Check out the new design

Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub * - Índice de traducciones

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traducción de significados Capítulo: Ar-Ra'd   Versículo:

Ar-racd

الٓمٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِۗ وَٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ ٱلۡحَقُّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤۡمِنُونَ
1. Alif Laam Miim Raa [1].
Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka), oo (Waxyiga) lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa waa Xaq, dadka badankiisuse ma rumeeyaan.
1. Eeg sharaxa SuuraddaAl-Baqara: Aayadda 1.
Las Exégesis Árabes:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي رَفَعَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيۡرِ عَمَدٖ تَرَوۡنَهَاۖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِي لِأَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ يُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّكُم بِلِقَآءِ رَبِّكُمۡ تُوقِنُونَ
2. Alle waa Kan kor yeelay samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, markaas dul ahaaday Carshiga, Wuxuu (idiin) sakhiray qorraxda iyo dayaxa; mid walbaa ku socdo (marriinkiisa) ilaa waqti magacaaban, Wuxuu isku dubbiradaa oo maamulaa arrin walba (ee uunka), ka yeelaa caddaan Aayadaha si aad u yaqiinsataan la kulanka Rabbigiin.
Las Exégesis Árabes:
وَهُوَ ٱلَّذِي مَدَّ ٱلۡأَرۡضَ وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۡهَٰرٗاۖ وَمِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ جَعَلَ فِيهَا زَوۡجَيۡنِ ٱثۡنَيۡنِۖ يُغۡشِي ٱلَّيۡلَ ٱلنَّهَارَۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ
3. Alle Waa Kan fidiyey arlada yeelayna dhexdiisa buuro sugan iyo webiyo, midho kastaana ka yeelay dhexdiisa labo nooc, wuxuu ku daboolaa habeenka maaalinta. Hubaal waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fekeri.
Las Exégesis Árabes:
وَفِي ٱلۡأَرۡضِ قِطَعٞ مُّتَجَٰوِرَٰتٞ وَجَنَّٰتٞ مِّنۡ أَعۡنَٰبٖ وَزَرۡعٞ وَنَخِيلٞ صِنۡوَانٞ وَغَيۡرُ صِنۡوَانٖ يُسۡقَىٰ بِمَآءٖ وَٰحِدٖ وَنُفَضِّلُ بَعۡضَهَا عَلَىٰ بَعۡضٖ فِي ٱلۡأُكُلِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ
4. Waxaa dhulka ah goosinno isbar bar ah, iyo beero canab ah, haruur iyo geedo timir leh jirrid urursan ay dhowr geed ka soo baxaan iyo kuwo kala tagsan oo geed keliya ka soo baxo halkii jirridba [2], lagana waraabsho biyo isku mid ah, waxaana kaga sare marinnaa qaarkoodba qaar kale (qiimaha) cunnada. Waxaa hubaal arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii fahmi.
2. Mid keliya uu ka soo baxo jirridkii, iyo kuwo halkii jirrid dhowr geed ka soo baxaan.
Las Exégesis Árabes:
۞ وَإِن تَعۡجَبۡ فَعَجَبٞ قَوۡلُهُمۡ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبًا أَءِنَّا لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدٍۗ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ ٱلۡأَغۡلَٰلُ فِيٓ أَعۡنَاقِهِمۡۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
5. Haddaad yaabtana [3], waxaa yaab ah weedhooda: Ma markaan noqonno carro, miyaa markaas abuur cusub (nala abuuri)? Kuwan weeye kuwa ku gaaloobay Rabbigood, kuwan waxaa ahaan jeebbado luqmahooda korkood [4[, waa kuwan ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.
3. Aad la yaabban tahay kuwaa beeniya Towxiidka islaamka ee caabuda cid kale aan Alle ahayn.
4. Silsilado bir ah oo gacamahooda lagu xirxiro iyo luqumahooda.
Las Exégesis Árabes:
 
Traducción de significados Capítulo: Ar-Ra'd
Índice de Capítulos Número de página
 
Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub - Índice de traducciones

Traducida por Abdullah Hassan Yaqub.

Cerrar