Check out the new design

Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub * - Índice de traducciones

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Traducción de significados Capítulo: Al-Nisaa   Versículo:

An-nisaa

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمُ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ وَخَلَقَ مِنۡهَا زَوۡجَهَا وَبَثَّ مِنۡهُمَا رِجَالٗا كَثِيرٗا وَنِسَآءٗۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِي تَسَآءَلُونَ بِهِۦ وَٱلۡأَرۡحَامَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَيۡكُمۡ رَقِيبٗا
1. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray lammaankeeda (Xawwaa), kana tafiirmay xaggooda rag tiro badan iyo haweenba; oo ka cabsada Alle ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), (dhowrana xaqa) qaraabada [1]. Hubaal Alle waa idin dhowri oo u jeedaa (acmaashiinna oo og yahay).
1. Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: "Ma galo janno qof qaraabo goys ah".
Las Exégesis Árabes:
وَءَاتُواْ ٱلۡيَتَٰمَىٰٓ أَمۡوَٰلَهُمۡۖ وَلَا تَتَبَدَّلُواْ ٱلۡخَبِيثَ بِٱلطَّيِّبِۖ وَلَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَهُمۡ إِلَىٰٓ أَمۡوَٰلِكُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ حُوبٗا كَبِيرٗا
2. Siiya agoomaha maalkooda, hana kaga beddelannina (waxyaalo) xun oo liita (aad leedihiin) waxooda wanaagsan; hana ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Arrinkaa hubaal waa denbi weyn.
Las Exégesis Árabes:
وَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا تُقۡسِطُواْ فِي ٱلۡيَتَٰمَىٰ فَٱنكِحُواْ مَا طَابَ لَكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ مَثۡنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَۖ فَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا تَعۡدِلُواْ فَوَٰحِدَةً أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَلَّا تَعُولُواْ
3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo, seddex iyo afarba. Haddaadse ka cabsataan inaydaan u caddaalad falin [2] markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya [3) ama waxay gacmahiinnu midig hantaan [4]. Arrinkaa baa u dhow inaydaan dulmi falin.
2. Caddaaladda waxaa loola jeedaa waxay u baahan tahay xaaska xagga masruufka, marashada, degaanka iyo hoyaadka, gogosha, iwm ee arrimaha muuqda ama qarsoon.
3. Islaamku wuu banneeyey guursiga wax ka badan hal xaas, wuxuuse ku xiray shuruud ay ka mid yihiin inuu qof u leeyahay awood inuu dhaqi karo oo dhaqaale u heysto, iyo inuu ogaado cadaaladda. Ka hor inta ayan soo degin Aayaddan way jirtay guursiga wax hal xaas ka badan , waxay xitaa anbiyo Alle isla guursadeen dumar aad u baan oo boqollaal gaara, Aayaddanse waxay oggolaatay inuu ninka guursan karo oo keliya ilaa afar xaas hadduu ka soo bixi karo shuruudda lagu xiray guursiga wax hal xaas ka badan.
4. Addoon iyo addoonsiga sidan ah ma jiro waqtigan bal waa laga mamnuucay caalamka, oo waxay jirtay waayihii hore.
Las Exégesis Árabes:
وَءَاتُواْ ٱلنِّسَآءَ صَدُقَٰتِهِنَّ نِحۡلَةٗۚ فَإِن طِبۡنَ لَكُمۡ عَن شَيۡءٖ مِّنۡهُ نَفۡسٗا فَكُلُوهُ هَنِيٓـٔٗا مَّرِيٓـٔٗا
4. Siiya haweenka meherradooda siismo waajib ah idinkoo ku niyad san, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherka), markaa ku qaata wanaag iyo kal samaan.
Las Exégesis Árabes:
وَلَا تُؤۡتُواْ ٱلسُّفَهَآءَ أَمۡوَٰلَكُمُ ٱلَّتِي جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمۡ قِيَٰمٗا وَٱرۡزُقُوهُمۡ فِيهَا وَٱكۡسُوهُمۡ وَقُولُواْ لَهُمۡ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا
5. Ha siinnina makasta (aan maamuli karin) maalka uu Alle idiinka dhigay waxaad ku nooshihiin [5], kase quudiya oo uga arrad tira, kulana hadla hadal wanaagsan oo gar ah.
5. Makas, waxaa halkan loola jeedaa agoonka aan qaan gaarin ama qofka aan si fiican u maamuli karin maalkiisa. Inkastoo uu yahay maalkooda, Alle wuxuu ka dhigay wadar isagoo ina xusuusinaya in maalka oo dhan uu Isagu yahay kan bixiyey si loogu daryeelo ummadda wadar iyo waaxidba.
Las Exégesis Árabes:
وَٱبۡتَلُواْ ٱلۡيَتَٰمَىٰ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغُواْ ٱلنِّكَاحَ فَإِنۡ ءَانَسۡتُم مِّنۡهُمۡ رُشۡدٗا فَٱدۡفَعُوٓاْ إِلَيۡهِمۡ أَمۡوَٰلَهُمۡۖ وَلَا تَأۡكُلُوهَآ إِسۡرَافٗا وَبِدَارًا أَن يَكۡبَرُواْۚ وَمَن كَانَ غَنِيّٗا فَلۡيَسۡتَعۡفِفۡۖ وَمَن كَانَ فَقِيرٗا فَلۡيَأۡكُلۡ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ فَإِذَا دَفَعۡتُمۡ إِلَيۡهِمۡ أَمۡوَٰلَهُمۡ فَأَشۡهِدُواْ عَلَيۡهِمۡۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا
6. Imtixaama agoomaha markay gaaraan Guur; haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, hana u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, qofkiise fiqiir ah, (wax) ha ka cuno si la garwaaqsan karo. Markaad u dhiibeysaanna maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; Allena waa ku filan yahay xisaabiye ahaan.
Las Exégesis Árabes:
 
Traducción de significados Capítulo: Al-Nisaa
Índice de Capítulos Número de página
 
Traducción de los significados del Sagrado Corán - Traducción Somalí - Abdullah Hassan Yaqub - Índice de traducciones

Traducida por Abdullah Hassan Yaqub.

Cerrar