Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali translation - Jacob * - Translations’ Index

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the meanings Surah: Al-Mujādalah   Ayah:

Suurada Al-mujaadalah

قَدۡ سَمِعَ ٱللَّهُ قَوۡلَ ٱلَّتِي تُجَٰدِلُكَ فِي زَوۡجِهَا وَتَشۡتَكِيٓ إِلَى ٱللَّهِ وَٱللَّهُ يَسۡمَعُ تَحَاوُرَكُمَآۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعُۢ بَصِيرٌ
1. Alle wuu ajiibay baryada haweentii kaagala doodeysay arrinka ninkeeda oo u sheeganaysey (dhibaatadeeda) Alle. Alle waa maqlayey wada hadalkiinna. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
1. Haweentii doodaysey ama dalbeysey gargaarka.
Arabic explanations of the Qur’an:
ٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِنكُم مِّن نِّسَآئِهِم مَّا هُنَّ أُمَّهَٰتِهِمۡۖ إِنۡ أُمَّهَٰتُهُمۡ إِلَّا ٱلَّٰٓـِٔي وَلَدۡنَهُمۡۚ وَإِنَّهُمۡ لَيَقُولُونَ مُنكَرٗا مِّنَ ٱلۡقَوۡلِ وَزُورٗاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَعَفُوٌّ غَفُورٞ
2. Kuwa idinka mid ah ee isaga
xaaraantimeeya2 xaasaskooda hab ah dihaar (iyagoo ku odhan, "hooyaday baad iga tahay") - Sidaa kuma noqonayaan hooyooyinkood. hooyooyinkoodna ma aha cid kale aan ahayn kuwa dhalay. Kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun iyo been abuur. Allena waa Cafiye, Denbi Dhaaf badan.
2. Haweeney la yidhaahdo Khawlah binti Thaclabah a.k.r. baa waxaa habkan isaga xaaraantinimeeyey ninkeeda Aws bin As-Saamit, isagoo ku yidhi xaaskiisa, "hooyaday baad iga tahay". Markaasay waxay u timid Nabiga s.c.w. iyadoo wax ka weydiinaysa mas’aladan, markaasuu Alle soo dejiyey Aayaddan iyo Aayadda xigta.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَٱلَّذِينَ يُظَٰهِرُونَ مِن نِّسَآئِهِمۡ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا قَالُواْ فَتَحۡرِيرُ رَقَبَةٖ مِّن قَبۡلِ أَن يَتَمَآسَّاۚ ذَٰلِكُمۡ تُوعَظُونَ بِهِۦۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ
3. Kuwa isaga xaaraantimeeya xaasas- kooda hab dihaar ah (ku yidhaahda, hooyaday baa iga tahay) - markaas doonaya inay ka noqdaan waxay yidhaahdeen, waa inay xoreeyaan addoon ka hor inta aysan is taaban (galmoon), (arrin)kaasi waa kan la idinku waaniyo (inaad qaadataan). Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
Arabic explanations of the Qur’an:
فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ شَهۡرَيۡنِ مُتَتَابِعَيۡنِ مِن قَبۡلِ أَن يَتَمَآسَّاۖ فَمَن لَّمۡ يَسۡتَطِعۡ فَإِطۡعَامُ سِتِّينَ مِسۡكِينٗاۚ ذَٰلِكَ لِتُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۚ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۗ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٌ أَلِيمٌ
4. Kii aan helin (addoon uu xoreeyo), waa inuu soomo labo bilood oo xidhiidh ah ka hor inta aysan istaaban (galmoon)3; kiise aan awoodin (soonka) waa inuu quudiyo lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad Iimaan dhan ugu qabtaan Alle iyo Rasuulkiisa. Kuwaasi waa soohdimaha Alle (ee ha dhaafina). Gaaladu waxay leeyihiin Cadaab xanuun Badan.
3. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 4: Aayadda 92.
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ كُبِتُواْ كَمَا كُبِتَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ وَقَدۡ أَنزَلۡنَآ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖۚ وَلِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابٞ مُّهِينٞ
5. Kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa waa la dulleyn, sidii kuwii ka horreeyey loo dulleeyey. Waxaana dhab ahaan soo dejinnay Aayado cad cad. Gaaladuna waxay leeyihiin Cadaab Dulleysa.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَوۡمَ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعٗا فَيُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوٓاْۚ أَحۡصَىٰهُ ٱللَّهُ وَنَسُوهُۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ
6. Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, una sheegi waxay faleen. Alle wuu tiro koobay, halka ay iyagu iska halmaameen. Alle wax walba wuu Arkaa.
Arabic explanations of the Qur’an:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۖ مَا يَكُونُ مِن نَّجۡوَىٰ ثَلَٰثَةٍ إِلَّا هُوَ رَابِعُهُمۡ وَلَا خَمۡسَةٍ إِلَّا هُوَ سَادِسُهُمۡ وَلَآ أَدۡنَىٰ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡثَرَ إِلَّا هُوَ مَعَهُمۡ أَيۡنَ مَا كَانُواْۖ ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُواْ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٌ
