Check out the new design

ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب * - لیست ترجمه ها

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ترجمهٔ معانی سوره: بقره   آیه:
۞ وَإِن كُنتُمۡ عَلَىٰ سَفَرٖ وَلَمۡ تَجِدُواْ كَاتِبٗا فَرِهَٰنٞ مَّقۡبُوضَةٞۖ فَإِنۡ أَمِنَ بَعۡضُكُم بَعۡضٗا فَلۡيُؤَدِّ ٱلَّذِي ٱؤۡتُمِنَ أَمَٰنَتَهُۥ وَلۡيَتَّقِ ٱللَّهَ رَبَّهُۥۗ وَلَا تَكۡتُمُواْ ٱلشَّهَٰدَةَۚ وَمَن يَكۡتُمۡهَا فَإِنَّهُۥٓ ءَاثِمٞ قَلۡبُهُۥۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ عَلِيمٞ
283. Haddaad safar tihiin oo aydaan helin qore, markaa ha la qaato rahan (curaar damaanad ahaan), haddiise uu midkiin aamino midka kale, markaa waa inuu kan la aaminay u guto ammaanadiisa (si daacad ah) oo ha ka cabsado Alle, Rabbigi. Hana qarinnina marag furka, qofkii qariya, qalbigiisu waa denbiile. Alle waxaad fashaan wuu Og yahay.
تفسیرهای عربی:
لِّلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَإِن تُبۡدُواْ مَا فِيٓ أَنفُسِكُمۡ أَوۡ تُخۡفُوهُ يُحَاسِبۡكُم بِهِ ٱللَّهُۖ فَيَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
284. Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo wax ku sugan arlada, haddaad muujisaan waxa ku jira nafahiinna ama aad qarisaan, Alle wuu idin ku xisaabin, markaas wuxuu u denbi dhaafi qofkuu doono, oo u cadaabi qofkuu doono. Alle wax walba wuu Karaa.
تفسیرهای عربی:
ءَامَنَ ٱلرَّسُولُ بِمَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِ مِن رَّبِّهِۦ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَۚ كُلٌّ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَمَلَٰٓئِكَتِهِۦ وَكُتُبِهِۦ وَرُسُلِهِۦ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّن رُّسُلِهِۦۚ وَقَالُواْ سَمِعۡنَا وَأَطَعۡنَاۖ غُفۡرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيۡكَ ٱلۡمَصِيرُ
285. Rasuulku wuxuu rumeeyey waxa lagaga soo dejiyey Waxyi ahaan xagga Rabbigi, oo (waa sidaas) mu’miniintu. Waxay kulligood rumeeyeen Allaah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa iyo Rusushiisa; Ma kala soocno midkoodna ka mid ah Rusu- shiisa dhexdooda, waxayna yidhaahdaan: Waanu maqallayoo adeecnay. Rabbigayow! Denbi Dhaafiddaada (yaanu kaa baryi), waana Xaggaaga meel noqodka dambe.
تفسیرهای عربی:
لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَعَلَيۡهَا مَا ٱكۡتَسَبَتۡۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذۡنَآ إِن نَّسِينَآ أَوۡ أَخۡطَأۡنَاۚ رَبَّنَا وَلَا تَحۡمِلۡ عَلَيۡنَآ إِصۡرٗا كَمَا حَمَلۡتَهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِنَاۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلۡنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِۦۖ وَٱعۡفُ عَنَّا وَٱغۡفِرۡ لَنَا وَٱرۡحَمۡنَآۚ أَنتَ مَوۡلَىٰنَا فَٱنصُرۡنَا عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ
286. Alle ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (denbi) kasabtay. Rabbigayow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbigayow! Ha na saarin culays sidaad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbigayow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur oo denbidhaaf, oo noo naxariiso [85]. Adigaa ah Gargaarahayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah [86].
85. Wuxuu Alle swt ku soo gunaanuday Suuraddan u tilmaamidda addoomahiisa sida loo baryo iyo waxyaalo u fiican inay ka baryaan, siduu ugu barayba suuradda Faatixada sida loo ammaano oo looga dalbo hanuun.
86. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waa ay ku filan tahay qofkii akhirsta habeenkii labada Aayadood ee u dambeeya Suuradda Al-
Baqarah ”. Waxaa la yidhi waxay ugu filan tahay dhowris iyo xafidid, ama ka kaafisaa Salaatu Leylka.
تفسیرهای عربی:
 
ترجمهٔ معانی سوره: بقره
فهرست سوره ها شماره صفحه
 
ترجمهٔ معانی قرآن کریم - ترجمه‌ى سوماليايى - عبدالله حسن یعقوب - لیست ترجمه ها

ترجمه‌ى عبدالله حسن یعقوب.

بستن