓئِكَ سَيَرۡحَمُهُمُ ٱللَّهُۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
71. Mu’miniintu iyo mu’minooyinka, waa xigaalo iyo sokeeye midba kan kale23, waxay amraan samaanta, oo reebaan xumaanta; oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, oo adeecaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwani, Alle wuu u naxariisan doonaa; hubaal Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
23. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Mu’minku wuxuu u yahay mu’minka sida dhista qaarkeed qaarka kale uu xoojiyo. Xadiis kalena wuxuu sheegay inay jir keliya yihiin isu damqada oo is jecel yihiin.
Ang mga Tafsir na Arabe:
وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَمَسَٰكِنَ طَيِّبَةٗ فِي جَنَّٰتِ عَدۡنٖۚ وَرِضۡوَٰنٞ مِّنَ ٱللَّهِ أَكۡبَرُۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
72. Alle wuxuu u ballan qaaday mu’miniinta iyo mu’minooyinka beero ay hoostoodu webiyo qul-qulayaan ay ku dhex waarayaan weligood, iyo guryo san oo ku yaal Beeraha negaadiga (Jannada) iyo wax inaataba ka sii wanaagsan waa Raalli ahaanshaha Alle. Arrinkani baa ah Liibaanta Weyn.
Ang mga Tafsir na Arabe:
 
Salin ng mga Kahulugan Surah: At-Tawbah
Indise ng mga Surah Numero ng Pahina
 
Salin ng mga Kahulugan ng Marangal na Qur'an - Salin sa Wikang Somali ni Abdullah Hassan Yakob - Indise ng mga Salin

Isinalin ito ni Abdullah Hasan Yakub.

Isara