7. Miyaadan ogaan inuu Alle Og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada? Ma jiro meel seddex ku faqda, uusan isagu aheyn kooda afraad4, mana jiro (faq ka dhex dhaca) shan uusan aheyn kooda lixaad, mana jiraan wax intaas ka yar ama ka badan, uusan isagu la jirin meel ay joogaanba; kaddib wuxuu u sheegi waxay camal faleen Maalinta Qiyaamaha. hubaal, Alle wax walba wuu Og yahay.
4. Waa inuu og yahay oo ka war qabo xaalkooda iyo sirahooda oo maqlo oo arko oo awood ku dul leeyahay, laakiinse Alle cirkuu jiraa Carshigiisuu dul ahaaday si u qalanta Weynidiisa.
Arabic explanations of the Qur’an:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ نُهُواْ عَنِ ٱلنَّجۡوَىٰ ثُمَّ يَعُودُونَ لِمَا نُهُواْ عَنۡهُ وَيَتَنَٰجَوۡنَ بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَمَعۡصِيَتِ ٱلرَّسُولِۖ وَإِذَا جَآءُوكَ حَيَّوۡكَ بِمَا لَمۡ يُحَيِّكَ بِهِ ٱللَّهُ وَيَقُولُونَ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ لَوۡلَا يُعَذِّبُنَا ٱللَّهُ بِمَا نَقُولُۚ حَسۡبُهُمۡ جَهَنَّمُ يَصۡلَوۡنَهَاۖ فَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
8. Miyaadan ogaan kuwaa (Yuhuudda ah) ee laga reebay faqa xun, markaas ku noqda waxa laga reebay, oo yeesha kulanno qarsoodi ah ay ku faqaan denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka, markay kuu yimaadaanna waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin5, iyagoo si hoose u leh: Muxuu Alle noogu cadaabi waayey waxaan leennahay? Naar baa ku filan; oo ay gali. Oo u xun meel la ahaado.
5. Waa tilmaan xaalkii Yuhuudda wax ka degganeyd Madiina ee ku salaamay muslimiinta As-Saamu Calaykum oo macnaheedu yahay dhinta halkii ay odhan lahaayeen As-salaamu caleykum.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا تَنَٰجَيۡتُمۡ فَلَا تَتَنَٰجَوۡاْ بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَمَعۡصِيَتِ ٱلرَّسُولِ وَتَنَٰجَوۡاْ بِٱلۡبِرِّ وَٱلتَّقۡوَىٰۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِيٓ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad faqeysaan, ha ku faqina denbi iyo colaad iyo ku caasinta Rasuulka ee ku faqa samaan iyo ka joogid (denbiyada) dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, kaasoo Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّمَا ٱلنَّجۡوَىٰ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ لِيَحۡزُنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَيۡسَ بِضَآرِّهِمۡ شَيۡـًٔا إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ
10. Sideedaba faqa (xun) waa uun (camal) Shaydaan6, si uu u murug geliyo kuwa (Xaqa) rumeeyey, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee wuxuu Alle idmo maahee, Allaah uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniinta.
6. Waxaa loola jeedaa sida muuqata hadalka xanta ah iyo xumaan ku tashiga.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَكُمۡ تَفَسَّحُواْ فِي ٱلۡمَجَٰلِسِ فَٱفۡسَحُواْ يَفۡسَحِ ٱللَّهُ لَكُمۡۖ وَإِذَا قِيلَ ٱنشُزُواْ فَٱنشُزُواْ يَرۡفَعِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنكُمۡ وَٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ دَرَجَٰتٖۚ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ
11.Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka la idinku yidhaahdo isu waasiciya fadhiga, isu waasiciya. Alle ha idiin waasiciyee (Naxariistiisa)7. Marka la idinku yidhaahdo u kaca (khayr)8 u kaca. Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey, iyo kuwaa cilmiga la siiyey darajooyin aad u sarreeya, Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
7. Alle ha idiin waasiciyee Naxariistiisa ama Jannadiisa gudaheed, ama wax kasta oo wanaagsan.
8. U kaca salaad ama jihaad ama camal kasta oo wanaagsan.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَٰجَيۡتُمُ ٱلرَّسُولَ فَقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيۡ نَجۡوَىٰكُمۡ صَدَقَةٗۚ ذَٰلِكَ خَيۡرٞ لَّكُمۡ وَأَطۡهَرُۚ فَإِن لَّمۡ تَجِدُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٌ
12. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Marka (aad dooneysaan) inaad la faqdaan Rasuulka, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan faqiinna ka hor. Sidaas baa idiin khayr badan oo daahirsan. Haddiise aydaan helin (wax aad bixisaan) hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Arabic explanations of the Qur’an:
ءَأَشۡفَقۡتُمۡ أَن تُقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيۡ نَجۡوَىٰكُمۡ صَدَقَٰتٖۚ فَإِذۡ لَمۡ تَفۡعَلُواْ وَتَابَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ
13. Ma waxaad ka walaacdeen inaad (kari weydaan) inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la faqiinna (Nabiga)? Haddii aydaan sidaas falin, Alle wuu idinka toobad aqbalaye ooga salaadda oo bixiya sakada, adeecana Allaah iyo Rasuulkiisa. Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
Arabic explanations of the Qur’an:
۞ أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ تَوَلَّوۡاْ قَوۡمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِم مَّا هُم مِّنكُمۡ وَلَا مِنۡهُمۡ وَيَحۡلِفُونَ عَلَى ٱلۡكَذِبِ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ
14. Mawaadan arag kuwaa (munaafiqiinta ah ee) iyagu ka yeesha saaxiibbo qolo cadho Alle qaba (Yuhuudda)? Ma aha (munaafiqiinta) kuwo idinka tirsan idinka (Muslimiinta) kamana tirsana (gaalada), waxayna ku dhaartaan been iyagoo og.
Arabic explanations of the Qur’an:
أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمۡ عَذَابٗا شَدِيدًاۖ إِنَّهُمۡ سَآءَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
15. Alle wuxuu u diyaariyey cadaab daran. Xumaa waxay falaan.
Arabic explanations of the Qur’an:
ٱتَّخَذُوٓاْ أَيۡمَٰنَهُمۡ جُنَّةٗ فَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ
16. Waxay (munaafiqiintu) ka dhigteen dhaarahooda gaashaan (ay isku qariyaan) markaasay ka weeciyeen (dadka) jidka Alle, sidaas awgeed waxay leeyihiin cadaab dufeysa.
Arabic explanations of the Qur’an:
لَّن تُغۡنِيَ عَنۡهُمۡ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۚ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
17. Maalkooda ama awlaaddoodu waxna ugama taraan Alle Xaggiisa, kuwaasi waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood.
Arabic explanations of the Qur’an:
يَوۡمَ يَبۡعَثُهُمُ ٱللَّهُ جَمِيعٗا فَيَحۡلِفُونَ لَهُۥ كَمَا يَحۡلِفُونَ لَكُمۡ وَيَحۡسَبُونَ أَنَّهُمۡ عَلَىٰ شَيۡءٍۚ أَلَآ إِنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡكَٰذِبُونَ
18. Maalinta (Qiyaamaha) uu Alle soo bixin iyagoo dhan, way u dhaaraan (Alle) siday idiinku dhaartaan9 iyagoo mooda inay wax (xujo ah) heystaan. Hubaal waa iyaga beenaalayaasha.
9. Waxay moodayaan in beenahooda la rumeysan, oo aan la garan doonin sida waagii nolosha adduunka.
Arabic explanations of the Qur’an:
ٱسۡتَحۡوَذَ عَلَيۡهِمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَأَنسَىٰهُمۡ ذِكۡرَ ٱللَّهِۚ أُوْلَٰٓئِكَ حِزۡبُ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ أَلَآ إِنَّ حِزۡبَ ٱلشَّيۡطَٰنِ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
19. Shaydaan baa duufsaday oo hilmaan- siiyey xusidda Ilaahay. Kuwaasi waa xisbiga Shaydaanka. Ogaada hubaal waa xisbiga shaydaanka kuwa khasaaray.
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحَآدُّونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ٱلۡأَذَلِّينَ
20. Hubaal kuwa khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa; kuwaasi waxay ka mid ahaan kuwa dulleysan.
Arabic explanations of the Qur’an:
كَتَبَ ٱللَّهُ لَأَغۡلِبَنَّ أَنَا۠ وَرُسُلِيٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٞ
21. Alle wuxuu qoray- hubaal waan adkaan, aniga iyo Rusushaydaba. hubaal, Alle waa Xoog Badane, Adkaade ah.
Arabic explanations of the Qur’an:
لَّا تَجِدُ قَوۡمٗا يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ يُوَآدُّونَ مَنۡ حَآدَّ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَلَوۡ كَانُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ أَوۡ أَبۡنَآءَهُمۡ أَوۡ إِخۡوَٰنَهُمۡ أَوۡ عَشِيرَتَهُمۡۚ أُوْلَٰٓئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلۡإِيمَٰنَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٖ مِّنۡهُۖ وَيُدۡخِلُهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ رَضِيَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ وَرَضُواْ عَنۡهُۚ أُوْلَٰٓئِكَ حِزۡبُ ٱللَّهِۚ أَلَآ إِنَّ حِزۡبَ ٱللَّهِ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ
22. Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro haddana jecel kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama qaraabadooda; kuwaa weeye kuwa uu (Alle) quluubtooda ku qoray Iimaan, uuna ku xoojiyey Ruux10 (hanuun) Xaggiisa ah, wuxuu galin Jannooyin (Beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Alle raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Alle. Ogaada, hubaal, Xisbiga Alle waa iyaga liibaanayaasha.
10. Ruux ay ku helayaan nolol, waxaana loola jeedaa go’aan adeygga, quwadda gudaha, daahirsanaanta qalbiga, hanuunka, guul, iwm.
Arabic explanations of the Qur’an:
 
Translation of the meanings Surah: Al-Mujādalah
Surahs’ Index Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali translation - Jacob - Translations’ Index

Translation of the meanings of the Noble Qur'an into the Somali language, translated by Abdullah Hasan Jacob.

close